Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Ku Soo Dhawaada Website-ka Maxamed Hasan Husein Digaalseyshan

Heeso xul ah. Qiso jaceyl iyo sida aad u hanan karto jaceylka dhabta ah. ila qosol. Hano ruuxaad jeceshahay. Geerar jaceyl. Barnaamijka Caafimaadka. Blog

Necawda jaceylka nacabka jiroo naceybka ka dhowr

XIKMADO Bini'aadanka saddex baa mustaqbalkiisa ugu shiddo badan:- a) Saacadda uu moowdka lakulmayo. b) Saacadda uu qabriga kasoo baxayo. c) iyo saacadda Allaah uu hor istaagayo.   Adduunku waa saddex maalmood: -  a) Maalin tagtay oo aan kugu soo laabanayn. b) Maalin aad kudhex-jirto oo qorraxdeedu dhici doonto. c) Maalin soo socota oo aadan garanayn xaalkeeda iyo ehelkeeda.  BANI  AADANKA QOFKII SADDAX SHEEGO OO AAN SADAXDAAN AHEYN WAA BEENLOOW: -a) Qofkii yiri Allaan jeclahay oo aan xaaraanta kadheeraani waa beenloow. b) Qofkii yiri Jannaan rabaa oo aan xoolihiisa sadaqaysanaynina waa beenloow. c) Qofkii yiri rasuulkaan jecelahay(saw), oo aan masaakiinta jeclaynina waa beenloow.   WALAALAHU WAA SADDAXA:- a) Walaal Aakhiradaada u roon(kuxusuusiya). b) Walaal aad adduun ku walaaloowdeen. c) Iyo walaal layska weheshado oo aan meelna ku fiicnayn.  SIDOO KALE WAALO AYAA JIRO :-  a) Walaal qadada oo kale ah oo aadan kadhargi karin waana walaalka khaaliska kuu ah. b) Walaal daawo ah oo aad waqtiyada qaarkood ubaahatid, waana culumada Fiqiga. c) Walaal cudur ah, waana kan munaafaqaynta iyo laba wejiyaynta badan, kaasna uma baahnid ee kafogoow.   SADAX LAGAMA DHERGO:-  a) Nolol lagama dhargo. b) Maalka lagama dhargo. c) Caafimaadkana lagama dhargo.  SADAX KUGUMA WAARAAN:- a) Daruurta hooskeeda. b) Saaxiibka dhalanteedka ah. c) Ammaan aan run ahayn oo lagu ammaanay. Raggu waa saddex nooc:- a) Nin carrabka nin ka ah. b) Nin naftiisa nin ku ah. c) Nin maalkiisu nin kadhigay.  Waxaana nin dhab ah, ninka Naftiisa ninka ku ah (isku kalsoon)  XIGMAD SOOMAALI AH: - Bini'aadamka lix arrimood ayaa intuu noolyahay lasocdaa, waana laba labo: a) Labo waa horsocotaa, waana hawo iyo hunguri.b) Labana waa hareer socotaa, waana faa'iido iyo khasaare. c) Labana waa daba socotaa, waana gaboow iyo geeri.  Aan ka faa,iidaysano Macnaha kujira Gabaygaan diiniga ah.   AFAR HADAD JECESHAHAY AFAR DARYEEL  1.     Haddii aad Jeceshahay Farxadda Nolashaada daryeel Caafimaadkaaga.2.     Hadii aad barwaada jeceshahayna daryeel dabeecada3.     Haddii aad waaritaan jeceshahay daryeel Caqligaaga.4.     Hadii aad waxaas oo dhan isku jeceshahayna daryeel Diintaada..NAAGTA AFAR KAAF BAA LAGU QABAA.  1.     Kaalay 2.      Keen 3.     Kari4.     Kajoog Sababta oo ah, afrtaa kaaf haday naagtu diido dhaqmaad ma leh dhigid ma ogiye, kaalay sariirta haday diido  naagtu dhaqan maleh , keen waxaas haday diido o ay dhago adkaato naagtu dhaqan ma leh ka joog waxaa haday diido oo ay Madax adkaato naagtu dhaqan ma leh heblaayo  waxaan noo kari haday diido ayaduna dhaqan ma leh .  AFAR HORAA LOO DHAMEYS TIRAY CILMIGOODA  1.     Uunka.2.     Dhaqanka.3.     Risaaqa . iyo 4.     Ajasha.NAAGATA AFAR WAA IN AY UDGOONAATAA1.     Afka 2.     Kilkisha3.     Sanka4.     Iyo Alaabeeda (Cambarka)   NAAGTA AFAR HA U DHEERAATO 1.     Dhabarka.2.     Faraha3.     Gacmaha 4.     Iyo LugahaAFAR AFAR KAMA DHEREGTO1.     Dhul biyo kama dhergo .2.     Dheg war kama dheregto 3.      Il eegmo kama dheregto 4.     Naagna Nin kama dheregto AFAR QIIMOHOODA WAXAA OG AFAR  1.     Dhalnyarnimo qiimaheeda waxaa og waayeelnimo.2.     Nabad qiimaheeda waxaa og colaad.3.     Fayoobid  qiimaheeda waxaa og cudur.4.     Nolal qiimahadeeda waxaa og geeri                                                                                                                             Maxamed Hasan Husein.He’s father Hasan Husein.    Jacayl U samir Ama Ka Samir (Sheeko Xiiso badan)Lamaane calafku isa siiyay ayay qisadani ka hadlaysa, waa wiil waxbarasho u banbaxay iyo gabadh shaqo iyo axdiga jacaylka isku wada, duruufo badan ayaa bar bilow ilaa bar dhamaad hadheeyey sheekadan ee akhris wanaagsan.Bilawgii hore qoyska inantu waxay diideen in ay siiyaan inantooda wiilka ay jeceshahay, sababo la xidhiidha qoyska uu ka soo jeedo waxayna u arkayeen inanka mid aan u qalmin inantooda. Arrintani ma ay farxad gelin lamaanaha is jecel, waxayna murgisay xidhoodhkooda. Inantu waxay ku cadho burburtaa wiilka, isna afkiibaa juuqda gabay oo wuxu ku hadlo ayuu garan la'yahay. Sanado badan ayaa ka soo wareegay, waxay arrintu sidan ahaatoba, ugu danbayntii wiilkii wuxu dhamaystay waxbarashadisa, wuxuna go'aansaday inuu sii wato tacliintiisa oo dhamaysto qaybaha ka hadhay. Isaga oo aan weli dhoofin ayuu maalin maalmaha ka mid ah telefoon u diray inantii wuxuna u shegay inuu tagayo oo dal kale tacliintiisa kusoo qaadanayo, wuxu ku yidhi: " waxa aan hubaa jacaylka aan kuu hayo, hadaad igu raacdona noloshada inta ka dhiman aniga ayaa dusha u ritay. Arrinta qoyskiinana, ka hadhi mayo oo waxan isku dayayaa inaan bedelo fikradooda. Adna waxan kaa codsanaya inaad igu garab gasho arrinkaas" Inantiina, ‘hawraarsan' ayay ugu jawabtay.Inankii wuxu ka fekeray sidii uu inanta reerkooda ugu qancin lahaa inay isu hibeeyaan, jiif iyo joogba waa loogu taag waayay, waqtigu wuu hayaa oo dhoofkiisa ayaa soo dhow, talo way ka kala yaacsantahay, waxbaa maskaxdiisa ka dhex guuxaya, habeeno badan ma ledin, hurdo la'aanta waxa ugu biiray feker badan. Nin habari dhashay hal ma seegi waayee, wixii rag u kaco rabina aqbalo way rumoobaane, wiilkii wuxu arrinta rog rogaba, wuxu qaatay go'aan ragonimo. Wuxu is tusay inuu geesinimo yeesho, oo inanta reerkooda sidii xeer ahaan jiray rag u kaxaysto si loogu soo qanciyo arrinta guurka.Waqtigu wuu hayaa, tolow yaa saacada u yar joojiya, goor galab ah oo roob barqadii da'ay biyihii iyo daadkii kasoo rogmaday buuruhu weli dhulka sii qulqulayaan ayaa koox guurti ah oo hab dhaqan iyo xushmad leh oo aad moodo in loo darbay sida dadka loo qanciyo, erayba erayga uu ka haboonyahayna odhan og, ayuu inanki ku jiheeyey inanta reerkoodii. Markii madashii la gaadhay, reer Islaameed warama iyo belo ma ogina lays yidhi, martidiina qol heersare ah la fadhiisiyay waxa la guda galay hadafkii loo socday, qoladii guurtidu fariintii dhiibe, odaygii inanta dhalay iyo intii ka agdhowaydna rog roge taladii, aakhirkiina gudoonay fariintiinii, inantiina waanu idin siinay ayaa lagu kala tagay, iyo mahad Alla lehe, sharaf iyo ducaanu idinkaga tagnay.Habeenkaa, inankii farxad aan hore loogu arag iyo dhoola cadayn qurux badan ayuu ku habeensaday. Maalmo kadiba, waxa la guda galay xafladii meherka, inankii iyo inantiina halkaas bay ku noqdeen ul iyo diirkeed. Inankii sidii balantu ahayd wuxu u safrayaa dal kale si uu waxbarashadiisa u sii wato, inantuna shaqadeedii ayay sidii caadada u ahayd ka hawl gashaa. Intii lakala maqnaa, xidhiidhku ma istaagin, oo waxa la yahay hal bawlaha dhiiga qaada iyo wadnaha dhiiga qaybiya, telefoon iyo dhambaaloba wixii lagu wada xidhiidhi karayay waa la joogteeyey. Xaalku wuxu noqday dhoof nooli kulantee, ha dhantaalin caashaqa dhakhso waan u soo noqon, inkasta oo duruufuu kala fogeeyeen lamanahan cusub, hadana mid kastaaba dhankiisa ayuu ka ilaaliyay kana xaq dhawray axdiga dhex yaala.Maalmuhu ways daba socdaanoo, cashadii timaadaba samaan ama dhiilo mid uun bay sidaa, waxa dhacday inantii oo maalin ku socota xafiiskii ay ka shaqayn jirtay, ayaa waxa gaadhigeedii jiidhay oo meel isgoys ah kaga soo baxay gaadhi wayn waxana inantii helay shil aanay filaneyn. Miyir la'aan ayaa u xigay, waxayna ku war heshay iyadoo cusbitaalka taala oo la hareero joogo. Intii hore ma rumaysan waxa dhacay oo riyay u haysatay, hase yeeshee markay aragtay waalidkeed oo garab fadhiya ayay ogaatay inay shil gashay. Hooyadeed oo ilmo kasoo shagax tidhi ayay indhaha ku kala furtay, hadal ayay isku dayday mise afkiiba juuqduu gabay. Indhaha ayuunbay dadka ka aragtaa ee carabkiiba hadal maso celin karo. Waxa ku dhacay af xidhan oo hadalkii ayaa ka xidhmay. Dhakaatirtu waxay u sheegeen waalidkeeda in jugtii ka gaadhay maskaxdu ay waxyeeshay qaybtii hadalka.Inantii waxa ku habsaday arrin laga naxo, waxa usoo galay waa cusub oo aan farxad lahayn, waxay noqotay dhegayso oo ha hadlin, waxay ku gashay mudo badan oo oohin aamusan ah. Mudo markii lagu hayay cusbitaalkii waxa loo qaaday gurigooda, laakiinse weli sidii bay u cod la'dahay, oo hadalku uga soo bixi la'yahay. Waxa aad u dhibay sanqadha ama cida telefoonka marku soo dhacayo, ma doonayso in wiilkii maqlo sida xaalku noqday, waxay ka cabsoonaysaa in uu telefoon soo diro oo ay la hadli kari waydo. Inantii talo waxay ku gaadhay inay warqad u dirto wiilkii, una sheegto inaanay sugi karayn, oo uu fasax ka yahay. Fariintii markii ay gaadhay wiilkii, amakaag iyo fajaciso aan hore loo arag ayay ku noqotay, wuxu is waydiiyay waxa soo dersay ee cusub, hase yeeshee jawaab waafi ah umuu helin weydiimaha ka dhex guuxaya maskaxdiisa. Dhambaalo hor leh ayuu dabada isugu soo taxay, mase helin wax jawaab ah.. Telefoonka ayuu soo eersaday, tana waxba uma soo kordhin. Waxa keliya ee inantu samayn karaysay wuxu ahaa inay oohinta sii wado, ilayn ilmo kaama dhamaato.Waalidkii waxay is tuseen inay meel kale u guuraan bal in ay kasoo rayso oo ilawdo arrimaha dhacay iyo shilka ay gashay. Deeganka cusub ee ay usoo diga rogteen, waxa ku yaala dugsi lagu barto luqada faraha layskala hadlo. Inantiina dugsigaas ayaa lagu daray.Waxay nafteeda ku qancisay inay ilawdo inankii, oo daadka ku darto warkiisa. Gabadh saaxibadeed ah ayaa u sheegtay in inankii soo noqday, kuye, ha u sheegin arrinkayga oo iska ilow ninkaas.Sanad ayaa ka soo wareegay, gabadhii saaxibadeed ayaa maalin loo keenay kaadh casuumad aroos ah, mise maba laha iyadu ee waxay ku socotaa inanta hadalku ka xidhmay. Warqadii markii ay furtay inantii shilku helay iyada oo gariiraysa oo yaaban tolow waa ayo tan uu guursaday wiilkii, waxaba kaga soo baxay inantii warqadii wax la yaab leh, tolow waa maxay? Waa yaabka yaabkiise, inantii waxay ku aragtay kaadhka casuumada arooska magaceeda oo ku daba yaala magaca wiilkii. Inankii wuxu ogaaday wixii dhacay, wuxuna gaadhi u soo kaxaystay guriga cusub ee inantu joogtay, iyada oo labadii hablood iswaydiinayaan waxa ay tahay warqadu iyo sida wax u jiraan ayuu guriga hortiisa gaadhigii ku bakhtiiyay. Albaabka ayuu deg deg u soo garaacay waana laga furay, waxana uu markiiba dalbaday in la tuso qolka ay ku jirto inantu. Markuu so galay qolkii ayuu faraha ka hadlay, isaga oo leh, mudo sanad ah ayaan soo bartay luqada faraha ama calaamadaha, waxanse kuu sheegayaa inaanan anigu marnaba ku ilaawin wax kasta oo kugu dhacayba,ii ogolow inaan noqdo codka aad ku hadlayso, waanan ku jecelahay. Waxa xigay fargalkii oo uu farta u galiyay, iyo dhoolacadayn qurux badan oo inantu ku jawabtay. Sidaas bayna ku noqdeen kuwii hodmee hoy wada galee isku waara abid." Samraa sedkii helaJacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 1-aad) Daahir waxaa uu ahaa arday weli dhex-dabbaalanaya waxbarashadii Dugsiga dhexe,walow uu qaan-gaar ahaa. Xaafaddii "Anzaloti" ee markii dambana loo bixiyay Waaberi, ayay reerkoodu degganaayeen, oo uu isaguna ka dhigan jiray Dugsiga.Daahir reerkoodu waxay ahaayeen Beeraley,Xoola-dhaqato iyo Farsama-yaqaanno isku wada-dhafan. Degmada Afgooye, oo ay asal-ahaan ka soo jeedeen,waxaa ay ku lahaayeen Beer,taas oo ay ka soo goosan jireen Dalag iyo miro isugu jira:-Galley,Sisin, Lows, Yaanyo, Babaay, Canuuni, Seytuun iwm.Aqalka "Anzaloti-na" waxaa ugu xirnaa oo ay ku dhaqanayeen 3 - 4 Sacaad (Lo') iyo Weylahood iyo weliba 3 - 4 Riyood oo Ari-Carbeed ahaa. Dhaqaalahooda labadaas dhinac ku dhisnaa waxaa u weheliyay reerka farsamo-yaqaannimo xagga dhismaha ah,markii la helo Mashruuc laga fara-qabsan karo.Daahir wuxuu ahaa ruuxa kaliya ee waxbarasho ku hawlanaa marka la eego reerka oo dhan. Si gaar ah ayaa loogu roonaanayay loona tixgelinayay; waayo ku-lug-lahaanshaha xeyndaabka aqooneed ka sokow, waxaa uu lahaa Akhlaaq aad u sarreysa, oo ka shidaal-qaadaneysay xagga duruusta diineed. Xitaa Aabbihiis "Dikriyow" ayuu fiidyadii gacan ku siin jiray qorista Qasiidooyin ku aroorayay dariiqada Qaadiriyada. Taas oo ay reerka oo dhammi aad ugu xirnaayeen.Yaraantiisii Daahir, laba jeer ayaa loo kaxeeyay Tuulada Biyooley ee Gobolka Bakool, halka lagu Ziyaarto Sheekh-Aweys Dheere Al-Qaadiri, ee uu Qabrigiisuna ku yaallo.Wax badan ayuu Daahir kula luuqeeyay Aabbihiis-Dikriyow Qasiidooyin ay ka mid ahaayeen:-"Weliyu-lah, Weliyu-llah Uweys-Axmed Weliyu-llah", "Yaa-Rabbi salli calaa-Muxamad,Nebiyunaa ashraful-anaami" iyo kuwa kale oo badan oo uu aad u xifdisnaa Odaygu.Sida ay dad badani la socdaan, hareeraha magaalada Muqdisha, waxaa ku yiil dhulal waaweyn oo daaqsin ahaa,kuwaas oo loo yaqaanno Goofaf. Xitaa Muqdisha lafteeda ayaa markeedii hore,badankeed ka koobnaan jirtay "Goofaf"; gaar ahaan degmooyinka haatan loo yaqaan:-Kaaraan,Yaaqshiid,Heliwaa(Huriwaa),Hawlwadaag,Hodan,Wadajir,Dharkeenley iwm.Waxaa iyaguna jiray Xaafado