Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Qeybta Caafimaadkaaga ku soo dhawaada.

Heeso xul ah. Qiso jaceyl iyo sida aad u hanan karto jaceylka dhabta ah. ila qosol. Hano ruuxaad jeceshahay. Geerar jaceyl. Barnaamijka Caafimaadka. Blog

Maxamed Hasan Husein ayaa Idin Diraariyey barnaamijkan Waana hormariyaha koowaad ee bulshada.kala xidhiidh Email andaasyare@hotmail.com ama tell:-0025224041187 ama Somtel:-9182304

Sidee baan u hagaajin karaa Caafimaadkayga Xagga Maskaxda?

Waan u barannay in nalagu baraarujiyo inaan ku dadaallo ilaalinta caafimaadkeenna jirka, innagoo joojinayna sigaar cabbista, samaynaynana jimicsi badan, iyo innakoo yaraynayna dufanka ku jira cuntadeenna. Sidoo kale, baan wax uga qaban karnaa  cafimaadkeenna xaga nafsaaniga ah.

Barashada is-dejinta (Learning to relax)

Tani waa xirfad qof kasta ay tahay inuu barto. Waxa jira buugaag iyo cajalado badan oo ka hadlaya is-dejinta, waxbarashada dadka
waawaynina waxay qabanqaabisaa fasallo ku saabsan arrintaas. Jimicsi (yoga), baaraandegis (meditation), daliigis (massage) iyo daawo-dhireedku (aromatherapy) dhamaan way caawin karaan is dejinta.

Jimicsiga (Taking exercise)

Jimcsigu waxuu caawin karaa caafimaadka maskaxda iyo ka jirkaba.
Waxuu beddeli karaa sida aad nolosha u aragtoo dhan, isagoo kugu caawinaya inaad ka takhalusto dareennada xunxun.
Wax wayn buu kabedeli karaa dadka qaba isku buuqsanta, niyad-jabka iyo is-naca. Waxay kaloo caawin kartaa inay joojiso dhibaataduba inay bilaabato marka horeba.

Barashada sida loola tacaalo xaaladaha adag

Dadka laga faa'iidaysto, ama sida xun loola tacaamulo, badanaa way ku adag tahay inay doodaan. Waxa laga yaabaa inay door bidaan inay dhibka iska qarsadaan, markaas laakiin caray la buuxsami karaan, taasoo keenaysa deganaan la'aan iyo isku buuqsanaan. Tabobar lagu qaato dhiirranaanta waxay wanaajin kartaa kartida arrimahan oo kale.

Hadaf yeelashada (Setting goals)

Tani waa ka fakaridda siyaabaha lagu hormarin karo nolosha. Dadku waxay u baahan yihiin inay is waydiiyaan, ‘sidee baan jeclaan lahaa inay ummuuruhu noqdaan toban sano gudahood? Waa maxay isbaddellada yaryar ee aan hadda bilaabi karo?' waxa suuro gal ah in nolosha laga sameeyo isbeddallo wanaagsan, inay adag yihiinba ha u muuqdeene.

Dareenka oo la muujiyo

Dareenkeenna oo aan u muujinno si xanaaq ah, oyno ama aan qaylinno waxay nagu caawisaa inaan ka soo kabsanno dhibaatooyin aan sooaragnay.
Isku cabburinta dareenka iyo qiirooyinkaaga waxay keeni kartaa daal dhalin kara degganaan la'aan iyo isku buuqsanaan.
Wajahidda dhibaatooyinka
Markay dadka arrimuhu ka khaldamaan markay aad u cabbaan waxay iska dhaadhiciyaan inay dhibka is illawsiiyaan ayna rajeeyaan inay dhammaan doonto.
Taasi inaysan dhicin baa la arkaa. Caadi ahaan markay xallinta dhibaatada hore u bilaabaanba way ka fududdahay xal u heliddeedu.
Helista wof lala sheekaysto
Talooyinka halkan lagu bixiyay intooda badani way fudud yihiin in la raaco haddii uu jiro qof si furan oo daacadnimo ah loola sheekaysto. Waxuu noqon karaa saaxiib, ama waxaaba anfici karta in lala kulmo dad kale oo xaalddaas oo kale ku sugan, oo is-kaashada ama koox la caawiyo. La taliyayaal iyo dhakhaatiirta maskaxda waxa si gaar ah loogu tabobaray inay dadka ka caawiyaan inay naftooda si fiican u fahmaan ayna ka adkaadaan dhibaatooyinka nolosha.