Buushash ahaa (Bac,Baraako, Baako, Buul) oo gudaha iyo daafaha magaalada ku yiil; waxaana Buulooyinkaas ka mid ahaa:-Buulo-Mashiidiyo,Buulo-Xaashi,Buulo-Xuubey,Buulo-Waraabe(Cada-juuje),Buulo-Mugdi iyo kuwa kale oo isku-raran ahaa.Buushashkaas, waxaa markii dambe wada burburisay,dib u dejinna u samaysay Dawladdii Kacaanka. Waxaa la isugu wada-geeyay deegaanka Madiina, waxaana loo bixiyay "Degmada Wadajir", oo uu micnuhu yahay Midowgii Buushashleyda.Intaan la rarin Buushashkaas ka-hor,qaar ka mid ahaa dadkii reer Muqdisha, ayaa waxaa ay bilaabeen in ay dhulal iyo boosas macmal ahaa oo aan cabbirnayn(Obosibo),inay ka qabsadaan oo ka iibsadaan Odayaashii Goofleyda ahaa.Tallaabadaas waxaa ay dadka qaarkood ku dhaqaaqeen ka-gadaal markii ay maqleen in meelahaas loo cabbiri doono,lana dejin doono Obosibooyinka Muqdisha. Boos-qabsi iyo wax-badsi ayay ula jeedeen dadku.Qoyska reer-Dikriyow waxaa ay ka mid ahaayeen dadkaas dhulalka ka iibsaday,waxna ka degay Goofafkaas duleedka Muqdisha. Halkaas ayay deegaameysteen oo dhex-galeen dadkii Lo'leyda ahaa ee Goofafkana asal-ahaan lahaa,walow ay adkayd in ay Goofleyda ku dhex-milmaan, sababo iska-jiray awgood.Laakin Daahir iyo qaar ka mid ahaa walaalihiisii waaweynaa, waxaa ay ku hareen Aqalkii "Anzaloti",sababtuna waxay ahayd: In aan Aqalkaas la baylihin(dayicin) iyo Daahir oo uu dugsigu meesha uga dhowaa. Waxaa loogu tala-galay in uu isagu la noolaado,hooyo ahaanna u dugsado Dumaashidiis.Reer-Dikriyow intoodii degtay dhulkii Goofka ahaa,waxaa ay halkaas deris kula noqdeen Reerkii Lo'layda ahaa, ee asal-ahaanna iyagu lahaa Goofkaas. Qoyska Lo'layda ayaa waxaa uu ka koobnaa laba qaybood:- Oday Duub-weyne iyo labadiisii hablood ee xaasaska ahaa,waxay degganaayeen dhinac. Habar-Deynaba iyo gabadheeda Deeqa ahna, geestooda ayay u noolaayeen,kuna heysteen Lo' tobaneeyo neef ka koobnayd.Oday Duub-weyne iyo Habar-Deynaba,waxaa ay is-fureen oo kala tageen tobaneeyo sano ka-hor waqtigaas. Haddana sidaas oo ay ahayd, waxaa ay ku kala noolaayeen Baraako iyo Aqal-Somaali dhinaca isku hayay, waxna iskuma ay darsan jirin,xitaa hadal iyo salaanba ha ahaatee..!!Daahir, Jimcayaashii iyo maalmaha fasaxa ee dugsiga ayuu imaan jiray deegaanka cusub ee "Goofka",soona booqan jiray waalidkiis. Dadkii ugu horreeyay ee ay ishiisu ku dhacdayna waxaa ka mid ahaa "Deeqa" oo iyadu ahayd gabar markaas soo qaan-gaartay,naasuhu u soo baxeen,weji furan,midab dahabi ahna lahayd. Qeybta kale hoos ka aqriso...Jaceyl Cidna ma daayo Jacayl cidna ma daayo.!! (Qeybtii 2-aad) Markii kasta ee uu Daahir yimaado Deegaanka Goofka, waxaa uu halkaas ku sugnaanayay muddada u dhexeysa galabyada Khamiista ilaa Jimcayaasha gelinnada dambe.Dooggii halkaas ka baxayay,Neecaawdii udgoonayd , Saxan-saxada xilli-roobaadyada iyo dhulkii cusbaa ee ay Lo'du daaqeysay ayuu ku hawa-geddisanayay, aadna uga helayay.Meel hoos ah(har leh), ayuu la fariisan jiray Buugaagtiisa,kuna daalacan jiray hadba Casharrada hor-yaal ama ay Imtixaannadoodu ku soo fool-leeyihiin.Dhulweynaha Goofka ah, ee hortiisa ahaana, waxaa Casarkii la arkaba Lo' ku ilaalin jiray Habar-Deynaba iyo Gabadheedii Deeqa ahayd,ee uu isagu sida gaarka ah indhaha ugu hayay.Meel aan iyaga ka fogaynna,waxaa Tusbax la fadhiyi jiray,kuna subxaanalaysan jiray Oday-Dikriyow,kaas oo badanaaba ku luuqayn jiray Qasiiddo uu si gaar ah u jeclaa,oo ahayd:-"Axmad Nabi-Muxamad,yaa shaaficul-Qiyaama".Habar-Deynaba,waxay mar-mar soo ag-fadhiisan jirtay, si qaddarin lehna,laabta ugu heysay Oday-Dikriyow. Waxay badanaaba is-weydaarsan jireen sheekooyin iyo isu xog-warran la xiriira:Dhaqanka Soomaalida,Dhaqashada Lo'da, Qaabka nololeed ee deegaanka Goofafka iyo arrimo kale.Saacado aanan yarayn, oo laga shakiyi karayo, ayay Odayga iyo Habartu is ag-fadhiyi jireen, hadalkana isu-jiibin jireen. Deynaba waxay ahayd habar ay da'deedu kor u dhaaftay 60-sano,laakin muddo ayay soo ahayd Garoob,subax iyo galabba Caano lo'aad cabta oo iska barwaaqaysan,isagana baahan Oday asaaggeed ah oo ay weysada ku dhowrato,fiidyadiina la buneysato.Docda kale,Dikriyow, isagu waa uu iska soo laab-laabay guursi qof 2-aad iyo khudba-sireedsi,horuuna uga soo daalay,laakin Xaaskiisa "Deggan" ayaa xoogaa dhibsatay habartan uu galab kastaa ag-fadhiyo. Shaki aan buurnayn iyo Maseyr khafiif ah ayaa galay Deggan,waxayse isku xakamaysay xusuusta Murtida Soomaaliyeed ee ah:-"War jiraaba Cakaaruu iman" iyo "Gurbaan Ninkii xada,waxaa la rabaa meeshii uu ku garaaci lahaa"...!!.Xaqiiqadu waxaa ay ahayd in ay Habar-Deynaba hoos ahaan u jeclayd Oday-Dikriyow,laakin marka la eego duruufihii qallafsanaa ee deegaanka yaallay, ma ayan ahayn labadaasu kuwa isla saan-qaadi karayay. Waxaa hor-tiil murtida ah:-"Af waa kuh,maay liki aamee". Habar-Deynaba,waxay bilowday in ay Daahir ka codsato inuu Deeqa la ilaaliyo Lo'da, oo kula soo celiyo meel Doog ahayd.Waxay dhihi jirtay:-"Maandhow,aan kuu duceeyee, orod oo muluqdaas facaa ah, la soo celi Lo'da".Waxay habartu sidaas u yeelaysay, inuu Daahir ka ag-fogaado Duqa iyo Duqda,dhegahana u raaricin hadalkooda,kaas oo ay khatari ka imaan karto,iyaduna ay markaas fursad fiican u hesho la sii sheekeysiga Oday-Dikriyow.Dhanka kale, Daahir laftiisu,waaba uu u baahnaa, oo aad u rabay in wax loogu daro oo lagu lammaaniyo Deeqa. Aad buu ugu oomanaa inuu la sheekaysigeeda u helo fursad fiican, oo aan lagu ciriirinayn,raallina looga yahay.Aad ayuu Daahir ugu farxay in ay Habar-Deynaba gees ula baxdo Oday-Dikriyow,isaga Daahir ahna dhanka kale la aado Muluqda-Deeqa ah.Qeybta kale hoos ka aqriso...Jaceyl cidna ma daayo Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 3-aad)... Ilaahey amarkiis, Daahir isagoo markiisii horaba isha hoos-ahaan ugu xadayay Deeqa,ayaa haddana hawl la isaga raalli yahay laysugu daray labadooda.Niyadda ayuu kaga luuqayn jiray heestii ahayd: -"Deeqoy dabac wanaagey,dembiba taan lahayney,dadkana taan ka doortaay,kuma deyn karaayee,xaggeen kaa deyaa"?Daahir si deg-deg ah ayuu u dhaqaaqay, oo Lo'dii ula soo celiyay Deeqa,isaga oo kula soo hagaajiyay meel Doog ahayd oo dhanka Woqooyi kaga aaddanayd Goofka. Waxay labadoodii wada fariisteen goob ay ka wada arki karayeen Lo'dii daaqeysay, xoogaana ka fogayd bartii ay ku sugnaayeen habar-Deynaba iyo Oday-Dikriyow.Waxaa Daahir iyo Deeqa dhex-maray sheeko bilow ahayd, oo u dhacday sida soo socota:-Daahir:- Abbaayo, horta adigu maalin kasta miyaad hooyadaa soo wada-raacdaan Lo'da ?Deeqa:- Maalinna keligeed ayaa soo raacda,marna keligay,mararka qaarkoodna waan soo wada kaxaynaa Lo'da..Daahir:- Maalmaha aadan adigu soo raacin hooyo,xaggeed aaddaa ?. Ma Dugsi ayaad dhigataa ?Deeqa:- Guriga ayaan iska joogaa,meel ma aado,Dugsina ma dhigto,oo weligey layma geyn meel aan wax ka barto.Qaddar daqiiqado ah ayay kala aamuseen, oo uu midba ku maqnaa kan kale,kana fekerayay,ka-dibna waxay sii wateen wada-hadalkii oo u dhacay sidan:-Deeqa:- Aboowe,maxaa dhacay oo aad adigu halkan u soo degi weyday,ulana noolaan weyday waalidkaa ?!!.Daahir:- Taas weli kuma aan fekerin,halkanna wey ka fog tahay Dugsiga aan dhigto...waanse eegi doonaa, hadii Alla idmo.Deeqa:- Wallaahi Abow(Eebow),waxaa fiicnaan lahayd in aad halkan soo degtid,wax baad i bari lahayd,buugaagtaan ayaad ii akhriyi lahayd.Deeqa intaas kuma ay ekaannina, durba waxaa ay soo dhufatay mid ka mid ahaa buugaagtii Daahir,waxayna tiri:-"Hadda ii bilow oo ii akhri buugaan,muxuu ka hadlayaa,ii sharrax".Aad ayuu ugu farxay Daahir in ay Deeqa ku soo dhowaatay,farahana la gashay Buugaagtiisa, gacmahooduna ay is-dhaaf-dhaafayaan. Dhegihiisa waxaa ka yeerayay Heestii:- "Daahir Aramidaadii....Deeqa Aroor san weeyee...!!".Laabta ayaa u furantay Daahir markii uu arkay Deeqa oo ku keen-keentay. Waxay arrintanu la micna ahayd :- "Araggaagu waa ii abshir,...adna iimaankaad deeqdaa...Ubax sidiisii udgoonow, aragtidaadaa i deeqdee"...Buuggii ay soo dhifatay Deeqa wuxuu ahaa "Saaynis",dersiga kowaad ayuuna bilaabay Daahir in uu sharraxo, kaas oo ku saabsanaa "Habka Dheef-shiidka".Intii uu Daahir sida xariifnimada ah u sharraxayay Dersiga , si toos ah ayay u soo hor-fadhiday, u eegaysay,ugana helaysay Aqoonta iyo fariidnimada Daahir. Isaguna wuu isa sii muujinayay oo hadba bixinayay tusaalooyin mowduuca la xiriira, sidii macallin takhasus gaar ah u leh maaddada oo kale.La soco qaybaha dambe...Jaceyl cidna ma daayo Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 4-aad)... Daahir xariifnimadii uu ku soo hor ban-dhigay Deeqa, waxaa ay dugsanayd "Dhal-magaalnimo". Anzaloti ayuu ku soo dhex-barbaaray, indhahana ku soo kala qaaday. Wuxuu marar aanan yarayn iyo xilliyo kala geddisan daawaday Aflaam Carabi,Hindi iyo "Cow-boy"-ba isugu jiray. Kuwaas oo uu ku fiirsaday Seneemooyinkii Ceel-gaab, Banaadir,Xamar,Afrika iyo kuwa kale.Khibrad aan la dheyelsan karayn ayuu kasbaday. Weliba Aflaamtii Hindiga iyo kuwii Talyaaniga ahaa ee uu hore u galay, wuxuu ka soo minguuriyay xarakaad ku saabsanaa habka isku dhisidda hablaha iyo garba-ruxid. Hadba erayga "saas waaye noo" ayuu Daahir Carrabka ku adkaynayay.Dhankaas ka sokow,Daahir waxaa uu ka mid ahaa "Ciyaal-Iskuulkii" Muqdisha. Maamul,Macallimiin(Soomaali iyo Masaari), arday tira badan oo Wiilal iyo Gabdhaba lahaa, kana soo kala jeeday dhammaan Gobollada dalka, ayuu Daahir wax la soo qaybsaday,kana soo dhex-kasbaday qaab dhaqan-bulsho oo lagu hagayo aqoon, loona tix-raacayo Ilbaxnimo iyo Xadaarad.Culimada xagga Cilmu-nafsiga,waxaa ay aad u bogaadiyaan kaalinta barbaarineed iyo bulshadeed ee da'da soo koraysa, oo ay wax kaga faa'iideysan karayaan bulshooyinka ay ku dhex nool yihiin ee Qoyska,Xaafadda,Dugsiga,Suuqa iwm.Goobahaasu, waxaa ay lagama maarmaan u yihiin barbaarinta shakhsiyadda qofka soo koraya.Dhinaca kale, markii la eego Gabadha Deeqa ah,waxay iyadu ku dhalatay, ku dhex-barbaartay, oo aaney dhanna uga bixin isla-goofkaas ay hadda reerkooda kula nooshahay.Markii ugu badnayd ayay Suuqyada Muqdisha kuwa ka mid ahi, adeegasho darteed ugu raacday walaalaheed; waxayna marar aan tira yarayn ka soo dukaameysteen Suuqyada ay ka mid yihiin:-Balabaladii xamar-weyne(afar-irdood),Siigaale(Hodan),Bakaaraha, iyo kuwa kale.Saacadaha ay Deeqa joogto Aqalkooda, waxaa hawlaha guriga u weheliyay ,oo ay aad u jeclayd Dhegeysiga Raadiyaha. Waxay aad u danayn jirtay Heeso Jacayl ahaa, oo laga sii deyn jiray Raadiyo Muqdisho, sida:-"Kii dhab ah Jacaylkuba","Baar-baxay(Alam dheh,alam gariir dheh)","Gufaaco" iwm.Waxaa kaloo jiray Heeso waddani ahaa oo ay jeclayd Deeqa,sida mid ay mirahiisu ka mid ahaayeen:-"NFD-dhulkaygow, dhinaca Jabbuuti,dhulka laysku heysto, ee dhaxal wareegay. Inaan dagaal ku galo oo dhiig ku qubo, ayaan ku dhaartay". Xitaa iyada oo Lo'da la joogta oo raacaysa ayay ku luuqayn jirtay mirahaas dhaxalgalka ah. Marar badan ayay Deeqa iyo hooyadeed Habar-Deynaba, si wadajir ah u dhagaysan jireen,xiiseynayeenna Barnaamijyo ka mid ahaa,kuwii ka bixi jiray Radio Mogadisho,kuwaas oo ay ka mid ahaayeen:- "Wax-is-weydiin ma xumee,wax-is-weydaaris baa daran","Magaala-joog-xumo",", Miyi iyo Magaalo iyo kuwa kale oo ay gabadha iyo Hooyadeedba ka faa'iideysan jireen,waxna ka kororsan jireen. Waxaa kale oo jiray waqtiyo ay Deeqa Aqalkiisa ku booqan jirtay Aabbaheed Oday-Duub-weyne,oo ay Raadiyaha la dhegaysan jirtay Odayga, iyadoo isla markaasna ka jar-jari jirtay Ciddiyaha,Garkana u cillaameyn jirtay.Oday-Duub-weyne, waxaa uu isagu jeclaa dhegeysiga gabayadii: -Cabdulle Raage, Cali Cilmi Af-yare iyo Jimcaale Dhega-taag. Wuxuu kaloo Odaygu aad ugu raaricin jiray dhegaha Saarkii Carays Ciise Kaarshe, siiba marka uu leeyahay:-"Minyaradii oo maseyrtay,Min-weyntiina ay maslixi, mas'alo weeye aanan maqal. Nin uu Malaggiisu galay, Marruhu Mowd waa ka celin, mas'alo weeye aanan maqal", iwm. Arrimahaas ayay Deeqa iyo labadeedii waalidba danayn jireen,waxna kala bixi jireen; Laakinse Aflaam la daawado,Waxbarasho, Socdaallo, Dalxiis, Tamashle iyo arrimaha la midka ah shaqo kuma ay lahayn Deeqa.Si kastaaba qaab-nololeedka, deegaanka bulshadeed iyo fikradaha waaya-aragnimo ee Daahir iyo Deeqa ha u kala geddisnaadeene, haddana Dabeecad-ahaan iyo habka dad la dhaqanka ayay labadoodu iska soo jiidanayeen, iska-xiiseynayeen oo weliba iska helayeen...!!.Waxaa Carrabka lagu adkayn karay, oo la dhihi karay Deeqa iyo Daahir waa ay is-jeclaadeen ,da'dooduba ha yaraatee,illayn Jacaylku cidna ma daayee....!!.Jaceyl cidna ma daayo Jacayl cidna ma daayo..!! (Qaybtii 5-aad)... Si kastaba arrintu ha ahaatee,Daahir iyo Deeqa muddo ka-dib, waa ay isu sii kal iyo laab furnaadeen; xod-xodasho ayayna hoos isugu dhigeen, iyadoo aanan lagu dhawaaqeyn erayga ah:"Waan ku jeclahay"(I love you), kaas oo ay dhallinyarada waayadan dambe, si aan ka fiirsi iyo nuxur lahayn iskala soo boodaan.Hees Banaadiri ah, ayaa waxay lahayd:-"Waan ku arkay, waan ku caashaqay,aad waddaa, ma kaa ajiibaayi". Waxay u gudbeen in ay isla meel-dhigaan qodob muhim u ah: habka iyo qaabka is-aragga iyo hannaanka wada-socodka.Kaas oo ay dooddiisu u dhacday sida soo socota:- Deeqa:- "Aboowe, wax baan kaa codsanayaa, ee ma iga yeelaysaa, oo ma fulinaysaa"? Daahir:- Wixii aan adiga kaa diido, ma cid kale oo aan ka yeelayo, ayaaba jirta hee...? See camalkaa ..?!!.Deeqa:- Waxaan rabaa: in maalin kasta, saacadaha Dugsiga ka-dib, aad toos joogto u timaadid halkan, si aan isula raacno Lo'da, wax ii bartid, kuu weheshado, una sheekaysanno; waayo, anigu cid aan adiga ahayn lama lihi xiriir gaar ah, waxna kuma darsado, xitaa hooyadey-Deynaba waa og-tahay taas,si aan toos ahayn ayayna u bogaadisaa...Daahir:- Waa yahaye, markii aan halkan imaado casaryadii, goorma ayaan markaas anigu wax akhrisanayaa, oo haddana dib ugu laabanayaa Anzaloti; taas oo u baahan 2-saac oo sii-socod iyo soo-socod ah; walow aan aniguba jeclaan lahaa in aan mar kasta ku ag-joogo.Deeqa:- Waa tahaye, halkan u soo wareeg, oo kaba soo guur Anzaloti.Halkan uga kallah Dugsiga. Horta ma og-tahay Aboowe, in aanan marna ku arkin adiga oo gashan dharkii Dugsiga,wata buugaagtaadii, una sii socda xaggii Iskoolka...?!!.Daahir:- Yaaqaay, meeshaan mugdi waaye, nal ma leh cawadii(habeenkii); Imtixannana waa igu soo dhow yihiin. Ma waxaad isugu-key daraysaa Nal la'aan habeenkii ah iyo kallahaad Subaxyadii ah..?!!.Deeqa:- (Iyada oo dhoolla-caddaynaysa)- mar haddii aan anigu ku hor-fadhiyo, ma nal baad u baahnaaneysaa ?!!. Eebow anaa nal kaaga nuur badan...sax ma ahoo warkaas ?haa dheh...Daahir:- Hadda ma soo guurayo ee kow dheh,laakin, waxaan kuu ballan-qaadayaa; inta uu dhammaanayo sannad-dugsiyeedka, inaan galab kastaa imaanayo halkan, fiidyadiina dib u noqonayo, dhib kastaba ha igu ahaatee.warkaagaa ila weyn. Deeqa:- "Ma xuma, laakin, tallaabadaas ka bilow berri oo Sabti ah, Casarka dheerna aan ku arko adigoo soo kush-kush leh.. soona hor-mar aqalkeenna, si aan ula socdo imaatinkaaga ,oo aan markaas aniguna Oodda uga soo qaado Lo'da,kuuna soo daba-galo. Sidaas sow shax-shax ma aha" ? Daahir:- Waa shax-shax iyo Sharuur Caana leh, laakin, sow ma joogto hooyadaa-Deynaba,sow kuma soo daba-galayso ? sow ilkur nagu noqon mayso...?!!Deeqa:- Micna ma leh, waxaan dhahaayaa; iska joog hooyo, anigaa Lo'da ku filane...haddiise ay diiddo, waa caadi iyadu, sidey u soo socoto ayay iska ag-fadhiisanaysaa Aabbahaa Adeer-Dikriyow, sheekadiisey ka heshaa..Aniga iyo Adigu, sidii aan yeeli jirnay, Lo'da ayaan xoogaa celcelinaynaa, ka-dibna, waxaan fariisanaynaa meel Duqa iyo Duqda xoogaa ka fog, oo ayan na maqlayn wixii aan isu sheegeyno...sidaas waadba ogtahaye, maxaad isu yeel-yeelaysaa Daahir ?!!Daahir:- Fikraddaadu ma xuma, laakin ogow soc-socodka faraha badan in aan ku daalayo. Teeda kale, dadku ma aha dabbaal, waa ay na fahmayaan in aan isku farqa-xirannay..Deeqa:-(Iyada oo dhoolla-caddaynaysa), micna ma leh taas aboowe, haddii loo baahdo, mar kastoo aad timaadid Goofka, Lugaha ayaan kuu tuutuujinayaa, markii aad fiidyadii laabaneysidna, waxaan ku cabsiinayaa Haruub Caana Lo'aad ah oo kulul...ka warran hee warkaas ?!!Daahir:- Yaaqaay naga dhaaf hee, ha nagu bafuufinnine, lugo iima tuutuujineyside, iimaanka ha iga soo ridin.Deeqa:- Ha igu bafuufinnin aad i tiri miyaa ? Waa beentaa aad ka waddaa ma ahoo ?. Waa ogahay Bafuufis, waa warkii reer Anzaloti. Iyaga ayaa yaqaanna warar hoos laysaga dhiibo. Waxaana jira kalmado badan oo ay isticmaalaan Reer Anzaloti, Reer Bilaajo(Shibis), reer Shangaanni, Reer Boordheere iyo Reer Xamar-weyne. Annagu waxaan nahay Goofley, warkaayna waa cad-cad yahay, war maldahanna kuma hadalno.Daahir:- Waaba aad igu keen-keentaye, maxaa ka mid ah Erayada ujeeddada kale leh, ee ay ku hadlaan dadka deggan Xaafadaha aad sheegtay ?!!.Deeqa:- Erayada aan ka maqlo dadka Xaafadahaas, markii aan Suuqyada isugu tagno, waxaa ka mid ah:-"Qob Moos aad ii dhigtay","Waa ii gembisay","Waa kaa haayaa","I mooti","waa u sheegeynaa","Baska dambe soo raac","Sakiin liq" iyo erayo kale oo tira badan, aanse anigu fahmayn, inta badan, laakin aan ogahay in wax lagu hoos wado...!!.Jaceyl cidna ma daayo (Qaybtii 6-aad)... Sabtidii ugu horraysay ayaa la gaaray; Daahir Dugsigii ayuu ka soo rawaxay; degdeg ayuuna u qadeeyay, dabadeedna, waxaa uu u qalab-qaatay inuu u soo dhaqaaqo xaggii Deegaanka Goofka,isagoo fulinaya ballantii ay kala galeen Abaayo-Deeqa.Dumaashidiis "Dowlaay", oo uu Anzaloti kula noolaa, ayaa weydiisay halka uu u qalab-qaatay Duhurnimada...!!. Wuxuu ugu jawaabay in wixii hadda ka dambeeya, uu galab kastaa aadayo Goofka,sababtuna tahay : inuu halkaas wax ku akhrisanayo, hawadeeda wanaagsan darteed.Dowlaay, waxay ahayd qof bisil oo waaya-arag ah, waxay Dumaashigeeda yar si kaftan-dhabla ah ugu tiri:-"Waxaan u mudaa in aad geber facaa eh, meeshaaseey ku soo aragtay, ani mukuu bogin beryahaan".Sidii uu u soo kush-kush lahaa, ayuu Daahir soo gaaray Goofkii. Wuxuu soo hormaray Aqalkii Deeqa, oo waddada ka saarnaa dhanka bidix.Si taxaddar leh ayuu u jalleecay dhankii bidix, waxayna Indhaha isku dhifteen, si kal-gacal lehna isugu dhoolla-caddeeyeen Deeqa, oo fadhiday bartamaha daaradda(Deyrka), indhahana si aan nibirsi lahayn ugu heysay Albaabka, sugaysayna soo maridda Daahir.Daahir wuxuu isaga sii gudbay dhankii aqalkooda, waalidiintiisuu salaamay, kana dhaadhiciyay inuu galab kasta imanayo oo halkan hawada wanaagsan wax ku akhrisanayo.Deeqa inta ay degdeg u gashay Moorada, ayay Oodda ka soo qaaday Lo'dii, soona daba-gashay Daahir; ka-dib markii ay Lo'dii ku sii deysay Goofkana, waxay fariisatay halkii ay Daahir wada sal-dhigan jireen, isagana meeshii buu ugu yimid; waxayna arrintoodu ahayd: "Ballantii aan dhigannaba, weligaa ha beeneyn, barashadii kal-gacalkuna, bilaash yaaney kula noqon".Waxay salaan ka-dib, Deeqa ka soo saartay Kiish ay wadday, 30-neeyo xabbo oo Murcood (Murcut) ahaa,kaas oo si lixaad leh uga baxa hareeraha Goofka iyo weliba dhowr laamood oo Caday ah, dabadeedna waxaa iyada iyo daahir dhex-maray sheekadan:-Deeqa:- Aboowe, Murcoodkaan iyo Cadaygaan, saakay ayaan soo guray, adigaan kuugu tala-galay ee arag hee...Daahir:- Hay,Hay,Hay, Murcoodkaan camal, waxaan ka soo gadan jiray Suuqa Anzaloti,5-tii xabbo waxaa layga siin jiray taano, 10-kiina kumi,isagoo weliba dhanaan ah.Deeqa:- Kan ma aha nooca dhanaanka ah; wuxuu ka baxaa darafyada Goobkeennan. Hadda xilligiisaa lagu jiraa, si xad-dhaaf ah ayuuna noogu baxay. Islaan Ayeydeey ah ayaa Suuqyada u iibgeysa, oo xoogaa ka hesha, cid kale oo daneysa maba lihin. Haddaan waayo hore isbaran lahayn, waxaan kuugu keeni lahaa Anzaloti(iyadoo qosleysa).Daahir:- Laakin abaayo, waxaad tiri:- "Dhanaan ma aha Murcoodkan ee waa macaan, see ku ogaatay, ma soo dhedhemisay ?"!!.Deeqa:-(Iyadoo qosol la dhacday)- sidee loo soo dhedheminayaa !!.Ma Maraq dabka saaran baa, mase waa Bariis ?Daahir:- Laakin see ku ogaatey hee, ii caddeey ?Deeqa:-Annagu marka aan aragno Geedka horaan ka fahmeynaa, muuqaalka guud ayaan garan karnaa, annagoon dhedhemin. Waan ku dhex-dhalannay oo ku dhex-barbaarnay Deegaanka iyo Geedahaba.Daahir:- Caday fiicanna waad ii kentay Abaayo,waad mahadsan tahay.Deeqa:- Haa isagana hareeraha Goofkuu ka baxaa. Waan ogahay in ay ilkahaagu cad-cad yihiin, laakin, ku sii cadayo, runtana waad sheegtaa. Waxaa la yiri:-"Afkaaga run baa la baraa, Rumayna waa loogu daraa". Aboowe, maahmaahdaas weligaa ma maqashay ?Jaceyl cidna ma daayo Qeybtii 7-aadSidaas hab-samida ah ayay Daahir iyo Deeqa isula sii qabsadeen. Hannaanka wada-socodkooda, Ilaalinta ballamadooda, wada-sheekeysigooda, Wax isu-haddiyeyntooda iyo Aqoon kala kororsigooda, dhammaan waxay ku dhisnaayeen Run, Niyad-sami iyo Isu-dhoolla-caddayn laabta ka imaaneysay, oo ayan dhagari ku jirin.Waxaa ka dhinnaa, qarkana ay isula saarnaayeen, inay isugu luuqeeyaan:-"Caashaqii ku dhega-tira, Afka lagama dhowro", "Waxaan dhugaa Dhawaaqaaga Beeraha dhexdooda","Wixii aan dhedhemiyaa, waa ii dhanaan yihiin" iwm. Oday-Dikriyow iyo Habar-Deynaba, intaas waa ay arkayeen, ka ag-dhowaayeen, oo isha la raacayeen xirirkaas hadba sii xidideysanayay ee Daahir iyo ka dhaxeeyay Deeqa.Jacaylka labada dhallinyaro, wuxuu ka yimid dhanka Daahir, gabadhana waa uu ku siqay oo saameeyay. Laakin jacaylkii ay duqdu u qabtay Oday-Dikriyow, iyada un buu ku keli ahaa. Waxayna hadba isku dayeysay in ay ku tallaasho Odayga gaamuray ,ee hore u soo qaatay waqtigiisii. Duqdu, waa ay taxaddareysay, si ayan u qabsan wixii ay "Magool" ka muujisay Calaacalka, ee ay ka tiri:-"Armuu i diidaa, i-deyriyaa oon ku daalaa;Armaan darxumo iyo dhib doontaayoon dekaamaa; dabadeed noqdaa doqontii cidlada ka dabbaal-degeysay"..!! Galab ka mid ahayd galabyada, ayay iyaga oo sidii caadiga u ahayd isu ag-fadhiya Deynaba iyo Diktiyow,markaasna ayan Deeqa iyo Daahir sidaas uga ag-fogeyn,;ayay Habr-Deynaba, iyada oo Qiiqa isku qarineysa, fureysana Albaab ay u dan-lahayd, ku soo hadal-qaadday Dikriyow xiriirka labada dhallinyaro, ee sii kobcaya. Wuxuuna wada-hadalku u dhacay sida hoos ku qoran:- Habar-Deynaba:-Oday-Dikriyoobow, waad aragtaa, sida ay Wiilkaaga Daahir ah iyo Gabadheyda Deeqa ah, ay isula qabsadeen, isu-fahmeen, isugu laab furan yihiin, oo ay galab kashaataa(kasta), hoosta isaga jiraan. Ka warraan hee haddaan u sii dhameystirno, oo isu dhisno..? Oday-Dikriyow:- Habar-Deynabaay, Ilaaheey wuxuu yiri:-"Maxaad ugu qowleysaan(hadleysaan), wax aydaan sameynayn"...Marka iga dhaaf Warkaas..Boogta igu taallana ha damqinnin..!!. Habar-Deynaba:-Maxaa dhacay ? Waa saay ? Seed iila hadleysaa Xaaji ?; Maxaa dhibaata ah oo ku jira Warkayga ?!!. Oday-Dikriyow:-Walaasheeyaay, wiilka ha iga maqashiin warkaas; jacayl iyo aroos midna ma gaarin; waa arday muluq ah(yar); mana aan rabo in uu Qalbigiisa galo arrimahas.Teeda kale, waad og-tahay: in idinku haddaad reer-Qansax tihiin,in aad na quursataan, hoosna noo fiirisaan, haddaan reer-Qurac nahay. Gabdhihiinna ma siineysaan Wiilasheenna, in ay hoos-hoos ula heshiiyaan ama khudba-sireedsadaan mooyaane. Waase ogahay, oo waa jiraan, oo xusid iyo bogaadin ayay mudan yihiin:qaar ka mid ah Gabdhaha aqoonta sare leh, Garaadkooduna weyn yahay,Birtana calashaday, oo iyagu jebiyay xeyndaabkaas haraadiga ah, maalinta cadna la aqal-galay wiilashii ay jeclaadeen, iyagoon eegin heybtiisa qabiil. Marka, adiga oo is-quursigaas og, waa maxay ujeeddada aad ka leedahay warkaagan..? oo aad anigana igu juq-juqeyneysid ?!!. Habar-Deynaba:- Waa runtaa, is-quursigu waa jiraa, siiba marka ay Guur noqoto, waana ogahay, laakin anigu ma aaminsani, waana ka soo hor-jeedaa in wiil iyo gabar uunka iska xushay, Soomaali iyo Muslinba wada ah, aanan loo kala turjumayn, isku qanacsan....in laysu diido ,oo la kala hor-joogsado. In ay dhibaato hor leh iyo dembi ka imaanayaan ayaan qabaa. Oday-Dikriyow:- Waa la og-yahay, dadku iskuma jiraan, Soomaalida oo dhan ma wada aha, quursiga qaarkood un baa wada, oo aaminsan dhaqanno hore, oo ay dunida horumartay ka gudubtay.. Diinteennuna waa ka soo hor-jeeddaa, oo Nebigaaba yiri:-"Dadku waxay u siman yihiin, sida Ilkaha Shanlada". Oday-Dikriyow, oo sii kululaaday, siina wata hadalka ayaa intaas ku daray:-"Anigu ma ahi caalim,aqoontuna waa ay igu yar tahay, laakin waxaa iga buuxa Cilmi-dhegood iyo waaya-aragnimo badan. Warkan iga qor galabta:-Inta ay Soomaalidu wadaan qabyaalad, is-quursi, qola-qolayn iyo caddaalad-darro, weligood hore uma marayaan,mana la saan-qaadi kari doonaan asaaggood. Ugu dambayntana waxay Soomaali eersan doonta,dabinna ugu dhici doontaa "Qabyaalad". Annaga weligeedba ha nala quursado,laakin waxaa la yiri:-"La riixow reerka adaa u roon".Ilaaheyna, wuxuu u hiilliyaa kuwa la dulmayo,laguna xad-gudbayo"Waa dareen cashaq oo duufaantiisa wata , waa daymo jacayl oo is fiirinaya,waa ishood horleh iyo barasho cusub oo daaha ka qaadantay , iyo calool bal balaysa oo jawaab sugaysa wakhtigu wuu socon layahay fakar iyo fiiro jaceelna meel ayeey ku sugayaan waa interview cusub oo wajiyo hor le , waa tashaday Osmaan tii ilaahayna meel ayaay talaa , iga baxi Allahayoow caashuqu bad weeye waxaa la soo gaadhay subaxii jimcada jawiga maalintaas waa dagan yahay cirka waxaa xuubka saaray daruur ceer yaanteeda wadata dabayel qaboow ayaa dhacaysa dhulku xili roobaad ayuu u eeg yahay , Osmaan wuxuu qiimayn saaray wajiguu kula kulmi lahaa Raaqiya waxaanu dhexda u xidhay lakulanka cusub ee uu hor fadhiisanayo Raaqiyo, ileen qof aadan oqoon oo jaceel kuu galaa garaadkaaga ayaa kuu heeshee iyo geesinimada aad mu jiso , waxay talo sii gur guurataba aakhirkii waxaa madaxa lala galay xiligii uu balanta lahaa wuxuu isku taagay labis aad uqurxoon oo indhaha soo jiidanaya ileen labisku waa kabadh quruxda qofka dhalinyarda ,waxaanu afka soo saaray dhankaa guriga Manaal ay joogtay wuxuu fiirinayay wakhtiga ay balanta lahaayeen oo aheyd 8:00 fiidnimo waxaa isku soo beegay xiligii ay balan sanaayeen Manaal waxaanu isa soo tagay guriga waxaa kafurtay Manaal waxaanay usoo dhawaysay si heer sare ah iyadoo guriga oo dhan ay ka carfayso isku soo haad ama bukhuurka umarka ku soo jiitaan raga waxaanu usoo gudbay gudaha wuxuu iska fadhiistay ursi gii ay is