Ra'yi xaqiiqo ah

Waxa jira jidad badan oo la isugu dayo in la fahmo xanuunnada madaxa.
Buug-yarahani waxuu xoogga saaray aragtiyo hadda aad looga tix geliyo meelo ay ka mid yihiin Yurub iyo Maraykanka. Waddamo iyo caadooyin kale, kuwaasoo diintu ay muhiim tahay sida arrinta loo qaabilo aad bay sidan uga duwanaan kartaa.
Waxa niyadda sii dejin lahaa in la helo xaqiiqooyin la isku wada raacsan yahay oo ku saabsan xanuunnada madaxa. Maadaama aynaan hayn, waxay dantu nagu kaliftaa inaan nafteenna uun ka fekerno, annakoo muujinayna khibradahayaga, dhegaysanaynana kuwa kale kuna qaabilayna araa'dooda maskax furan.
Dood kama taagna in ay jiraan malaayiin qof oo ku nool nolol aan qoomo fiicnayn oo ay sabab u tahay jirro maskaxeed, iyo inaan u baahan nahay siyaabo ka fiican oo looga hor tagi karo cudurrada maskaxda laguna caawinayo dadka ay ku dhacaan si ay naftooda u caawiyaan.

Cudurka Dadka Xasuusta Ka Lumiya (Parkinson Disease) 

Cudurka xusuusta dadka ka lumiya wuxuu ku dhacaa qayb ka mid ah maskaxda oo koontaroosha dhaq-dhaqaaqa muruqa. Ma jirto wax daawo ah oo loo hayo cudurka xusuusta dadka ka lumiya, laakiin badanaa si tartiib ah ayuu u kordhaa isla markaana calaamadaha waa loo taag heli karaa.


Calaamadaha

4-ta calaamadood ee ugu badan ee Cudurka dadka Xusuusta ka lumiya waxay kala yihiin:

Gariirid ama lulasho
Murqaha oo giigsama
Dhaq-dhaqaaqa oo yaraada
Dhibaato dhinaca isu dheellitiranka iyo dhaqaaqidda

Markay calaamadahaan sii xumaadaanba, waxaa laga yaabaa in ay dhibaato kaa qabsato socoshada, hadlidda, ama sameynta hawlaha fudud sida qubeysashada ama lebbisashada.

Daryeelkaaga

Marka ay calaamaduhu kuu keenaan dhibaato, takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu ku faro daawo ama masaajeyn jirka lagaa siiyo si gacan looga geysto in aad calaamadaha wax uga qabato. Markay calaamaduhu ka sii daraanba, qalliin ayaa laga yaabaa inuu noqdo waxa la dooranayo si gariirka loo yareeyo.
Waxyaabaha aad Sameyn Karto si aad wax uga Qabato Calaamadaha

Si tartiib ah u soco adigoo is toosinaya lugahana kala fogeynaya.
Isticmaal 4-prong cane ama gaariga la cuskado ee lagu socdo hadii loo baahdo.
Haddii aad meel ku dhegto ama ka dhaqaaqi weydo, si tartiib ah dhinac isaga soo riix oo dhinaca kale isu riix ama iska yeel sidii adigoo shay sagxadda yaalla ka tallaabsanaya.
Falliiqyo sharooto ah dhig dhulka si ay kuugu hagaan gurigaaga. Katiifadaha iyo alaabta guriga ka qaad meesha aad ku soconeysid.
Si tartiib ah uga kac kursiga ama sariirta si aad uga fogaatid war wareer ama in dhulku kula wareego.

Dhalmada Badan  

Haweenka dhalay in ka badan 5 caruur ah waxaa caafimaadka loo yaqaannaa "Grand Multipara".

Waxaana qeyb ka mid ah uurreeyda looga dhigay halista ku imaan karta hooyada xillagaa markii ay dhaafto.
Halistaas waxaa ka mid ah:
1- Dhiigkarka uurka
2- Sonkorowga uurka
3- Dhiig bax dhalmada ka dib
4- Ilmo oo dabo keen ah ama dhinac keen ah
5- Ibida oo soo bixi weydo
6- Minka oo isku soo aruuri waayo dhalmada ka dib
7- Mandheerta oo uurjiifka qoorta u gasho
8- Minka oo dillaaco
9- Uurjiifka oo dheqaska ku xirmo ama cadaadis galo.
Waxaa kaloo jiri karo dhibaatooyin intaa ka badan ay lahaan karto hooyinka dhalmada badan sidaa awgeed waxaa lagula taliyaa hooyadaas in:
1- Isbitaal ku dhasho
2- Xaaladdeeda uurka si joogto looga warqabo
3- In lagula taliyo in dhalmada ay kala fogeyso.
Qaaxada & HIV-da - Wadajir Halis Ah!  