yaqaaneen ee uu hore u fadhiisan jiray wuxuu hore ka qiimeeyey xaaladda guriga ,waxaa u muuqan waysay gabadhii Raaqiya aheed jawigu wuxuu ula muuqday nooc kale waxaa hor yimid Osmaan Su'aalo badan waxaa ka muuqatay wajigiisa cabis iyo xishood dareenka caashaqu waa dhib badan yahay daqiiqado kadib waxaa jikada ka soo baxday Manaal oo sidii la isku yaqaanay sida cabitaan iyo buskud qalabka martida loogu talagalay waxaanay saartay miiska udhow Osmaan afkeeda maykala furin dib ayay u noqotay waxaanay gashay guriga iyadoo hore u dhaaftay jikada wuxuu maqlay cod iyo nux nux aad ayuu u shakiyay dareenkii su wuxuu isku shareeray cirka indhahu way is qaban waayeen dhagahu waa maqal raadis afkiisa cabitaan muusaarin iyo alaabtii loogu talagalay waxaa u baxaya hadal meel dheer ah oo xanshaashaq ah makala saari karo inta qof ee wada hadalaysa lakiin wuu dareensan yahay in meesha lagu badan yahay oday Osmaan wuxuu samro oo sugo dadka nuxnuxda meesha kahaya waxaa soo baxaday Manaal oo gacanta haysa Raaqiyo oo afka garbasaartii ay sidatay saartay sidii qof wajiga qarsanaysa kii xishood ahaane uu indhaha ka saran yahay. Osmaan waxaa ku yeedhay wiishka Waxaa ku baryay waa cusub waxaa ka lumay kantaroolkii waxaa jidhkiisa oo idil is qabsaday dhidid, dareenkiisa oo dhana wuu aamusay , wuxuu ku war helay Oday Osmaan, salaan Manaal ay iska soo hor marisay ASlaamu calayku warax matu laahi wb , Osmaan fadhiga ayuu ka istaagay waxaanu si cod gaaban ah ku dhahay Wacalayku wasalaam wwbrk waxaanu dib ugu fadhiistay kursigii uu fadhiyaay,daymada Osmaan way is badashay jawiga gurigu aamus ayuu galay, wadanaha Osmaan wuxuu ushaqeenayo si aan caadi aheen wajiigisa naxdin ayaa ka muuqata, waa la wada aamusay sidii film horror ah la shiday xaaladu indhaha ayaay isku qabsatay xishoodkii la yaqaanay ayaa guriga roob ku noqday, waxaa iftiinkiisa shidmay jacayl ,waxaa daaha soo rogay dareen culus afkiibaa juuqda gabay alloow adaa ku tala saartay ,hadaba Manaal oo u dhalatay firfircooni ayaa meesha waxay ka furtay barsho horleh , waxaanay hadalka ku biloowday Raaqiyo soo dhawoow wiilkan waa walaalkay waxaana ladhaha Osmaan ,dadkuna waxay ku fiican yihiin aqoonta hadanay aqoon isu lahayn waa lakala xishoonaya ,Osmaan waxaa ka soo fuqay hadalkii mudo daqiiqada ah qalbigiisa ku duugnaa waxaanu si aad soo jiisha uleh ugu celiyaay barasho wanaagasan abaayo magacaygu waa Osmaan Raaqiyo ayaa ka gudoontay si xishood ku dheehan yahay , waxaanu hadalka ku sii daray Manaal aad iyo aad baad ugu mahad santahay abaayo sida sharafta leh aad noo soo dhawaysay , Manaal oo ah qof reer magaal ah oo aad u diyaarsan ayaa waxay goobta ku dhex tuurtay alaab ayaan hooska soo qabsanayaa ee iska sheekeeysta waxaanay u dhaqaaqday dhanka albaabka guriga waxaanay kula sii kaftantay intay sii socotay gurigu waa gurigiina ha is martiyeeynina ,Osmaan iyo Raaqiyo goobtaa ayaa ku waynaatay guriga ayaa ku balaadhay kii xishood ahaana weerar ayuu soo qaday kii jaceel ahaana mukeefkiisa qaboowaa ayuu ooda ka soo qaaday waa la isla aamusay , halkaan ka baxaa meel Alle ayay maraysaa xaaladu , xiwaar intee in la eg ah ayaa dhex maray Osmaan iyo Raaqiyo wajigan cusub muxuu noqon doona ?andaasyare@hotmail.comHADUU GUURKU CALAF YAHAY CAASHAQUNA MUXUU NOQON?QAYBTA 1AAD Waxaa sida la ogyahay aduunka hadiya jeer kadhaca sheekooyin laga tabiyo bulshada taariikhda iyo cimriga kala duwan ee ay marto umada illaah ku uumay koonkan aan ku nool nahay ,waxaa sidaynu ognahay dhacda saacad walba ama wakhti walba iyo daqiiqad walba dhacdo ay taariikhdu mar dhaw ku xusto baalasha kala duwan ee dhacdooyinka taariikhiga ah bulsho ku nool meel isku mida .dhacdooyinkaasi ha ahaadaan qaar bulsheed ,diimeed ,siyaasadeed,dhaqan dhaqaalle ,iwm.v Sida aan wada og nahay soomalidu waxay leedahay luuqad qaniya oo ay aad ugu faanto hadiya jeerna ay u adeegsato sarbeebta taas oo ka turjumaysaa sadarada kor aynu ku xaradhnay taas oo ah maahmahda soomaliyeed ee tiraah (waagii baryaaba waaya leh) Hadaba labada lamaane ee sheekadani soo dhex martay waxaa ay ahaayeen wiil iyo gabadh lakala yidhaahdo khaddar xasan iyo fahiima yuusuf .Hadaba labadan lamaane oo hab nololeedkoodu aad isugu dhawaa ayaa waxaa uu khaddar oo ahaa wiil dhalin yara oo ku noolaa magaalada hargaysa .Khaddar waxaa uu ka dhashay reer ka kooban:- aabo, hooyo iyo 3 caruura oo isaga da ahaan ka yaryar,khaddar waxa uu ahaa curadka aabe xasan iyo hooyo caasha .Waxaanu waxka baran jiray dugsiga sare ee maxamud axmed cali . Sidoo kale waxaa fahiima ay ahayd gabadh baariya oo uu dhalay aabe yusuf hadiya jeerna waxaa uujeclaa in gabdhiisa fahiima oo uu kaligeed dhalay la jeclaa gabadhiisa inay waxbarato si ay mustaqbalka danbe u anfacdo isaga iyo hooyaded khadiija .Hadaba markii fahiimi ay dhamaysay dugsigeedii dhexe ayaa waxay ku biirtay dugsiga sare ee faarax oomaar waxaa ay sanadkii hore (formI ka ) dhiganjirtay galinka danbe . Fahiimi waxay sanadkii hore ku dhamaysatay waxabarashada galinka danbe halka khaddar uu dhigan jiray maxamud axmed cali galinka hore .waxaa maalintii danbe khaddar booqasha ku soo gaadhay dugsiga sare ee faarax oomar maalintaasi oo ahayd maalin khamiisa hadiya jeerna khamiista ardayda dugsiyada sare ma qaataan dirayska ardayda sidaa awgeed waxaa khaddar maalintaa lasocdaa sxbkiisi dugsiga dhexe oo la odhan jiray farxaan c/laahi oo ay isla markaana isku fasal yihiin fahiima yuusuf oo runtii ahayd gabadh illah ku manaystay qurux runtiina waxay fahiimi leedahay midab soo jiidanaya raga dherer fiican iyo hilib yar oo saafan oo aan culays badan ku hayn dhismaha jidhkeeda ,waxaa khaddar soo galay fasalka isaga oo uu garab socdo sxbkii farxan waxaa khaddar markii uu fasalka soo galayay jaleecay xaga gabdhaha waxana uu isha ku dhuftay fahiima oo markaa ahayd gabadh indhaha soo jiidanaysa illahna ku manaystay qurux.Khaddar intii galaaska uu ku jiray waxaa maskaxdiisa ka dhex guuxaysay suaalo aad ufarabadan oo ay kamid ahaayen Sxbkaa farxaan iyo gabadhaas wax aqooni maka dhaxaysaa ?Sidee gabadha isbarasho idiin dhexmari doontaa?Ma adigaa kaftanka ku furi doona mise sxbka farxan ayaad u adeegsataa ?Khaddar jelleeco iyo dareenka hayaa kolba waa uu ku sii badanayaa xiisadaha macalimiintu sharaxayaan uma jeedo maskaxdiisu iyo dareenkiisu waxay ku jeedan fahimo yar markii waxooga uukhadar mawjadahaa dareenka kala duwan ku jiray ayaa macalinkii xiisadi ka dhamaatay .Hadaba markii macalinkii sidaa u baxay ayaa waxa khaddar haysan kari wayay dareenkii jidhkiisa badalay waxaa isla markiiba khaddar farxaan ku yidhi waxaa aad isku galaastihiin hablo aad uqurux badan waxaana farxaan ku jawaabay haa lakiin hablaha jaleecada ha ku badin meeshu maxud axmed ali maahee.Isla markaa waxa khaddar ku jawaab celiyey in hablaha mid kamid ah ay dareen gelisay. Waxa markiiba farxaan weydiiyey walaal waa ta halkee fadhida? Jawaab: kursiga dhexe ta dhexda fadhida, walaal ma fahiima jawaab haa ma fahiimaa layidhaah, khaddar walaal inantaas wax aqoon ah ma idinka dhaxaysaa, farxaan haa laakiin ma badna, khaddar walaal ma iskaaya barri kartaa, farxaan haa walaal dhibmalaha.Khaddar markaa dareenkiisu waxa uu ku suganyahay ama maskaxdiisa ku soo noqnoqonaysa weedha tidhaahda: -Haddaad gabadh is aragtaanIs aragtaanoo Dabadeed is eegtaan Ereyna aanad odhan KarinWaa aafaadka soo dhacayiyoArrami kugu taal.....Intaa markii lays dhaafsaday khaddar wuxu raagsanayaa waqtiga, balse in yar ka dib waxa ardaydii u dareereen fasaxii.Khadarna, waxa uu sugayaaba waa is barashada fahiima, nasiib wanaag saaxiibkii farxaan waxa uu ku guulaystay inuu is baro khaddar iyo fahiima isaga oo farxaan isticmaalay xelad dhalin yarnimo madaama farxaan ay hablaa mid kamid ahayd gabadh ay sheeko wadaag yihiin oo la odhan jiray samiira xaaji taas oo usuura galisay in fahiima shabakada sifiican usoo gasho lakin sida lawada ogsoona fahiimi waxay ahayd gabadh afgaaban laakin hadal yaqaana marka ay hadlayso waxanay soo dhawaysay inay barato inanka umartida ah farxaan oo ay sheeko wadaag yihiin saxbibadeed samiira , Markii kulanki suura galay ayaa waxaa la gooansaday in cagta boodhka lasii wada daro madaama ay ahayd maalin khamiisa oo dhalinyartu ay sitaan dharkii caadiga ahaa ee aaan ahayn dharka ardayda .Waxaa schoolka ka soo baxay farxan iyo khaddar oo og inay kadaba imanayaan samiira iyo fahiima kalsooni farabadana ku qaba in manta isabarasho ay dhex mari doonto khaddar iyo fahiima .Waxaa intaa khaddar maskaxdiisa sida mawjadaaa udhex mushaaxaya suaalo badan oo khuseeya siduu isku tacriifin lahaa iyo sida uu ugu sheegan lahaa dareenkiisa .Si kastaba arinku ha ahaadee waxaa ay hablii oo is barbar socdaa kasoo baxeen albaabka . khaddar arinkiisu waxaa uu marayaa (nin la sugayow adna yaad sugi) maxaa yeelay khaddar isaga ayaa dalbaday in fahiima labaro sidaa awgeed waxaa looga bahan yahay inuu layimaado furfurnaan badan .Hablihii soo gaadhe goobtii inamadu joogeen waxana lays dhaafsaday salaam aad uqiima badan oo ay habluu ku cabirayaan siday uga raali yihiin isabarashada cusub ee ufurmaysa iyaga iyo khaddar waxaana lays waydaarsaday kaftan bilaa turxaana In yar kadib waxaa laysla fahmay in ilaa meesha basaska lasii wada socdo si sheekada laysku deeqsiiyo waxay in badan sheekadu ka ahayd afaray lakin in yar kadib waxaa laysku noqday lamaane lamaane waxaa khaddar fursad u helay in inantii uu sharxo inuu manta galaaska quruxdeeda la dhacsanaa ayna tahay gabadh aad u qurux badan loona baahan yahay in mustaqbalka ay ka faaiidaysato iyo inta cimrigeeda ka hadhay kuna noolaato nolo farxad leh , Fahiimi waxay ahayd gabadh aad u aftahamada waxay usoo bandhigtay waxaa ay himiladeedu tahay mustaqbalka iyo waxyaalo badan oo ay ku hamiso intabadan . Khaddar waxa uu fahmay inuu manta helay gabadhii uu raadinayay loona bahan yahay inuu ka faaiidayso wakhtiga yare e ay kulanka leeyihiin una soo bandhigo gabadha in ay suura gal tahay ,inay wad yeeshaan xidhiidh sheeko balse markuu arkay in wakhtigu gabaabsi yahay ayaa waxaa u ka gaadhsiiyay in kulan danbe wada yeeshaan labadooda sidoo kalan number tellphone lakala qorto. Khaddar waa uu ku guulaysatay maalintii hamigiisii waxaana uu diyaar unoqday fahiimaha sidii uu qalbigeeda ukasban lahaa wanaagiisana u tusi laa wax uu wakhtigu isguraba khaddar waxaa noloshiisa ku soo koradhay gabadh aad uqurxoon waxaana ay laqaybsataa fikirkiisa caadiga ahaa waxaana uu badaanaa dhagaysta heesaha jacaylka ah khaddar taniyo intii isbarashadu dhexmartay fahiima waxaana intii ufasaxa ku jiray uu qaadayay Ladiwayay hurdada laacdanka Ee xageebaaad ladanay jirtaa Waxaa kaloo uu dhagaystaa heesaha Shawliisa caashaqa shaw laabta ku hayee Hawlaha sidiisii shaw layga raacdee Ada lumayee eegmada shaw limid lamoodyeey Ladiwaa haldhaaguba intuu laacu muuqdeeAna laanta ubaxaa adaan kuu luluyaa Cashaqan lurkiisii sawmaan laxaad gabinWaxaa kaloo kamid ahaa heesaha afkiisa ku soo noqnoqnayay sidoo kale heesta uu qaado xuseen yuusuf tarabi Dhayalsaday jacaylkuye Inta uudhan ii riday Ma dhex galay wadnaha oo Mala dhuubtay awgaaMala dhuubtay awgaa Waxaa khaddar soo gaadhay xilligii ay fahiima kulan fool ka foola iskaga hor iman lahaayeen, marka aad eegto dareenka fahiimi ay ka qabto khaddar waxaa uu yahay mid ku kooban dad barasho wallaltinimo oo horle bilaabay mana oga in khaddar rafaadka jacaylku ku soo dagdagay oo uu la ildaran yahay jacaylkeeda.Kadib markii ay ku kulmeen khaddar iyo fahiima goobtii balanta waxaa lawada qaatay sheekooyin goosgoosa oo midba ka kale ku qancinayo lakin nasiib darada meesha taalla ayaa ah in labada dareen ee meesha ku kulmay anay darajada jacaylku isku meel ka taagnayn kuna badan tahay xaga khaddar sidaa awgeed khaddar looga baahan yahay inuu soo ban dhigo ujeedooyinka uu ka leeyahay fahiima intabadan sida cadada gabdhaa somaliyeed tahay, waxay goaanka iyo arinka ka sugaan ninka iyaga oo muujinaya haweenimada. Waa tii maahmaahdi ahayd (ragna waa arinnkeen dumarna waa aqbalkeen) Intaa kadib khaddar waxaa uu goaan saday in uu fahiima ugudbiyo dareenkiisa isaga oo ku cabiraya hadalo aad u xeel dheer ,islamarkaana waxay fahiimi muujisay inay diyaar utahay waxkasta oo sii kobcin kara isbarashadooda iyo jacaylka ubaxa ee manta ka dhex biqlay .Khaddar waxaa ay utahay habeen taariikhiya waxana uu naftiisa ogaysiiyay in manta guul fiican uu gaadhay ,Hadal kasta oo kasoo baxaya afka fahiima waxaa uu uyahay naruura waxana intaa sii jeclaysanayaa agjoogeeda Andaas22@yahoo.com  (Geeraar)Maxaa dayr cad geel hallaabooDib jiray uu cunay dugaagooaNinkii lahaa daydayaaMaxay dantu ciishay wiilooDulqaad iyo deeq lahaayooDadkuna doqon moodayaanAdigoo degganaa abaarMar baa dirir kuu da'ayooDaruuruhu kuu curtaan ooXareed ku dabbaalataaHa dilin hana iga dagaalinDiirkaa iigu yaallee ax!Wadnaha damqashada ka daa. Horaa loo yidhi soomalidu been way sheegtaa beense ma maah-maahdo waxan uga socdaa maah-maahda dhabta ah ee tidhaahda "ragna ba'iisuu ka sheekeeyaa dumarna badhaadhohooda", way yartahay in la arko nin ka sheekaynaya badhaadhihiisa waxase inta badan la arkaa nin ka sheekaynaya jabkiisa. Halka ay dumar ka sheekeeyaan badhaadhahooda sida cadaadada u ah iyaga oo qarinaya guul-darrooda. Marnaba inan ragg uma fiicna in uu is faansho waayo? Horaa loo yidhi "Nin is faanshey waa ri isnuugtey". Hadaba akhristayaal waxan halkan idiinku soo gudbinayaa Qiso Dhab Iigu Dhacday Taasoo ah Qiso Jacayl ah iguna reebtay xusuus murugo badan, akhristayaal nuxurka qisadan jacaylka ahi xambaarsantahay waxad ka fahmi-kartaan ciwaanka sheekada oo ah "CUDURDAAR JACAYL" qofkastaana wuu fahmikaraa meesha ay sheekadini u biyo dhacayso, waxan hubaa in aad sheekadan aad uga heli-doontaan, sidoo kalena sheekadini waxay wax weyn u tari-doontaa ama ay cashar u noqon-doontaa dhalinyarada maanta joogta oo iyaga oo aan waxba haysan is jeclaanaya. Akhristayaal sheekadini maaha mid aan malo-awaaley ama aan meel ka soo dheegtey ama inta aan mirqaamay aan qalin iyo buug qaatay ka dibna aan sameeyey sheeko mirqaan. Intaa in aanay midna ahayn waxa idiin caddaynaysa nuxurka sheekadu xambaarsantahay. oo ah CUDURDAAR JACAYL waxa laga yaabaa akhristeyaal in aad su'aalo iska weydiisaan Qisadan inta aynaan gaadhin gundhiga sheekada. Gabdhaha Soomaaliyeed waxay sas ka qabaan ninka aan maalintaa gacanta waxba ku hayn, wana lala yaabaa haddii la arko inan inan caashaqday nin aan wax adduun ah haysan, mase aha wax lala yaabo waayo? Dadku wada taajir maaha. Gabdhaah maanta joogaa waxay eegtaan ama ay tixgeliyaan oo keliya ninka maalintaa jeebkiisu buuxo, marka laga reebo in yar oo haweenka ka mid ah oo fahamsan in cidda keliya ee wax bixisaa ay tahay ILLAAHAY [SWT] hablaha manta joogaa waxay moogan yihiin in la arko nin maanta buuxa berina faro madhan, iyo nin maanta faro madhnaa berina jeebkiisu buuxo. Waxase gabdhaha manta joogaa eegtaan ninka maalintaa midida daabkeedahaya ee seeftiisu wax goynayso rikoodhkiisuna hadlayo, kamase fekeraan waxa mustaqbalkooda danbe iyo waxa beri ka maalin imandoona, waxa hubaal ah haddii inanta reerkoodu ogaadaan in ay nin la sheekaysato markii inanta waxa la weydiiyaa su'aalo aan munaasib ahayn, kuwaasoo ay ka mid hiyiin. Naa ninku lagac ma leeyahay? Muxuuse ka shaqeeyaa? Su'aalaha iyo qaar kaleba waxay ka mid yihiin caadooyinka xun-xun ee weli ka suulila dadka soomaliyada, waxa ka haboon in ninta la weydiiyo ninka ay caltay dhaqankiisa, diintiisa, iyo dabeecaddiisa wixii kale ee intaa dheeri ma haboona.Muddo dheer ayaan ku noolaa caasimadda Somalialnd ee Hargeysa, waxan wax ka baran jirey mid ka mida iskuullada gaarka loo leeyahay [ PRIVATE SCHOOL] waxan wax walba dhaafsaday in aan wax barto oo aan labada gelinba qalin iyo buug sito, labadaasaan saaxiibla ahaa, waxa igu kelifey in aan sida u dedaallo waxan ogaa noloshii ay ku noolaayeen reerkayagu oo ahayd nolosha baadiha, reerkayagi xoolo miyi mooyaane xoolo magaallo ma lahayn, ma jirin cid aan aniga ahayn oo wax barasho ka gashay. Waxan ka dheeraaday sheekooyinkii dhexmari-jirey wiilasha iyo gabdhaha aannu isku waxbarashada nahay, waa mid aan dhalinyarada laga waayin sheekooyinka jacaylka ah weliba xilliga ay kuwada jiraan wax barashada, balse anigu waan laabay boggii sheekooyinka waxanna sida u samaynayey yaan sheekada dumarka wakhtikaaga lumin. Weligay qof ma jeclaan anna layma jeclaan, marka aan arko labo qof oo is jecel waxan moodi-jirey in ay been isugu sheekaynayaan, waxan aaminsanaa in aan jacaylba jirin, ma aan akhirisan jirin buugaagta lagu qoro sheekooyinka jacaylka ah [NOVAL] sidoo kalena jaraa'idda oo inta badan lagu qoro sheekooyin jacayl ah waxan ka qaadan jirey oo keliya bogaga wararka iyo ciraaraha, balse ma aan eegi jirin bogga sheekooyinka wax feker ah kama aan haysan waxa uu yahay jacaylku, ma aan ogayn in jajacaylku yahay aafo haddii uu ka haleelo mararka qarna uu geysko jariimadda [dil] jacaylku wuxu ugu daran yahay marka qofkii aad jeclaatay uu kuu joojin-waayo, ma aan ogayn in jacaylku uu iilka dhigay CILMI BOODHERI oo taariikh naxdin iyo murugo badan kagaga tegey dhulka ay degaan dadka soomaalidu, buugaag badan oo mucjisooyin ahna laga qoray. Sidoo kale jacaylka waxa la god-galay LAYLA IYO QEYS oo ahaa labo qof oo carbeed xusuus murugo badana kagag tegey wadamada carabta gaar ahaanna wadamada Bariga Dhexe. Balse anigu ma aan ogayn in jacaylku dhibta intaa leeg uu leeyahay dad badana uu galaaftay. Waxan deganaa xaafadda BADDA CAS waxan dulsaar ku ahaa guri uu leeyahay nin aannu ilmaadeernahay, wuxu ahaa nin lacag leh kana mid ah hoggaanka dalka, waxan dhamaystay Dugsigii sare ee bareefaddka ahaa. Anigu waxba gacanta kuma haysan waxana fiiga iga bixin jirey ninka aannu ilmaadeerka nahay, markii aan dhamaystey Dugsigii sare waxan galay qayb sanad ah oo jaamacadda ah taasoo aan ku baran jirey culuumta saxaafadda. waxa caaddo ii hayd in aanan habeenkii suuqa ku habsaamin waxana guriga iman jirey 7:00 fiidnimo.MARKII LAY HALEELAYGoor fiid ah ayay ahayd waxan fadhiyey qolka fadhiga waxan daawanayey TIIFIGA qolka keligay ayaa fadhiyey waxa I raali-gelin waayey barmaamujkii ka socdey TIIFIIGA, waxan tiigsadey telefoon yaaley meel aan sidaa iiga sii fogayn, markii aan soo qaaday telefoonkii ayaan isweydiiyey tollow ayaad la hadashaa oo cabaar wakhitga isku dhaafisaa? Ma jirin wax dumar ah oo aan tilifoonka kala sheekaysan jirey, telefoonkii ayaan soo qaaday waxan go'aansaday in aan labar iskaga nasiibiyo. Waan garaacay markii uu cabaar dhacay ayaa waxa iga iga qabatay inan cod dahabiya leh, waaba tii aad doonaysey ayaan is idhi markii ay qabatay ayaan ku idhi markiiba waxan ka fekeray halkii aan inanta hadalka uga bilaabi-lahaa, waxan markiiba go'aansaday in aan igu sii mar-marsiinyooda qof magicii waxanna inantii ku idhi " HELLO Xasan ma joogaa walaal? Malaha inantan ta tilifoonka iga qabatay Xasan waa walaalkeed oo 10 jir ah. Intii aanay inantii jewaab iga siin in Xasan joogo iyo in kale ayay igu tidhi " horta salaama calaykum? "Caleykum wasalaam ayaan igu jewaabay" waxayna hadalkii iigu sii dartay oo ay inantii igu tidhi walaal salaan qof muslim ah lagu salaamo oo ka wanaagsan salaama caleykum ma jirto waxana haboonayd adiga oo u jeedadaada ka horaysiiya salaanta, ka dibna sheegta waxa aad u socotey, walaal adiga oo raaliya waxad iska ilaalisaa in aad dadka muslimiinta ah ad ku salaantid kelmadaha ay isku salaamaan gaaladu, sida HELLO, HOW DO YOU DO IWM. Igana raali ahaw haddii aad hadalkaa talada ah dhibsatay, aniga walaal waa iga tallo, cidda aad doonayseyna I weydii " waxa haboonayd aniga oo marka hore inanta salaama balse taa waan mooganaa, waxana ku salaamay inanta Xasan ma joogaa? Runtiina inantii gool qurux badab ayay iga dhalisay, waxanna u qushuucay sida wanaagsan ee ay inantu iigu caqli celisey waxanna markiiba u aqoonsaday inantii qof ehel u ah diinta, hadalkeedii markiiba meelbuu I taabtay. Aniga oo qajilaad afka kala qaadi-karila ayaan su'aashii inantii igu celiyey oo ku idhi walaal Xasan ma joogaa? Marka aan hadalkaa leeyahay waxan anigu jecelahay in ay ugu tidhaahdo Xasan ma degana guriga si aan u jeedadayda u caddeeyo marnaba isma aan odhan niyadda ma aan gashan Xasan inanta ayay walaalo yihiin, wuxuse hadafkaygu ahaa Xasan ka sii dhigo salaankii aad sheekada inanta u sii mari-lahayd, waxayse jewabtii inanta noqotay walaal Xasan wuu joogaa? Markaasaa talo igu caddaatay mana odhan karro inanta Xasan ii dhiib oo wuxuu yahay ma garanayo. Intii aanan wax jewaaba bixin ayay inantii su'aal labaad I weydiisey waxayna igu idhi" walaal haddii aad Xasan garanayso anna waxan filayaa in aad igaranayswid ee isu kay sheeg? KA DAR OO TIBI DHAL! Su'aashaa labaad ee inantu I weydiisey ayaa inayana igu noqotay afkala qaad, ileyn awalba ma aan hayn nin qorshe cad u soconaya'e, balse waxan ahaa nin tilifoon aanu garanayn soo garaacay sheeko doona ah, aniga oo guntida dhiisha iskaga dhigaya kelyahana dhagax gashanaya ayaan inantii ugu jewaabey jewaab indho adkaana, waxanna ku idhi " HAA............ HAA waan idin garanayaa. Markii aan sida ugu jewaabey ayay iyana igu tidhi " HAYE oo kumaad tahay haddii aad nagaranaysid? Markii ay su'aashaa I weydiisey ayaan maskaxda ka shaqaysiiyey , runtii waxay ahayd inan aad u maskaxbadan oo hadal degen taacadna ah, mana ay jirin wax ragg ah oo ay xidhiidh lalahayd, runtiina u qaadan waa ayay ku noqotay wayna fahantey in aan qar-jafayo waxase ka daadegi-weydey inantii ninkan wiilkiina yar garanaya oo ahaa kii aan markii hore magcaabay, ma oga inantu in aan afka uun ka idhi magaca wiilka oo aanan xataa oqoon halka ay magaalada Hargeysa ka deganyihiin iyo joho ay iga xigaan toona. Intii aanan inantii uga jewaabin su'aashii ay I weydiisey ayay su'aal kale ii raacisay waxayna igu tidhi" walaal ma maalinbaad na soo siyaaratey? Si fiican uma aan aqoon luuqada afka carabiga halka ay iyadu ku wadh-wadhatay ku hadalka luuqadda afka carabiga, waxan u qaatay kelmadda siyaara oo ah booqasho in ay iila jeedey miyaadna soo dewersatey, balse iyadu waxay ula jeeddey miyaadna soo booqatay. Jewaabta saxda ahina waxay ahayd ta inanta. Aniga oo cadho awgeed dhitid yar yari fax iga soo yidhi ayaan inantii si kulul ugu idhi" naa maaniga ayaad ileedahay ma maalinbaad na soo dewersatey? Inta ay inantii qososhay ayay igu tidhi " walaal gacaliye waad I khlad fahantey, waxana hadalkayga uga jeedey ma maalinbaad na soo booqatay, walaal shaydaanka iska naar isna deji" markii ay hadalkaa igu tidhi ayaan dib u fadhiistay waxann a ogaadey in aan anigu khaldanahay, waxayna inantii hadalkii iigu sii dartay "walaal kelmadda siyaara waa kelmadda carabiya waana booqasho malaha adigu waxad taqaanaa [VISIT] markaa walaal marlabaad raali ahaw waad I khalad fahanteye" Hadalkaa naxariista iyo raali-gelintu ku dheehantay ay igu tidhi, su'aalihiina ay I weydiiseyna ay I hortaagan yihiin dhawr jeerna aan sibi-riirixdey ayaan isku deyey in aan inanta dareen farxadle u muujiyo, ma ihi nin dhinaca haweenka af miishaarku ah sheekooyinka dumarkuna way igu cusbaayeen, mana aqoon luuqadda dumarka lagula hadlo iyo hadalada lagu soo jiito toona. Balse waxan isku dedeyey in aan inanta debecsanaan u muujiyo waxanna ku idhi " walaal aad iyo aad ayaad u mahadsantahay sida fiican ee aad ii raaligelisey weliba aniga oo khaladka leh oo ay ahayd in aan hadalkii aad I tidhi ka fiirsado, walaal gabadh dabeecad fiican ayaad tahay walaal marnaba ilaawi-maayo hadalada wanaagsan ee aad igu tidhi iyo sida fiican ee aad iigu caqli celisey" intaa markii aan ku idhi iskana qiiraysiiyay aniga oo u muujinaya sida aan uga xumahay is faham la'aanta na dhexmartay, ayaa ay iyana igu tidhi "walaal qofkasta oo bini aadani wuu khaldamaa laakiin waa laga soo noqdaa kol hadii khaladkaagi aad garatay waad fiican tahay wax dhibina ma jirto,walina walal isuma aad kay sheegin markaa walaal waxaan kaa codsanayaa inaad isu kay sheegtid". Markii ay hadalkeedi dhamaysay suaashiina aanan wali jawaab u hayn ayay talo igu cadaatay beentiina waa ay soo afjarantay, markaasaan goaansaday inaan runta ku dhinto oo inanta aan run u sheego, waxaana aan ku idhi "walaal tilifoonkaaga garasho uma soo garaacin balse waan ku soo nasiibiyay nasiibkaygina adiga ayaa uu noqday waxaan aaminsanahay in nasiibkaygu aad u fiican yahay", marka aan hadalkaa leeyahay ma ogi gabadhu waxa ay tahay mana aan waydiin in ay guri leedahay iyo inkale,balse hadalkaasi waa mid aan awrkayga ku kacsanayo markii aan intaa ku idhi ayaa ay igu tidhi "walaal waad fiican tahay laakiin maxaad ku cadaynaysaa in nasiibkaagu wanaagsan yahay iyo kale, mar haddii aanad i aqoonsan waxaa aan ahay" aniga oo si taxadar leh su'aashaa uga jawaabaya ayaan ku idhi "walaal aad baan ugu raja waynahay in aad tahay gabadh madax banaan, magacaagana ii sheeg walaal adiga oo raali ah . Inta ay cabaar aamustay ayay igu tidhi walaal magacaygu waa Aamina, adna magacaaga ii sheeg.Ana waxaan u sheegay magacaygi dhabta ahaa waxaana aan ku idhi"walaal magacygu waa C/laahi"markii aanu magacyadii isdhaafsanay walina aanan fakar buuxa ka haysan waxay tahay Aamina laakiin ay ili- ii bidhiiqday ayaan saacadii hoosta ka eegay waaba goor dambe, mudadaa dheer ee aanu aamina wada hadlaynay markaliya ma aan maqal sanqadh iyo hadal ka baxaya guriga ay igala hadlaysay waxaana aan niyada iska idhi tolow inantu ma guri cidla ah bay ku nooshayahay, maxaad mar kaliya u maqli wayday cid lahadlaysa ? waxaana aan ku idhi walaal xaafadee ayaad degantahay? " waxayna iigu jawaabtay " walaal GOLJANO ayaan deganahay" waxaana ay ii raacisay " walaal adigu xaafadee ayaad degan tahay" waxaanan ugu jawaabay "walaal waxaan deganahay xaafada "BADDA CAS"markii aan xaafadaydii u sheegay ayaa ay iigu tidhi " walaal maba aynu kala fogin, laakiin weligay ma aan tegen xaafadda BADDA CAS labo maalmood oo aan bas u raacay xaafadda JIG-JIGA YAR ayaa farta laygu fiiqay xaafadda BADDA CAS, laakiin weligay filin kama daawan" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi ayaan niyadda iska weydiiyey su'aasha ah "tolow inantu ma