TB-du waa maxay?

"TB" waa magac la soo gaabiyay ee loo yaqaan cudurka qaaxada ama tiibishada.
Marka uu qofka cudurka Qaaxada ku dhaco, ugana dhaco sambabada ama dhuunta oo uu qufaco, hadlo, qoslo ama hindhiso, jeermiga qaaxada ayuu hawada ku firdhiyaa. Qof walba oo u dhowna waxaa sambabada uga faafa jeermiga qaaxada ama tiibishada .

Jeermiga qaaxada ama tiibishada jirkaada ayuu ku noolaan karaa adiga oo aan la jiranin. Taasna waxaa loo yaqaan jeermiga qaaxada dhaliya. Difaaca jirkaada ayaa kaydiya jeermiga qaaxada, si uu u sugo caafimaadkaada.
Marmarka qaarkood, jirkaada ma awoodo inuu iska difaaco geermiga qaaxada ama tiibishada. Haddii aad la jirato jeermigaas waxaa loo yaqaanaa cudura qaaxada ama tiibishada. Jeermiga wuxuu badi ku dhacaa sambabada. Sidoo kale waxuu ku dhici karaa kalyaha, maskaxda, lafta dhabarka, ama qaybaha kale ee jirka.
Haduu cudurka qaaxada ama tiibishadu kugu dhaco, waxaad u baahantahay daaweyn. Waxaadna ku bogsoon kartaa daawen sax ah. Laakiin, hadaan lagu daaweyn waad u dhiman kartaa.
Maxay muhiim u tahay inaan ogaado inaan qabo jeermiga dhaliaya cudurada qaaxada ama HIV-da?
Jeermiga HIV-da wuxuu daciifiyaa (wiiqaa) difaaca jirkaada. Hadii aad qabto jeermiga Qaaxada ama HIV-da, waxaad halis u tahay inaad u jirato cudura qaaxada ama tiibshada

                                                                                          WarFarxad leh


Waad ka hortegi kartaa geermiga TB-da intuusan isu badelin cudurka Qaaxada ama Tiibishada! Tilaabada ugu horeysa oo aad ku ogaan karto inaad qabto geermiga TB-da waa inaad ogaataa, hadii aad qaaday jeermiga TB-da. Taasna waxaad ku ogaan kartaa adoo jirkaada ka baara qaaxada ama tiibishada.
Waa maxay baaritaanka qaaxada ama tiibishada ee jirka?
Baaritaanka TB-da ee jirkaada waxaa lagu sameeyaa gacanta. Labo ilaa saddex bari gudohood, ayuu daryeelaha caafimaadkaada fiirin doonaa gacantaada si uu u arko inuu dhacay fal kiimikaad. Soo barar "boosatiibo" ah macnaheedu waa inaad qabto geermiga TB-da.
Jeermiga HIV-da ma saamayn karaa natiijada baaritaanka TB-da ee jirka?
Mararka qaarkood, hadii aad qabto jeermiga HIV-da iyo TB-da, laga yaabe in natiijada falgalka kiimikaad ee TB-da jirka ay lama hubaan "negatifo" noqoto. Taasna macnaheedu waa difaaca jirkaada oo aan si haboon u shaqaynayn. Daryeelahaaga caafimaadka ayaa kaala hadli doono hadaad halis u tahay geermiga TB-da ama cudurka Qaaxada. Laga yaabe inaad u baahato baaritaan kale oo caafimaad ama daaweyn.

Maxay tahay inaan sameeyo hadii aan qabo Jeermiska dhaliya labada cudur ee HIV-da iyo Qaaxada?

Waxaa shardi ah inaad baaritaan is dabajoog ah samayso. Taasoo ay ka mid yihiin raajada xabadka iyo baaritaano kale. Hadii baaritaanadaas ay cadeeyaan inaad qabto cudurka qaaxada ama tiibishada, daryeelaha caafimaadkaada ayaa ku siin doono daawooyinka lagu daaweeyo qaaxadaada ama tiibishadaada.
Haday baaritaanadaadu cadeeyaan inaad qabto jeermiska qaaxada ama tiibishada dhaliya, laga yaabee daryeelaha caafimaadkaadaa inuu ku siiyo daawooyinka dila jeermiska qaaxada si uusan cudurka isugu badalin Qaaxo ama Tiibijo.

Maxaan u baahnahay inaan ka ogaado daawooyinkayga?
Daryeelaha caafimaadkaada ayaa kuu sheegi doono sida loo qaato daawooyinkaada iyo dhibaatooyinka ay keenaan

Xanuunka Caadaada (Dysmenorrhoea) 

     Horudhac

Waxay dumarka intooda badan la kulmaan nooc xanuun caado inta ay noloshooda jirto. Erayga caafimaad ahaan loogu isticmaalo waa dysmenorrhoea. Xanuunka uu keeno caadaada dhiigga waxaa laga dareemi karaa qaybta hoose ee calooshaada, laakin waxuu u faafi karaa dhabarkaaga iyo cajiradaada.
Xanuunka caadada waa xaalad iska dhaco. Waxaa daraasaadka la sameeyay qaarkood sheegayaan in ku dhowaad 75% ee ah dumarka dhallinta yar iyo 25-50% ee dumarka qaan-gaarka ah ay la kulmaan xanuun iyo raaxo la'aan inta ay ka qabaan caadada. Ilaa iyo 20% ee dumar ah, xanuunkaan aad ayuu u qabtaa isaga oo ka joojinaayo inay qabsadaan waxqabadyo maalimeedkooda. Xaaladaha badankood xanuunka caadada waxay tahay wax-yeelaynta xun ee ka timaadda hab-socodka dabiiciga ah ee caadada. Si kastaba ha noqotee, mar-marka qaarkood, waxuu xanuunka caadada noqon karaa natiijada ka soo baxdo xaalad caafimaad ee gaar ah.
Waxaa xanuunka caadada lagu daawayn karaa guriga. Hase-yeeshee, haddii xanuunka caadadaada u aad u xun yahay, waxaa lagaa baahan doonaa inaad u tagto Takhtarkaaga Guud (GP).

Calaamadaha

Calaamadda ugu wayn e xanuunka caadada waa murqo xanuun ku dhaca calooshaada hoose. Mar-mar, waxuu xanuunka kuu qabanayaa si xoog leh, waqtiyo kalena waxuu ahaan karaa xanuun fudud, laakin joogsi la'aan ah. Waxuu xanuunka caadada dhiigga mar-mar u faafaa dhabarkaaga iyo cajiradaada. Waxaad kale oo ogaan kartaa in xanuunka ku qabto uu ku kala duwanaado caado walbo. Ayadoo dheeraad u ah xanuunka calooshaada hoose, waxaa kale kugu dhici karo calaamado kale, sida madax xanuun, labbo-labbo, daalid, dareenka suuxdinta, war-wareerid, iyo shuban.
Waxuu caadi ahaan xanuunka caadaada bilaabanayaa markii uu dhiigga bilaabanaayo, inkasto oo ay dumarka qaarkood xittaa ay la kulmi karaan xanuun dhoowr maalin ka hor intuusan bilaaban caadada. Waxuu xanuunka caadada socon doonaa 12-24 saacadood, inkasto oo xaaladaha xun ku hayn karo dhoowr maalin. Xanuunka wuxuu badanaa ugu xun yahay markii dhiig-baxaada caadada ugu badan yahay.

Xanuunka caadada waxuu caadi ahaan ku fiicnaanayaa markii aad sii waynaato. Dumar badan waxay sidoo kale dareemaan fiicnaansho ka dib markii ay carruur dhalaan

                                                                      Sababaha

Xanuunka caadaada badanaa waa wax-yeelaynta xun ee hab-socodka dabiiciga ah caadada dhiigga jirkaaga. Waxuu xanuunka caadada dhacaa markii derbiga muruqeed ee ilmo-galeenka is-qabsado (adkaado). Inta ay jirtoo caadadaada, derbiga ilmo galenkaaga wuxuu isku qabanaaya si culus, sidii uu je-jebiyo dhiigga saaran derbiga kana dhigo caadadaada bil walba kugu dhaca.
Waxuu hab-socodkaan keeni karaa inuu jirkaaga sii daayo kiimikada keenayso xanuunka. Inta aad ku jirtid caadada dhiigga, waxuu kale uu jirkaaga soo saarayaa koox kale oo kiimiko ah, ee loo yaqaano prostaglandins. Waxuu kiimikadaan ku dhiiri-gelinaayaa murqaha ilmo galeenka inay si ka badan isku qabsadaan, iyaga oo kordhinaayo heerka xanuunka.
Waxaa jiraan labo nooc oo waa-wayn ee xanuunka caadaada. Dysmenorrhoea'da koowaad waa wax-yeelayn xun ee caadi ah ee ka timaaddo caadada. Waxaa dysmenorrhoea'da labaad sababo xaalad gaar ah. Qaar ka mid ah xaaladaha keeni karaan dysmenorrhoea-da labaad waxaa ka mid ah endometriosis (waa markii unugyada ilmo galeenka ay bilaabayaan inay ku koraan ilmo galeenka dibeddiisa), fibroids (kansarka aan xumayn ee ku dhaco ilmo galeenka) iyo cudurka bararka maskaha (waa bukasho ku dhaco xubnaha dhalidda ee gudaha). Qalabka intrauterine (oo ah qalabka looga hortago uurka ee lagu xiro ilmo galeenka gudihiisa) wuxuu xittaa mar-mar keeni karaa xanuunka caadada