maxa jebad aan guriga ka soo bixinbaa? laakiin ma aan sii baadh-baadhin sababta ay Aamina u arki weydey xaafadda intaa u jirta, intii aanu wada hadlayney ayay saacaddii gaadhey 12:00-kii habeenimo, welina ma aan gaadhin hafkaygii aan telefoonka u soo garaacay, marka laga reebo inanta magaceeda iyo xaafadda ay degantahay, xataa ma aan weydiin in ay xidhiidh ila samaynayso iyo in kale. habeenkaa dadkii xaafadda ila deganaa anay ila yaaban yihiin xilliga aan tilifoonka ku hadlayo waxayna isweydiinayeen " tolow inankii maxaa caawa qaaday? caado ima hayn in aan ku sheekeeyo tilifoonka, xaafaddiina waxay ku noqotay u qaadan waa markii ay arkeen aniga oo saacado badan tilifoonka dhegta ku haya. markii aan arkay in saacaddu goor danbe tahay arrimhii aan u socdeyna aanay fari-ka qodnayn ayaan Aamina u sheegay in ay iska seexato, waxanna ku idhi "walaal iska seexo waa xilli danbe'e aiga ayaa kula soo hadlaya walaal" intaa markii aan idhi ayaan hadalkaygii ku kalsoonaan waayey, ka dibna waxan u raaciyey "walaal horta ma lagu helayaa" waaxyna iigu jewaabtey " haa......... waa lay helayaa walaal haddii aanan dhiman" aniga oo hadalkeeda ku faraxsan ayaan ku idhi" haye walaal aniga ayaa kula soo hadlaya imikana iska seexo" intaa markii aan ku idhi ayay Aamina iigu sii dartay "walaal weligay xilligan soo jeed kuma gaadhin, waxan seexan jirey ugu danbayn 8:00-da fiidnimo" aniga oo Aamina u muujinaya sida aan uga xumahay xilliga ay soo jeedo ayaan ku idhi, "walaal raali ahaw waxaasoo dhiba aniga ayaa caawa kuu geystey ayaad ayaan uga xumahay xilliga aad soo jeeddo" inta ay qososhay ayay igu tidhi, "walaal waxba iima aad geysan labadeenuma waynu hadlayney, laakiin anigu waxan ku dheerahay, "waxan toosaa marka salaadda subax la addimo, marka aan tukado ayaan ciyaalka quraacda u sameeyaa ka dibna guriga ayaan kala hagaajiyaa, marka aan shaqada guriga meel iska dhigo ayaan tagaa Mederasada" runtii Aamina waxay isiisay faah-faahin aanay hore ii siin, aniga ayaa tabcaan ahaa hurdona u baahnaa, waxanna Aamina marlabaad ugu celiyey in ay iska seexato waxanna ku idhi, "walaal iska seexo waa inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo sidaa iyo habeen wanaagsan" iyana waxay igu tidhi, "haye walaal habeen wanaagsan." aniga oo dheguhu iqaylinayaan ayaan tegey furaashkii, hore ayaan u gamiwaayey oo waxan su'aalo iska weydiinayey hadaladii ixtiraamka lahaa ee Aamina ii muujisay. runtii Aamina waxay ahayd 18 jir aan xero xungelin ILLAAHAYNA qurux iyo dabeecad wanaagsan ku manaystay, Aamina waxay ahayd inan xishood badan oo aan gurigooda ka soo bixin, marka laga reebo xilliga ay ku maqantahay wax barashada, Aamina weligeed nin afka uma kala qaadan sheekona hadalkeedba daa, waxay ahayd inan diinleh waxay wax ka baran jirtey midka mid ah mederasadaha ugu waaweyn magaalada Hargeysa, waxay baran jirtey kuluumta diinta iyo Sayniska oo ay dhamaantood ku qaadan jirtey luuqadda afka carabiga. waxay ahayd Aamina inan dedaal badan waxbana ugama dhexayn jirin gurigooda iyo goobta ay waxka barato, xataa jaarka uma wareegi jirin, waxay ahayd Aamina inan agoon ah oo aan aabe lahayn , caruurtooda iyada ayaa ugu weynayd, waxay ka soo jeedey Aamina qoys ku nool dabaqada dhexe, runtii Aamina waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ahaa qof aan waxba haysan, kana soo jeeda qoys sabool ah. Aamina waxay ahayd inan reerkoodu ku indho-kuushaan, waxay ahayd Aamina inan dheer oo qurux badan jidhkeeduna buuxo isuna dheeli-tiranyahay, kaalay arag quruxdeeda iyo dadnimadeeda wanaagsan, ku darso oo Aamina waxay ka soo jeedey qoys diintu biyo-dhigtay. balse anigu waxaasoo dhan ma aan ogayn. habeen labaadkii ayaan Aamina xilligii anu balanay ayaan telefoonka ka soo garaacay kalsooni sidaa u weyn ma aan qabin waxanna islahaa sow qofkale telefoonka kaa qabtee, laakiin iyada ayaa hore iigu sheegat in ay iga qabanayso telefoonkuna qolkeeda yaallo. markii aan soo garacay ee labo jeer dhacay ayay Aamina iga qabatay, waxan ku idhi, "salaama caleykum" "caleykum wa salaam" ayay Aamina iigu jewaabtey, markii aanu isa salaanay ayaan ku idhi, "walaal waa C/laahiye ma fiican tahay" waxayna iigu jewaabtey, "walaal waan fiican ahay laakiin caawa aad ayaad u wanaagsan tahay" aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi "walaal waayo caawa maxaan ku wanaagsan ahay? Aamina oo qoslaysa ayaa igu tidhi, "dee walaal marka aad ila soo hadasho adiga oo aan i salaamin ayaad hadal kale ii bilaabi jirtey laakiin caawa si fiican ayaad ii salaantay" intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ana ku idhi, "walaal taladaadii wanaagsanayd ayaan qaatay" Aamina oo faraxsan ayaa igu tidhi "walaal wiil wanaagsan ayaad tahay mar haddii aad talataydii qaadatay" intaa markii aanu Aamina is dhaafsanay runtii anigu waxan ku soo tallo galay in aan arrimahayga caawa guulweyn ka gaadho, waxan doonayey in aan ogaato cidda Aamina guriga kula nool, markii aanu cabaar kaftan isku tuur-tuurnay ayay Aamina ii sheegtay in ay xaafadda kula noolyihiin iyada hooyayeed iyo carruur ay walaaloyihiin, sidoo kale Aamina waxay ii sheegtay in ay tahay gabadh agoon ah carruurna ay iyadu u weyntahay, sidoo kalw Aamina waxay ii sheegtay in ay degan yihiin guri weyn oo ilaa sideed qol ah, sidoo kale waxa la noolayd ayeeyadeed hooyo, maahayn guri cidhiidhiya ee wuxu ahaa huri weyn oo qoskastaaba qol u gaara leeyahay, Aamina waxay lahayd qol ay aad u sharaxday oo xataa ay ka caaganyihiin carruurta ay walaalah yihiin, iyada oo ugu diidaysa way kaaga ciyaarayaan, waxay keliya oo ay ku soo dhowayn jirtey labo hablood oo ay Aamina saaxibo ahaayeen iskuna xaafadda iyo isku waxbarasho ahaayeen. Aamina waxay ahayd inan fir-fircoon oo dedaal badan gaarina ah, sida aan markii danbe ogaatey. Aamina oo isu kay sharaxaysa ayaa igy tidhi, "walaal waxan ahay 18 jir carruurtayadana aniga ayaa ugu weyn hooyaday iyo walaalahay ayaan la noolahay, maxad diinaya ayaan dhigtaa, inta aan waxbarasha joogo mooyaane inta kale marna waxbaan akhistaa marna xaafadda ayaan u shaqeeyaa, xataa suuqa matago oo waan kabaqaaba haddii aan cidi ila socon, waxbarashada marka aan tegayo waxanu isu raacnaa labo hablood oo aanu saaxiibo nahay isku xaafaddana nahay" runtii Aamina si fiican ayay isku kay faah-faahisay. markii halkaa arrinku marayey ayaan anigu hadalkii qaatay waxana Aamina u sheeqay in aan ahay arday dhigta jaamacadda, Aamina oo ku farasan ardaynimadayda ayaa igu tidhi, "maansha ALLAHA A ayaad ayaad u wanaagsantahay" markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ka dareemay in ay iga xishoonayso oo aanay hadalka igula soo dhacayn oo ay iga baqayso. aniga ayaa go'aansaday in aan Aamina u soo bandhigo arrimahayga ina sheego in damac iga galay. Aamina runtii aad ayaan uga helay hadaladeedii debecsanaa iyo dadnimadii quruxda badnayd ee ay uu muujisay kuwaa ayaa maskaxdayda ka guuxayey. aniga oo hadalkii hayn kariwaayey ayaan Aamina si kadis ah ugu idhi, "walaal ka waran haddii aynu intii hore isaga soo dhowaano oo abuurno jacayl dhab ah" intaa markii aan Aamina ku idhi ayay inta ay cabaar aamustay iigu jewaabtey "maya walaal wax xidhiidha kula samayn maayo" inta aan naxay ayaan Aamina ku idhi "waayo walaal maxaad ku diidey in aad xidhiidh ila samaysid" intaa markii aan ku idhi ayay Aamina igu tidhi, " walaal horta waa lays bartaa xidhiidhna waa la wada sameeyaa oo taasi ceeb maaha, lays kulamana yaabo, laakiin anigu C/llaahiyow ma doonayo in aan been kuu sheego ama aan ku lugooyo. laakiin haddii aan runta kuu sheego shan qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karro. waata koobaade, weligay nin laba sheekaysan xataa tilifoon kalama aan hadlin weligay habeenbaa wiil tilifoonka iga soo garaacay isna waxan qanciyey, waana u sheegay in aan sheeko u diyaar ahayn, markaa adigu waxad tahay wiilkii aan labo habeen oo isku iga aan la wada hadlo, markaa C/laahiyow xidhiidhka aan hore u samayn waayey imikana ma samaynayo." waata labaate waxan ahay gabadh waxbarasho ku jirta sheeko iyo waxbarashona meel ma wada galaan." waata saddexaate waxan ahay inan reer u weyn markaa ma doonayo in aan shaqadii guriga kaga habsaamo sheeko" waatada afraade "xaafaddayadu uguma taqaano sheeko markaa waxa laga yaabaa haddii sheeko laygu ogaado in lay diloba" waata shanaade "haddii aan xataa isku dayo in aan xidhiidh kula sameeyo marnaba kuu suura gelimayso in aan muuqayga aragtid, waayo maba soo boxo shantaa qodob midkoodna xidhiidh kuulama samayn karo C/laahiyo" markii ay Aamina warkaa cad ii dhiibtey ayay tallo igu caddaatay, waxa markeliya jidhkayga taabtay dareen odhanaya Aamina la'aanteed nololi ma jirto. intii aanu Aamina wada hadlayney mar keliya anigu uma muujin dareen jacayl, balse Aamina hadaladeedii ayaa igu abuuray dareen jacayl oo laba ilaawaan ah. markii aan ogaatey in ay Aamina tahay inan aan gurigooda ka soo xibin, weliba ay u dheertahay akhlaaq wanaagsan iyo dabeecad fiican, sidoo kalena ay Aamina kala garanayso waxa xun iyo waxa wanaagsan ayna tahay qof diinleh. weliba ay u sii dheertahay qurux , runtii Aamina waxay lahayd dhamaan shuruudihii NEGEENU inoo sheegay ee uu yidhi, haweenka ku xusha kuwaasoo ahaa afar qodob oo kala ah. diinteeda, maalkeeda quruxdeeda, iyo casabeheeda. runtii Aamina waxay ahayd inan diinleh, qurux badan ka dhalatay qoys ladan oo qabiiliya. runtii Aamina kama muuqan in yar oo iin ah iimana muuqan waxan dhaafsado. marka la eego gabdhaha jooga qarnigan 21aad oo ah wakhti ay haweenkii dibada u soo bexeen, marka laga reebo in yar oo ay ka mid tahay inanta aab calmaday. waxan go'aansaday in aan Aamina u muujiyo ama u soo bandhigo dareen jacayl, la'aanteedna arrinkaygu yahay mid khatar ah, sidoo kalena waxan isku deyey sidii aan Aamina ugu qancin lahaa in aanan ku xidhayn wax is arag ah, waxa keliya ee qalbigaygy ku degayaana ay tahay Aamina oo tidhaahda, aan wada daadihino caashaqa, runtii Aamina waxay ahayd inan go'aan qaadasho leh afkeedana ay xaaraanka tahay in ay soo mariso erey been ah. Aamina waxay ahayd qof wixii ballan ah ee ay qaado sidiisa u fulinaysa wixii kalena iska dhaafaysa, wax kastana waxay ka fiirsan jirtey inta aanay samayn. markii arrinku halkaa marayey ayaan Aamina ku idhi hadalo beer laxawsiya waxana ku idhi, "walaal waxa aanan marnaba ilaawayn sidii fiicnayd ee aad ii soo dhowaysey, marnaba niyadayda ka biximayso hadaladii ay ku dheehnayd qadarinta iyo asluubta wanaagsani, marnaba walaal niyadayda ka biximaysid kaamana maarmi-karayo waayo durba waxa igu taagan falaadh ka mid ah falaadhaha jacaylka, haddii aanad wax ila qabanna xaalkaygu wuxu noqonayaa mid dhibi soo gaadho. waxa keliya ee aan ku badbaadayaa waa adiga oo yidhaada, Amba kula mid baan ahay, Aaminaay waxankaa codsanayaa walaal in aad il- naxariisleh igu eegtid waxna ila qabatid" markii aan intaa ku idhi ayaan is beddeley markii ay Aamina dareentay in aan is bedeley oo aan ilmaynayo ayay iyana is hayn kari-weydey ka dibna oohin bay la jeesatey,waxan tilifoonka ka dareemayey in ay ooyaysey markii ay muddo aamusnayd ayay Aamina mar danbe ila hadashay, iyada oo weli aan ka dareemayo oohintii waxana ku idhi, "walaal maxaad la ooyaysaa" waxayna iigu jewaabtey "walaal aniga oo awalba hadaladaadii ka qiiraysna ayaad oohina ku dartay, anigu waxa caado ii ah haddii aan arko qof calaacalaya ama ooyaya anna waan ooyaa cidkastaba qofkaasi ha'ahaatee, markaa C/laahiyow oohinta iga daa iyo hadalada calaacalka ah" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi, ayaan farxay waxanna ogaadey in Aamina tahay qof qalbi jilicsan oo naxariis badan meel aan wax iga tegayn. saacadda ayaan hoosta ka eegay waaba 1:00 habeenimo intaa aan Aamina la hadlayey mar keliya kaba dareemin wax dhibsasho ah. markii aan arkay in ay xilli danbe tahay Aamina ka xishoonayso in ay igu tidhaahdo waan seexanayaa, balse anigu waxa keliya ee aan ku seexanayaa waa Aamina oo yidhaahda Hareerta ayaan kula hayaa jacaylka, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay waxana ku idhi, "walaal waa xilli danbe maxaynu ku kala tagnaa, codsigiise mayga aqbashay" Aamina ayaa igu tidhi, "walaal arrinkaa waan ka soo fekerayaa caawana iska seexo wer-werkana iska yaray walaal waana inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo arrinkaana waan ka soo fekerayaa" intaa markii ay Aamina igu tidhi , ayaan anna u sii raacayey "walaal waankaa qaatay arrunkaa iskana soo feker wax fiican ayaan inoo rajaynayaa" intaa markii aan ku idhi welina aanay Aamina telefoonkii dhigin ayaan u sii raaciyey hees ay qaado fanaanada caanka ah ee Sahra Axmed Jaamac heestaasoo aan Aamina ugu muujinayey in aan jecelahay, qofka wax jecelina uu yahay qaali waxana ku bilaabay sidan.Naf ku jecel aduunyada Ba u wacan wax nololiyoNabad lala wadaago Nimco lagula waareeMa nugliye kalgacalkaa Naariyo ka daran ololMarkuu Nudaygaa kaa galo Nabar weeye haliseeEe taa nabdiga gali Oo soo noqnoqoshadahayga moodin nacasnimo Anna haddii aan ku naawilayNaqba waa la dhawraa Nasiibku haygu