                                                                            Baaritaanka Cudurka

Waxay dumar aad u badan ee la kulmaan xanuunka caadada dareemaan inuu si ku filan u fudud yahay in la baaro laguna daaweeyo guriga. Hase-yeeshee, waa inaad kala xiriirtaa Takhtarkaaga Guud (GP) waxii talosiin ah haddii caadadaada kuu keenayaan xanuun aad u daran. Inkasto badanaa xaaladaha xanuunka caadada uusan sababin xaalad gaar ah, waxuu Takhtarkaaga Guud (GP) dareemi karaa inay tahay laga maarmaan in la sameeyo baaris jireed si loo ogaado haddii ay jiraan xaalado kale ee xanuunka keeni karo.
Haddii xanuunkaaga caadada uusan wax jawaab ah ka bixinaynin daawaynta, ama haddii uu Takhtarkaaga Guud (GP) u malaynaayo inay keentay xaalad gaar ah, waxaa laguu gudbin karaa xirfadle- caadi ahaan gynaecologist (takhtarka dumarka).
Waxuu gynaecologist'igaaga samayn doonaa dhoowr baaris iyo habab-socod si loo ogaado sababta keentay xanuunkaaaga caadada.
Waxaa baaritaanada ku jiri karaan pelvic ultrasound (oo ah baaritaan dhawaaq lagu sameeyo sidii loo soo saaro muuqaalka xubnaha dhalidda ee gudaha ku jiro) ama laparoscopy (oo la gelinaayo microscope yar meel laga jeexay caloosha hoose). Waxaa kale oo uu baahan kartaa hysteroscopy (oo ah sawir qaade yar ee la marsiinaayo cawradaada lana gaarsiinaayo ilmo galeenkaaga).

                                                                                         Daawaynta

Waxaa xanuunka caadada caadi ahaan lagu daawayn karaa guriga. Inkasto oo suurto gal ah inaadan awoodin inaad iska wada joojisid xanuunka, waxaa jiraan tillaabooyin kaa caawini karo in la qafiifiyo, ama in la dhimo. Jimicsiga, in la qandiciyo calooshaada hoose, ama in la samaysto qubays qandacan, waxay kaa caawini karaan in la dhimo xanuunka. Farsamooyinka daliigidda iyo nasashada xittaa way kaa caawini karaan.
Xaaladaha xanuunka caadada badankooda, waxuu Takhtarkaaga Guud (GP) kuugu la talinayaa inaad qaadatid daawada lagu magacaabo non-steroidal anti-inflammatory drug (NSAID), sida ibuprofen. NSAID waxuu wax u qabtaa qiyaas ahaan ilaa 70% ee dumarka qabo xanuunka caadada dhiigga. Haddii uu NSAIDs wax ku tari wayo, waxaa lagu qori karaa xanuun-joojiye ka xoog badan. NSAID ma ku habbbono dadka qabo neef, kuwa qabo dhibaatooyinka caloosha (gaaska), killiyaha ama beerka, ama dumarka uurka leh, ama naas-nuujinaayo.
Waa inaan la siinin carruurta ka yar 16 sano asbiriin. Haddii aad u baahato daawada looga hortago dhalmada, waxaa laguu qori karaa kaniiniyada isku dhafan ee laga qaato afka loogana hortegaayo dhalmada. Noocaan kaniini wuxuu dheeraad ugu yahay ka hortagga uurka, inuu xittaa yarayo xanuunka caadada. Haddii xanuunkaaga caadada u keenayo xaalad gaar ah, daawayntaada waxay ku xirnaan doontaa xaaladda keentay xanuunkaaga

Kasoo-bax (Boils or Furunculosis)  

Kasoo-baxu waa finan xanuun badan oo ay ka buuxsanto malaxi. Finankaasi waxay ku samaysmaan dubka/maqaarka/haragga hoostiisa marka bakteeriya ay bukaysiiso halka ay kasoo baxaan timaha xaaddu. Waa gunta tinta.
Finanka kasoo-baxa waxay ku samaysmi karaan meel kasta oo jirka ah, waxaase inta badan lagu arkaa wajiga, luqunta, kilinkillooyinka, salalka barida iyo laabatooyinka jilbaha.

Finka kasoo-baxa wuxuu ku dhammaadaa 14 cisho qiyaastii

Calaamadaha Kasoo-baxa

Finan amase godad yaryar oo malax leh, kawaasoo:

  • Si dhaqso leh ayay u koraan, sida caadiga ah 24 saacadood gudohood
  • Waa casaan, huruud amase cirifka sare ka cad
  • Waxaa ka soo baxa dheecaan ama malax marka uu finku bururo
  • Way barartaa
  • Way diirran tahay
  • Xanuun bay leedahay



         Waxaad ku dawaynaysaa

  • Jirkaaga oo aad nadiifiso.
  • Ha daloolin finka hana tuujin. Bakteeriyadu way kusoo fidi kartaa jirka u dhow finkan, oo keeni kartaa finan kale.
  • Ku masax mara diiran oo nadiif ah dhowr jeer maalintii, kuna dawee si uu bararku uga dhaco.

        U tag dhakhtar haddii aad isku aragto:

  • In calaamaduhu sii xumaanayaan
  • Finan aad iyo aad u xanuun badan
  • Fin aan yaraanin oon baabini 14 cisho gudohood
  • Fin aad u ballaaran
  • Xummad, Qandho
  • Finan badan
  • Liidad cascas oo kasoo baxayay finanka. Taas macneheedu waxay noqon kartaa in xanuunku gaaray dhiiggaaga.


 Cambaarta Madaxa (Tinea Capitis) 
  
 Maxay tahay?

Tinea waa infakshan guud oo maqaarka ku dhaca waxaana keena fangaska.
Tinea nooca dhalada ama basada iyo jirka gala waxaana loogu yeeraa afka qalaad ringworm.
Aad uguma badna carruurta jirta da'da ka yar lab asano.

Xaggee ku dhacaa?

Tinea wuxuu ku dhacaa dhalada ama basada, wuxuuna u muuqdaa dhibcaha yaryar ah oo tima ka goéen qaarna yaraanayaan. Jirka wuxuu u ekaan karaa wareeg wuxuuna leeyahay dhex muuqata, dhinacyadana waxay ku leeyahay wareeg.
Maqaarka midabka yeeshaa wuxuu u ekaadaa beerbal ama kaffee mase guduudna. Lugaha, wuxuu ku dhalin karaa cuncun waana dildilaaciyaa inta u dhexaysa faraha lugaha ama guduud yar ama kaffee wuxuuna cagta lagu socdo ka sameeyaa heerar.
Marka uu qofka ku dhaco waxaa laga yaabaa in cidiyuhu noqdaan jaallo ama cadaan midab ahaan, kaas kor u qaadaya ama foocinaya dhamaadka cidida wuxuuna ku samayeeyaa qolfo gudaha.

Maxaa dhaliya?

Tinea waa infakshan uu keeno fangasku. Fangaska carruurtu waa isu gudbin karaan, khaasatan nooca ku dhaliya midka afka qalaad loogu yeero ringworm jirka ama dhalada. cayayaanka noocaan ah waxaa iyana isu gudbin kara mukulaalaha iyo eyda yaryar. Midka ku dhaliya fangaska cagaha waa ka duwan yahay.
 Kani badanaa wuxuu degan yahay meesha lagu qubaysto iyo agagaareheeda, ceelasha dabaasha. Carruurtaadu waxay ka qaadi karaan tinea waalidka ama wallaalohooda waaweyn oo qaba tinea. Kabaha sida kuwa lagu ordo/cayaaro waxay ku dhaliyaan cagaha inay diirimaad noqdaan oo dhididaan suurtana geliyaan inuu ku dhasho tinea. Cayayaanka gala cidiyaha lugaha wuxuu la socdaa midka cagta.

Sidee looga hortagaa laguna daweeyaa?

Cayayaanka (Tinea) gala dhalada waxaa lagu daweeyaa antibaayotikiska lidka fangaska taas oo dhakhtar kuu qoray. Kareemka lidka fangaska waxaa laga helli karaa farmashiyaha.
Haddii ilmahaagu qabo cayayaaanka wareegsan (ringworm), xayawaanka yaryar oo guriga aad ku haysatana waa in iska ilaalisaa.