kaa simoNacab iyo sokeeyaba neeftaydu diidooma nastoo jacayl baa Naqbi ila haleelayeigu noqoy mid halis oon kaba nuuxsan waayoonaaftoo qalbigii buu Nudub iga samaysteeee taa nabdiga gali oo soo noqnoqoshadaha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilaynaqba waa la dhowraa nasiibku haysku keen simoNeeqdoo da'aysoo Onkod nawda ka hayaaIga heshay nugaal oon kaligay ku nooleadna kayn nabadliyo dhul naruuro joogtaanaxdin li'i ku hurudaa nabsiga dhowri meysideee taa nabdiga geli oo soo noqnoqoshadaha iga moodin nacasnimo anna hadii aan ku naawilaynaqba waa la dhowraamarkii aan heestaa dhameeyey ayay Aamina aad iigu qososhay waxayna ogaatey in jacaylku iga dhabyahay, Aamina runtii ehel uma ahayn heesaha oo waxay ahayd qof diinleh balse way fahmaysey nuxurka heesta. runtii wax yabaha aan Aamina ugu qushuucay ee jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa, Aamina oo ahayd qof aan marnaba been ii sheegayn. waxba kama xigin in ay Aamina igu tidhaahdo ku jantay markii aan ku idhi waan ku jecelahay sida ay sameeyaan dhalinyarada maanta joogtaa, balse Aamina waxay faham sanayd in beentu tahay shay xaaraan ah oo iyada sharfteeda iyo karaamadeeda wax u dhimaya. waxayna faham sanayd in beentu iyada ku soo noqonayso. waana sababta keentay in Aamina habeen kasta igu tidhaahdo waan ka soo fekerayaa in aan jacaylka wax kaala qabto iyo in kale. runtii wax yaabaha jacaylka igu abuuray waxa ka mid ahaa daacadnimadii ay Aamina ii muujisay. habeenkii waxan seexday aniga oo guul iyo guuldarro u dhexeeya balse si fiican ayaan u seexday wax wer-wer ahna ma aan qabin habeen labaadkana waxan sugayaa natiiyada, laakiin aniga go'aan ayaa meel ii yaalay go'aankaasoo ah in aanan Aamina ka hadhin xataa haddii ay Aamina diido in ay wax igala qabato jacaylka sibiqda ugu galay. waxan go'aan ku qaatay in aan Aamina habeenkasta gambadh ugu soo fadhiisto si aan uga dhaadhiciyo jacaylka igu waa bariistey. habeenkii Aamina ila balantay ayaan saacad ka hor tilifoonkii ku sii duldiyaar garoobey, abiga oo guul filanaya, aad ayaan ugu rajo weynaa in caawa ay Aamina odhanayso jacaylka waan kula wadayaa. xilligii ayaan soo garaacay tilifoonkii markii uu cabaar dhacay ayay Aamina iga qabatay, si fiican ayaan codkeeda u bartay, mana ahayb nid iga khaldamaya. markii aanu isa salaanay ayay Aamina igu soo dhowaysey weji furan, si qurux badana way ii salaantay, mid la mid ah ayaan anna u gudbiyey, intaa ka dib ayay Aamina igu tidhi, "walaal iska waran oo xaafaddiina ka waran? anna waxan ugu jewaabay "walaal aad ayaa loo fiican yahay ee idina iska warama carruurtiina ka waran? Aamina oo ay farxadi ka muuqato ayaa igu tidhi, "walaal waa la wada fiixan ahay carruurtiina way wanaagsan yihiin oo qolkan igu xiga ayay wax ku akhrisanayaan" intaa markii ay Aamina igu tidhi ayaan ku idhi aniga oo la kaftamaya, " oo Aamina adigu minaad habeenkii wax akhrisan? inta ay qososhay ayay igu tidhi, "walaal wakhtigayga inta badan waxan ku qaataa wax akhris, marka aan salaada makhrib la tukado ayaan shaqada guriga meel iska dhigaa, ka dibna qolkayga ayaan tagaa oo wax ku akhistaa ilaa inta aan ka seexanayo, imikana kaba sii darano imtixaan ayaan gelayaa, markaa markii aad soo garaacday ayaan buugii laabay oo is idhi cabdilaahi la hadal" markii ay Aamina intaa igu tidhi, ayaan anna ku idhi aniga oo aad u faraxsan dareemayana in Aamina soo dhowaatey, ayaan u mahad celiyey kuna idhi, "walaal waad ku mahadsan tahay sida fiican ee aad ii tixgelisey"Runtii intaa wixii ka danbeeyey waxan filayey in Aamina go'aankii ay soo gaadhey ay ii soo bandhigto, aniga oo ku rajo weyn in ay tayda igu raacayso, balse way igala xishootay in ay wax go'aan ah ii dhiibto, markii aan arkay in Aamina iga xishoonayso wakhti danbena ay tahay ayaan anigu is hayn kariwaayey waxana Aamina ku idhi "walaal Aamina go'aankii ayaan kaa sugayey waxana rajaynayaa in aanad waxba ila diidanayn" intaa markii aan Aamina ku idhi ayay igu yidhi, "walaal maxaad igu fallaysaa hablo iga qurux badan ayaad helaysaaye" markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan anna ku idhi "walaal adiga cid aan ahayn indhahaygu ma arkayanm haddii aan ku waayona geeribaan ka xigaa" waxan ogaa in Aamina ay tahay inan naxariis badan, sidoo kalena Aamina waxau ahayd inan qurux badan oo reer dhami ku indho kuushaan, aadna loo kool-kooliyo, waxayna ka dhalatay qoys ladan, Aamina da'ahaan way yarayd laakiin jidh ahaan iyo maskaxiyan ayay aad uga kortay, Aamina waxa ka xaaraan ahayd in ay dibada u baxdo marka laga reebo muddada ay ku maqan tahay waxbarashada, Aamina marka ay wadad maratso raggu kama ay jeesan jirin quruxdeeda ninkastaana wuu u qushuuci jirey. Laakiin iyadu cidna salaanta kama ay qaadi jirin. Hadaba markii aan Aamina u sheegay in aanan la'aanteed noolaanayn, xaalkayguna khatar ku sugan yahay balse aanay iiga jewaabin hadaladaa murugada leh ayaan u sii raaciyey maasadan.Naf Jacayl Sawaaboo Sanka kuu Dalooshoo Kuu Sudhay Hoggaankaad u Sudaa Maqaarka'e Hawgaabin Seetada Sogsogti iyo Cadaadiyo Haku Saydhin Laamaha..............Markii aan Aamina maasadaa qaaban u tiriyey ayay igu tidhi "horta walaal barasho iiguma kaa dhina Nibaad Maakin Ku Baran Weydid Sanad Ku Baratid, markaa C/laahiyow barasho iigu kaa dhimani ma jirto, in aan beenkuu sheego ama aan ku lugooyana ma doonayo, waxanse kuu sheegayaa in aanu jirin go'aan cad oo aan weli soo gaadhey, weliba ayaad ayaan ugu rajo weynahay in aan jacaylka ku haya wax kaala qabto, waxanse kuu ballan waadayaa in aan habeen danbe haddii ALLAAH ka dhigo in aan go'aan cad kuu keeno, wixii horena iska illow walaal wax fiican ayaan inoo rajaynayaa haddii laysu keen qorayna ma jirto cid ina kala celinaysaa walaal" markii ay Aamina hadalkaa isugu jira rajada iyo waanada igu tidhi ayaan anna ku idhi "walaal waan qaatay hadalkaagii laakiin walaal habeen danbe haygu dhaafin war fiicanna waan kaa sugayaa walaal" intaa markii aan ku idhi ayay igu tidhi "walaal insha ALLAHAAH war fiican ayaan kuu keenayaa si fiicanna u seexo wer werka iyo walbahaarkana iska jooji sida iyo habeen cawan" habeen wacan ayaan anna ugu sii daray, runtii xilii danbe ayay ahayd xaafaddiina keligay ayaa ka soo jeedey, dhalinyarada aanu isku xaafadda nahay way ogaayeen in jacayl I haleelay marka ay arkaan aniga oo telefoonka dhegta ku hayana waxay odhan jireen "ninkii C/laahi jacaylbaa haleelay hadh iyo habeena telefoonka ayuu dhegta ku hayaa oo ku miyir layahay" balse anigu hadalada dhalinyara dheg uma dhigi jirin oo waxa i haya ayaa ka weynaa. Habeenkaa sidaa ayaan furaashkii ku tegey waxana deris ila ahaa wer wer iyo walhabagaar jacayl, waxan habeenkii oo dhan isweydiinaya wixii aan odhan lahaa haddii ay Aamina habeen danbe igu Tidhaahdo Ladabaalo Caashaqa, su'aashaa iyo qaar kaleba waxay ahaayeen kuwii maskaxdayda ku abuuray walbahaarka iyo hurdo la'aanta, habeenkii waa baasbaa ii baryey waxanna soo toosay aniga oo aan il iyo baal isu keenin, cuntadii ayaan ka soo may dadka inta wax garadka ah ee aanu isku guriga nahay waxay moodayeen in aan iska yare xanuunsanayo balse dhalinyarada ayaa fahamsanaa in falaadh jacayl igu taagantahay. Aamina ima oga waxa aan ku suganahay iyo dhinta jacayl ee I haysata. Sidoo kalena Aamina kama ay war ahayn xaaladdayda nololeed iyo duruufaha ku xeeran, ma jirin haba yaraatee wax adduun ah oo aan gacanta ku haystey reer kayaguna waxay ahaayeen reer miyi waxay lahaayeen xoolo miyi,Aamina oo ahayd inan xishood badan waxa keliya oo aan u sheegay in aan deganahay xaafadda Badda Cas jaamacaddana aan dhigto, wax kalena Aamina ima ay sii weydiin. Xiligii Aamina ila ballantay ayaan tilifoonkii soo garaacay rajo sida u weyn ma aan qabin waxan ka wer-werayey in ay caawana Aamina igu tidhaahdo habeen danbe, waxa keliya ee dawadayda ahi waa Aamina oo tidhaahda jacaylka waan kula wadayaa. Tilifoonkii ayaan soo garaacay Aamina ayaa iga qabatay, tilifoonkuna qolkeeda ayuu yaallay, markii ay Aamina telefoonkii iga qabatay ayay salaan qurux badan igu soo dhowaysey, runtii codka Aamina ayaa wax tar weyn ii ahaa qalbigayguna ku degi jirey. Markii aanu cabaar is waraysanay ayay Aamina igu tidhi iyada oo ila kaftamaysa ee gaysana dareenkayga iyada ku aadan. "C/laahiyow caawa maxaad filanaysaa? Aniga oo dareesan in Aamina ay caawa go'aansoo gaadhey ayaan ku idhi "walaal waxan rajaynayaa in aad war wanaagsan sidid, waxan rajaynayaa in aad inoo wadid wixii aynu ku gaadhi lahayn mustaqbal waara, waxan rajaynayaa in aad caawa inoo furaysid albaabkii jacaylka, adna aad dhicagaaga ila qaban dootid, Aaminay war fiican ayaann kaa sugayaa" intaa markii aan ku idhi waxa Aamina uurkeeda ku jirana aanan ogayn balse ay ka muuqato in ay soo diyaar garowdey go'aan cadna ay sid, doonaysona in ay caawa runta ii sheegto. Aamina oo ila kaftamaysa ayaa igu tidhi "C/laahiyow maxaad samaynaysaa haddii aan caawa ku idhaahdo HARUU SOCO NASIIBKAA GEYAANKAAGA WAAD HELI" marka ay Aamina hadalkaa leedahay waxay eegaysey dareenkayga, balse aniga waa ii qudhgooyo markii ay Aamina intaa igu tidhi ayaan ugu jewaabay "walaal m haddii aad hadalkaa igu tidhaahdid geeribaan ka xigaa, waxa keliya ee aan ku badbaadi karaa waa adiga oo caawa igu yidhaahda Amba Kula Mid Baan ahay" markii aan Aamina intaa ku idhi ayay Aamina oo ay ka muuqado farxad marbana ku dhufanaysa qosol googoosa ayay igu tidhi "walaal C/laahi caawa si fiican ii dhegayso warka aan kuu hayo waxan umalaynayaa in aanad weligaa ilaawayn" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi ayaan ku idhi "haye walaal waan ku dhegaysanayaa ee warka soo daa" Aamina oo marba qosol ku dhufanaysa ayaa igu tidhi "walaal C/laahi aad ayaan u dareensanaa in jacayl ku haleelay, jacaykuna waa wax jira mana aha wax lays kula yaabo,muddadii aan ku cel-celinayeyna xumaan igama ahayn ee adiga ayaan ku xaqiijinayey in jacaylku kaa dhab yahay iyo in aad been uugu sheekaynaysid, balse waxan ogaadey in jacaylku kaa dhab yahay daacadna aad tahay, imika laga bilaabona wax walba waan kula qabanayaa, jacaylkana waan kula daadihinayaa wax allaale wixii xagayga xaaga xidhmana aniga ayaa dhamaynaya, diyaarna wax walba waan kuula ahay, imika laga bilaabona gacantaadii midig ayaan ahay, wixii dhib hore ku soo gaadheyna iska illow walaal wixii wer wer iyo walbahaar ku soo marayna niyadaada ka saar, jacaylkana kugu eegi mayo,e dhinaca ayaan kula hayaa, waanna iskaa siiyey walaal" markii ay Aamina ii soo bandhigtay in ay jacaylka dhinaca ila qabanayso warkaa farxaddalena ay iidhiibtey. Ayaa markiiba neecow qabow ayaa jidhkayga saaqday, waxa ii baryey waa cusub sidoo kalena niyaddayda ka naxay wixii wer-wer iyo walbahaar ahaa, waxan noqday qof habiya muddo ayaan Aamina jewaab ku celin kariwaayey aniga oo farxad awgeed isla maqan, cabaar ka dib ayaan soo miiraabay waxanna Aamina u sheegay in aan farxad la miyior beelay, markii aan Aamina u sheegay in aan farxad la miyir beelay, ayay ina oohin bilowday iyada oo dib u xusuusatay waxa dhicilahaa haddii ay i odhan lahayd waxba jacaylka kaala qaban maayo, waxayna ogaatey in aan sidaa u dhicilahaa, waxayna Aamina igu tidhi "walaal waxan la ooyayaa haddii aan ku odhan lahaa waxba kula qaban maayo, malaha waad dhiban lahaydba" markii ay Aamina hadalkaa igu tidhi iyada oo weli ooyaysa ayaan ku idhi aniga oo aad u faraxsan, "walaal Aamina aammu, waynu guulaysanay jecaylkeeniina wuu midho-dhalay arrinkeenuna wuxu marayaa halkii ugu fiicnayd, wixii horena walaal iska illow" runtii Aamina waxay la ooyaysey oo ay aamintey haddii ay i odhan lahayd waxba kula qaban maayo, in aan geeri ku dhowaan lahaa. Aamina waxan ku qanciyey in ay wixii hore iska ilowdo, waxanna u sheegay in ay jacaylka dhinaceeda ka adkayso, iyada oo Aamina ii muujinaysa dareen naxariisleh ayay igu tidhi "walaal dhinacayga haka wer-werin imika anaaba kaa daran oo jacaylku igu cusub yahay" runtii muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney waxay ahayd habeenkii iigu wacnaa ee aan gaadhey yoolkaygii aan muddada dheer rafaadka igu soo jirey. xilli danbe ayaanu aniga iyo Aamina isku gaadhney, waxayna noqotay wakhtigii aannu kala seexan lahayn, waxan Aamina ku sii maca salaameeyey hees uu ku luuqeeyo fannaanka weyn ee Xasan Aadan Samatar heestaasoo oo ah mid aan ku ducaysanayey Aamina ugu muujinayey in ay tahay tii aan doonayey waxann aku bilaabay sidan.Damiir hal adeegnimiyoquruxda lagu daahayeedarandar indhii arkaanmarnaba daymada kadaalinetimaha kala degay dusheediyo ooilkaha dabarkaley dileewaxaan dumar daydayoonmid iidana raadiyabahadaan taan doonayee ilaahaykaducaysan jirayanagu dejiyeyshelneerabbow isu kaaya daaadadnimo dhaqankeeda iyoquruxda lagu deyrayeedadkaba ruuxaysbartaankolnaba diiqad aanan gelinineedegeni socodkeeda iyooooo oooooooodibnaha madowgaleey dileeeeewaxaan dumar daydayoonmid iidana raadiyabahadaan taan doonayee ilaahaykaducaysan jirayanagu dejiyeyshelneerabbow isu kaaya daaa.markii aan heestaa aan ku ducaysanayey aan dhameeyey ayay Aamina oo aad u faraxani igu tidhi "dee walaal C/laahi fanaan baad noqotay, mise jacaylka ayaa kaa keenaya heesaha jacaylka ah, ee kaa soo burqanaya" aniga oo aad Aamina ugu faraxsan ayaan ku idhi "bal Aaminay yaan ku arag adiga oo maalin dhow heesaya" inta ay Aamina qososhay ayay igu tidhi, "in la arko aniga oo heesaya ayaa lagayaaba, sida wax u socdaana kama fursanayso in aan heeso jacayl ah kuu soo qaado, waana la arki doonaa aniga oo kaa badiyey C/laahiyow" aniga oo hadalka Aamina ku faraxsan ayaan ku idhi "waa lagaa sugayaa Aaminay heeso jacayl ah" inta ay qososhay ayay tidhi, "waaba la ogaan heesaha jacaylka ah ee aan soo bandhigo" runtii Aamina ehel uma ahayn heeso balse waayaha jacaylka ayaa bari-doon. habeen badh ayay noqotay intii aanu Aamina hada hadlayney, Aamina ayaan u sheegay in ay xilli danbe tahay. Aamina oo hadalkayga xiisaynaysa ayaa igu tidhi "walaal waxan moodayey in aynu saacad wada hadlayney, maba moodayn in ay habeen badhtahay" fadxad ayaanu habeenkaa Aamina ku kala seexanay, waxay ahayd habeenkii iigu farxadda badnaa muddadii aanu Aamina wada sheekaysanayney, waa habeenkii aan gaadhey hadafkaygii ugu weynaa ee aan muddada dheer rafaadka iyo hurdo la'aanta ugu soo jirey. waa habeenkii aan gaadhey yoolkaygii ugu muhiimsanaa oo ahaa in aan Aamina soo xero geliyo. inkastoo aan guulweyn gaadhey hadana waxa adkayd sida Aamina muuqeeda loo arko,muddo dheer ayanu tilifoonka ka wada sheekaysanayney. runtii Aamina oo aanu hore u soo marin jacayl ayaa waxa haleelay jacayl, waxayna gaadhey heer ay seexan weydo ilaa ay ila soo hadasho. iyada ayaa iga wer-wer iyo walbahaar badnayd, markastana waxay soo garaaci jirtey telefoonka, halkii aanay markii hore ku soo dhici jirin in ay telefoonka soo garaacdo inta ay xishood ka qabto, balse markii danbe jacaykiibaa ka xoog badatay kuna qasbay in ay markasta telefoonka soo garaacdo. waxa Aamina la deris noqday nabar jacayl, waxay dhex gashay mowjado jacayl ah. muddo sagaal bilood ah ayaanay noo suura-gelin in aanu Aamina is aragno waayo, sida aan hore u soo sheegay Aamina waxay ahayd inan aan gurigooda ka soo bixin, marka laag reebo muddo gaaban oo ay ku maqantahay wax barashada, Aamina waxay ahayd gabadh aad loo kool-kooliyo waxay ku noolayd nolol raaxo leh, halka aan anigu ka soo jeedey qoys sabool ah, reer kayaguna ay ahaayeen reer miyi. balse Aamina ma ogayn waxa aan ku noolahay, muddo sagaal bilood ah markii aanaan is arag oo aanu telefoonka uun ka wada sheekaysanayney, ayna adkaatay in aanu fursad isu helno, ayaa waxa soo gashay bishii barakaysnayd ee Ramadaan, bisha Ramadaan awgeed ayaa Aamina hooyadeed u ogolaatay in ay salaada taraawiixda ku soo tukato masaajid aan sidaa gurigooda uga fogayn. iyada oo Aamina tixgelinaysa jacaylka qotada dheer ee naga dheexaya, ayay igu wargelisey in ay habeen danbe ila kulmayso. runtii aniga waxay igu noqotay u qaadan waa waayo, marnaba niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa oo aad arkaysaa. aniga oo aad ugu faraxsan bushaarada Aamina ii sheegtay ayaan ku idhi "walaal miyaad igu ciyaaraysaa mise waa kaa dhab,walaal waxa u qaadan waa igu noqotay qoftii Aamina ee aad muddada sagaalka bilood ah is arki weydeen ayaa habeen danbe kula kulmaysa"inta ay Aamina qososhay ayay igu tidh "walaal C/laahi ma waxad isla ahayd marnaba kuu suura-gelimayso in aad i aragtid" aniga oo u qaatay in aan Aamina la joogo ayaan ku idhi, "walaal marnaba niyadda ma aan gashan Aamina ayaad la kulmaysaa ama aad jaanis u helaysaa,imikase waxay iiga dhigantahay aniga oo ku arkay, mar haddii aad tidhi habeen danbe waynu kulmaynaa" Aamina ayaa hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi ‘C/laahiyow miyaad garanaysaa sababta keentay in aynu habeen danbe kulano? aniga oo aan garanayn sababta keentay in aanu Aamina habeen danbe kulano, ayaan ku idhi "walaal ma garanayo sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waayo, waxan ogaa in aan laguu ogolayn in aad meel u baxdid, mar haddiise aad tidhi waynu kulmaynaa caawa waxay iila mid tahay inaga oo kulanay, sababta inoo suura-gelisey is araggeena ii sheeg walaal? Aamina oo ay ka muuqado farxad iyo qosol googoosa ayaa igu tidhi "walaal C/laahiyow haddii aad ogaan lahayd sida aan kuu jecelahay marnaba niyadda ma aad geliseen Aamina ay kuu iman weydey, haddii aan awoodi karayo ama aan jaanis helayo marnaba kaama dul dhaqaaqeen, markastana adaan dhinacaaga taagnaan lahaa, markastana waan kula joogi lahaa, jacaylka aan kuu qabo ayaa walaal iga awood batay, wuuna igu sii fiday, wuxuna igu reebay xusuus iyo wer-wer iyo walbahaar, imikana labadeena aniga ayuu jacaylku igu daran yahay, maalmaalin ayaan kici kariwaayaa oo aan xanuun jacayl la jiifsadaa, sababta keentay in aynu habeen danbe kulano waxa weeye, hooyo ayaa ii ogolaatay in aan masaajid nagu dhow aan ku soo tukado salaadda taraawiixda, markaa aniga oo tixgelinaya jacaylka iyo baahiyaha aynu isu qabno oo ay ugu weyntahay is arag la'aantu, waxan xalkeena iyo mustaqbalkeenaba u arkay in aynu ka faa'iidaysano inta Ramadaanta , intaa salaada lagu jiro ayaan wakhtiga kuu soo hurayaa oo aan kuu iminayaa, markaa C/laahiyow sidaa ku bushaarayso, habeen danbena waan kuu imanayaa haddii ALLA ka dhigo sidaa ku seexo oo ku soo toos" aniga oo aad ugu faraxsan kulankayaga ogna sida aanu isugu bohol-yowney ayaan Aamina ku idhi "walaal caawa war fiican ayaad ii sheegtay aad iyo aadna waan ugu faraxsan ahay, kulankeena habeen danbe, koley marka aan ku arkona waan ka sii darayaa oo jacaylku wuu igu sii fidayaa, markaa walaal waxan inoo rajaynayaa kulan xiiso badan, habeenkaasina wuxu inoo noqon doonaa habeen taariikhiya" intaa markii aan Aamina ku idhi ayay hadalkii qaadatay waxayna igu tidhi "waa runtaa C/laahiyow habeenkaa aynu kulanaa wuxu noqon doonaa habeen taariikhiya albaab cusub oo kalena inoo fura, jacaylkana dhinacaaga ka adkay C/laahiyow waxan ka baqayaa in aad jacaylka igu sii deysid, waana inoo habeen danbe haddii ALLA ka dhigo iyo kulan xiiso badan, kolay waan kaa xishoonayaa oo ku eegi-karimaayo, horaa loo yidhi, Indho Is Jeceli Isma Eegi Karaan, markaa C/laahiyow haddii aan indhaha ku siin kari-waayo hayla yaabin, waa iga jacayl" sidaa ayay Aamina hadalkeedii ku soo afmeertay iyada oo afeef sii dhigatay. runtii Aamina waxay ahayd inan aad u xishood badan, anna waxan ahaa wiilkii ugu horeeyey ee Aamina la sheekaysato, weligeedna nin afka uma ay kala qaadin. waxana Aamina ku qanciyey in aanay iga xishoon ee ay igu soo dhiirato, waxayna Aamina igu tidhi "walaal intii karaankayga ah ee aan qajilaada iskaga biin karro waan ku dedaalayaa" habeenkaa Aamina waxanu ku kala seexanay farxad, waxanu ku ballanay habeen danbe iyo goob labada xaafadood u dhexaysa iyo todobadda fiidnimo. Aamina waxay jaanis haysataa muddada gaaban ee salaadda taraawiixda lagu jiro, wixii intaa ka danbeeya waxa looga fadhiyaa guri in ay in yar dib u dhacdona looba ogola. markii ay xilligii aanu balanay ay ku dhowayd ayaan Aamina tilifoon u soo diray, waxanna u tilmaamay goobtii ay iigu iman lahayd, meel kaabad ah ayaan ku idhi waan kuu sii fadhiisanayaa ee iigu kaalay. markii aan imi kaabaddii ayaan ugu imi nin fadhiya, ma kala garanayn in uu cid kula ballamay iyo in kale, mana aan odhan karayn meesha ka kac waayo, waxay ahayd meel dadka ka wada dhexaysa. markii aan ninkii cabaar ku dul wareegay welina aanay Aamina soo muuqan ayaan macmacaale aan sidaa iiga fogayn ayaan sharaab u doontay, markiiba Aamina ayaa goobtii timi iyada oo soo badh tilmaameedsanaysa kaabaddii aan u tlmaamay. Ninba Meesha Bugtaa Isagay Belbelshaa, markiiba waxa niyaddayda ku soo dhacday Aamina oo joobtii timi oo ninkii meesha fadhiyey ku moodey, si dhakhso ah ayaan macmacaalihii uga soo boodey markiiba waxan isha ku dhuftay inan dheer oo qurux badan oo ninkii dultaagan. markiiba waan gartay in ay Aamina tahay, nasiib wanaag markii hore ayaan Aamina tilmaantayda u sheegay xataa maryaha aan soo xidhanayo waan u sii sheegay, tilmaan cad ayay Aamina iga haysatey. si deg deg ah ayaan macmacaalihii uga soo boodey, nasiib darro intii aan soo socdey ayay Aamina ninkii la hadashay iyada oo aniga i moodaysa ayay markiiba ku tidhi, "Salaama calaykum C/laahi" isna wuxu ugu jewaabay "calaykum wa salaam" marnaba Aamina goobta kama filayn cid aan aniga ahayn, markiiba Aamina ninkii il-qoodha ayay ka eegtay waxayna aragtay in aanu lalahayn calaamadihii aan u tilmaamay. Balse iyada oo Aamina ku adkaysanaysaa in aan anigii ahay ayay ninkii ku tidhi "walaal miyaan raagey? Runtii nin af-miisara ayuu ahaa inta uu saacadda uu xidhnaa eegay ayuu Aamina ku yidhi "haa.... Waad yare absaantay" wuu arkay in ay tahay gabadh soo khaldantay, balse markii uu arkay quruxda Aamina ayuu damaaciyey, wuxuna la mid ahaa waraabe godkiisii adhi ugu soo galay. Inta uu Aamina la hadlayo anna waan soo ordayaa, markii aan wax yar u soo jirey ayuu kacay, wucuna Aamina ku yidhi "meesha inaka yare dhaqaaji" markii uu kacay ayay Aamina aragtay in ninkani yahay curyaan. [Laangadhe} uuna yahay nin weyn oo dadii aan u sheekay aad uga weyn yahay. Aamina markii ay aragtay ninkan curyaanka ah ayay naftiiba ka baxday, waxan isa soo barbartaagey Aamina oo ninkii kuleh "waar maxaad beenta iigu sheegtay? Isna uu leeyahay "waxba malaha walaal ee ina mari" markii aan isa soo bar-bartaagey ayay Aamina isoo eegtay aniga oo aan la hadlin ayay igaratay, markii ay aragtay in aan C/laahi ayay igu soo boodey, markii aanu isku salaanay salaan xanbaarsan kalgacal iyo naxariis ayay Aamina isku dayday in ay ninkii oo halkan taagan, oo aan weli quusan in ay la dagaalanto. Balse aniga ayaa ku qanciyey in ay faraha ka qaado, waxanna ku idhi "walaal Aamina inaka daa waa nin curnaana'e ee inaka mari" intii aanaan halkii ka dhaqaaqin ayay Aamina oo inta ay xishood ka qabto, indhaha I siin karila, indheheedana ay ilmo ku soo taag-taagantahay ayaa halkii iiga qaaday hees qurux badan oo ay iigu muujinayso in jacaylku ka dhab yahay, sida aan anigu jacaylka ugu abuuray, waxsayna ku bilowday sidan.sidaad ii ogeyd baanadiga moyee ragba ilaawaysidaad ii ogeyd baanubax la moodyow kuu amaanaasidaad ii ogeyd baanaxdigeenii u adkeeyaamiyaad ogeynmiyaad ilawdayinaad jacaeyl igu abuurtayuurkeygana ku darantahaymaba ilaaweesidaad ii ogeybuuafku hadalkii iiga xadayaasidaad ii ogeyd baanereyadadii uugu heesaasidaad ii ogey baanadiga awgaa aan u ooyaamiyaad ogeynmiyaad ilaawdayinaad jacayl igu abuurtayuurkeygana ku darantahaymaba ilaaweesidaad ii ogeyd baanala ku aawey kuu idhaahdaasidaad ogeyd baanoon aan kuu qabokuu il daranahaysidaad ii ogeyd baanaragtidaadii ku istareexaamiyaad ogeynmiyaad ilaawdayinaad jacaeyl igu abuurtayuurkeygana ku darantahaymaba ilaaweewww.nolol.8k.com  GeeraarDunidaan dibjirkeeda dayaxa laalaayo, dunidaan da'yarteeda dagaalka loo carbinaayo, dunidaan duqowdeeda nabada aan doonayn, dunidaan labadii is doorato dakano layskugu diidaayo dabkeeda ma yara, ana inaan daacad kuu ahay marna aanan ku dageynin damiirkaada u sheeg, wadnaheyga dushiisa iyo beerkeyga dacaladiisaan darin kuugu dul fidinayaa dareen la' aan ku dul seexo, hadaadan intaas ku daganeynin laabtaada sii danqaneyso dartaa waalidkeyga ha ii dilo ama duhurkaan ha ii deyrsho deg deg daartaada igu geyso.

Tel: +0025224041187 Geeraar.
Sahal maahan caashaqa hadaan lagula sideynin sibir waaka qaraar yahay samada iyo dhulka dhaxdooda saan qaadku badanaa samirkuna wacanaa silsilad waaye dunidaane hadba si kugu soo mareyso, sifaalaha nikaaxa sifahiisa furiin maxaa ka dhigay?. 
 Geeraar.
Xumaan iyo nabsi ruux xambaarsaday xashaash ku noolaan maayo, xaqdaro nin ku dhaqmaayo xakinkaa arkaayo xaqiiqdii guul ma gaaraayo, xiliga maanta la joogana xaalka aduun yaalo xifaalo malaha, xili leys xisaabinaayo xabaasha aaqiro waaye ee xiskiina ku haaya. GeeraarTaariikhdaada nolosheyda
 kama tirmeyso ee talaahi
aan ku dhaartay talaabkastoo
aan qaado adigaan ku
towaa taajkii arooskaaga
tabaabusheysigiisa aan ku
jiraa ee taajirnimo iima
laabnee toosaneey
taladeena waa toostee
tacab shiid waa ka baxnee.

Xasan Siidow Ibraahim Maxamed Geeraar. 
Ma jiraa jaceyloo?
Ma jiraa jaceyloo, qofaad waanisoo wehel aad kadhigatooa warkiisa aad raacdoo waji aan wacneyn wax tar kaaga dhiga?.
Ma jiraa jaceyloo qoraaf saad satoo saadir aad katuugtoo suubanaantii caashaqa samaantii jaceylka midna aan kusiin?
Ma jiraa jiraa jaceyloo qofaad jamatoo jirkaaga moodoo aan jiirnaxaynoo jiriricyo jaceyl midna aan u jeedin?
Ma jiraa jaceyloo qofaan kuu naxaynoo naftaada moodoo nuurkii caashaqa iyo naxariistii jaceylka midna aan ku siin
Ma jiraa jaceyloo qofaad qiima wacan & qaayo wacan u yeeshoo hadana aan kuu qireyn?GeeraarDadaal aduunyo iyo dulqaad dib umaan dhigin damac daranaa dusha leyga saaray daaraha dushoodbaa dahab ley suray, dad kulul aan danqasho laheyn dooqaaga haduu galo dad looma eedsado, daahirii rasuulkeena iyo daa'inkii na abuurtaan dartood aan kugu deeyay.
 
 
Maxamed hasan huseenandaasyare@hotmail.comandaasayre@gmail.comandaas22@yahoo.comTel: +0025224041187