Bukashada Caloosha (Gastroenteritis)  

Horudhac

Gastroenteritis waa bukasho si caadi ah ku dhaco mindhicirta kaasoo keeno matag iyo shuban. Waxaa keeno baktiirya, fayrusyo iyo waxyaabo kale.
Xanuunada badankoda kaligooda ayay ku fiicnaadaan maalmo gudeheeda. Haddii matagga iyo shubanka ay aad u xun yihiin, waad fuuq bixi kartaa, taaso loola jeedo inuu jirkaada ku yaraan doono biyo ku filan. Kani aad ayuu halis ugu yahay dhallaanada iyo carruurta yar.

Calaamadaha

Calaamadda ugu caansan ee gastroenteritis waa shuban iyo matag. Dad badan waxaa xittaa ku dhaco calool xanuun, xummad iyo madax xanuun.
Calaamadaha waxay caadi ahaan socon doonaan dhowr maalmood, laakin waxay socon karaan ilaa hal toddobaad.
Haddii aad qabtid shuban iyo matag xun, ama u ku haayo waqti dheer, waad biiyo beeli kartaa. Kani waxaa loola jeedaa in biyo kugu filan uu jirkaaga ku jirin.
Calaamadaha inaad biiyo la'aan tahay waxaa ka mid ah, indhaha oo wajiga hoos u gelay, afka oo qalalan iyo carabka oo duuf yeeshto, iyo waxaad kaadi kartaa qiyaas yar oo kaadi madow ah.

Sababaha

Fayrusyada waxaa si fudud loo kala gudbin karaa qof ka qof markii ay xiriir yeeshaan, ama markii uu qof cudurka qaba dad kale cunto u kariya. Mar-mar gastroenteritis waxaa keeno sunta cuntada ku jiro. Waxaa jiro noocyo badan ee bakteeriya ee cuntada sumayn karo sida kuwa lagu magacaabo E-coli iyo salmonella. Biyo oo bakterya halleeyay ayaa caadi ahaan sabab uga ah, badanaa dalalka nadaafada ka liita.

Daawaynta

Waa inaad dareere badan cabtaa, gar ahaan biyo, sidii aad uga hortagtid fuuq bax. Dad qaarkood waxay qaataan cabitaanada biyaha ku soo celiya jirka, kuwaaso aad ka heli kartid farmashiistahaaga. Isku day inaad cunto cuntid haddii aad awoodo. Dadka badankooda uma baahno daawooyinka looga hor-tago shubanka, laakin waxaad ka heli kartaa farmashiistahaaga. Carruurta ha siinin daawada loogu hor-tago shubanka.
Haddii calaamadaha ay aad u xun yihiin ama ay ficnaan waayaan, takhtarkaaga ayaa sambal ka qaadi karo shubankaaga sidii ay u ogaadaan nooca bakteeriyada iyo go'aan uga gaaraan daawaynta dheeradka ah, haddii loo baahdo.

Ka hor-tagga

Habka ugu fiican ee looga hortago in la qaado gastroenteritis waa markii la raaco hab-dhaqan nadaafad fiican leh. Mar walba gacmaha iska dhaq ka dib markii aad suuliga tagto, ka hor intiii aadan cunto taaban, ka dib markii aad beerta ka shaqeyso ama la ciyaarto xayawaanada. Shukumaanada wayn ama kuwa yar ha la qaybsanin dadka kale oo qabo gastroenteritis, si joogto ah u nadiifi suuliga ay isticmaaleen.
Waxaa fiican inaadan dugsi ama shaqo aadin markii aad qabtid gastroenteritis, waana in aad ka fogaataa ugu yaraan ilaa 48 saacadood laga bilaabo markii kugu dambaysay ee aad matagtey ama shubantey, sidii aad uga hortagto inaad dad kale cudurka ugu faafiso. Kani wuxuu gaar ahaan u fiican yahay haddii aad maqaayad ka shaqeyso.


Wadne Gariir (Atrial Fibrillation)  

Wadne gariir loo yaqaanno (Atrial Fibrillation amase A-fib amase atrial fib).
Kani waa wadne garaac aan caadi ahayn.
Garaaca wadnaha waxaa suga signallo koronto ah oo wadnuhu leeyahay.
Guntin Dalqada wadnaha ku talla ayaa u dita signallo koronto ah inta kale ee wadnaha (SA Node). Signalladaasi waa kuwa sameeya in wadnuhu isku noqdo oo kala baxo haddana si uu dhiigga usoo tuuro. Sida caadiga ah wadnuhu isaga ayaa marna kala baxa marna isku noqda si uu u habeeyo inta loo baahan yahay ee dhiigga ah ee jirka kale la gaarsiinayo. Wadne gariirku markuu yimaaddo guntinta dalqada wadnaha ku talla-ayaan bilaabin inay dirto signalka, sidaa darteed signallada ayaa kasoo bilaabma qaybaha sare midig ama bidix. Taasina waxay keentaa in wadnuhu u garaacmo si qayrul caadi ah, oo mararka qaarkood uu aad u gariiro.

       Calaamadaha wadne-gariirka (Atrial Fib)

  • Wadnaha oo si aan caadi ahayn u garaacma
  • Dareenka garaac xoog ah oo laabta gudeheeda ah, oo la yiraahdo wadne gariir
  • Hawada neefsiga oo kugu yaraata
  • In aad si fudud ugu daasho dhaqdhaqaaqa
  • Inaad dareento itaal darro, diidmo (wareer), iyo madax wareeg.


      Daawayntaada
Dhakhtarkaagu wuxuu eegi doonaa garaaca wadnahaaga oo ku dhegeysan doonaa qalab baaritaan. Dhakhatrkaagu wuxuu kuu diri karaa mid ka mid ah baaritaanadan:

  • Electrocardiogram (ECG or EKG)-in la duubo garaaca dhaqdhaqaaq korontada ee wadnahaaga
  • Fiirsashada Holter-in la duubo heerka garaaca wadnahaaga ee 24-48 saacadood
  • Baaritaanno kale oo xanuunka wadnaha la xiriira

         Dawadaada waxaa ka mid noqon kara:

  • Dawooyin kaa caawiya inay xukumaan garaaca wadnahaaga oo heer caadi ah ka dhigaan. Waxaa laga yaabaa inaad u baahato khafiifiye dhiig la yiraahdo anticoagulant oo ka hor taga in dhiiggaaga ay ku samaysmaan guntimo ama xinjiro.
  • Wadne artafiishal ah haddii aanay dawo ku caawin karin. Waa mishiin yar oo leh layr diciif ah oo lagu dhejiyo jirka hoostiisa si uu wadnaha uga caawiyo in uu garaaciisu noqdo caadi. Dawooyin lagugu suuxiyo ayaa lagu siin doonaa ka hor intaan lagu gelin mishiinkan.

Dadka wadna xanuunkan lihi waxay halis xogleh ugu jiraan inuu faalig ku dhaco ama dibaatooyin halis ah oo wadnaha ah haddii aan si fiican loo baarin oo aan loola socon xaalkooda. Waa muhiim in dhakhtar uu arrinkaaga mar kasta la socdaa.


Daryeelka Kabka (Cast Care)  

Kabku wuxuu lafta dhaawacantay ka ilaaliyaa dhaqaaqidda sidaas awgeedna xanuunka ayuu ka yareeyaa laftuna si wanaagsan ayey u bogsataa. Marka kab la saaro meel, wax sida iskaalshada oo kale ah ayaa la saaraa lugtii ama gacantii kaa dhaawacantay.
Ka dibna suuf jilicsan ayaa lagu duubaa maqaarka si luu cufo. Maro adag ama nuuradda kabka ayaa ka dibna la saaraa. Waxay billaabaysaa in meeshu diirranaan dareento. Way adkaanaysaa waxayna ku sameysmeysaa 5-10 daqiiqadood. Shaqaaluhu waxay kuu sheegi doonaan goorta iyo sida aad lugtaada ugu socon karaysid ama gacantaada aad kabka ugu isticmaali doontid.

        Daryeelkaaga

        Qubeysiga

  • Ka fogow in aad kabka qoyso. Suufka kabka ku hoos jira aad ayey u adkaanaysaa inuu engego. Haddii uu qoyana, wuxuu dhibaatooyin u keeni karayaa maqaarka.
  • Markaad qubeysaneysid, kabka biyaha ka fogee. Bac dul saar kabka si uu u engegnaado. Bacda afka ku wareegsan gacantaada ama lugtaada kaga xir sharooto si aad uga yeeshid mid u engegan sida ugu suuragalsan.
  • Haddii kabkaagu qoyo, isticmaal timo engejiyaha oo ku hagaagsan meesha hoose si aad u engejiso kabka. Engejiyaha hal meel waqti dheer ha ku haynin ama haddii kale maqaarka ayuu kaa gubi doonaa. waxaa laga yaabaa iney qaadato ilaa 2 saacadood iney ku engegto.

         Dhaq-dhaqaaqa ama Hawlaha

  • Kabkaaga ha saarin meel adag in ka badan 30 daqiiqadood. Cadaadiska maqaarkaaga saaran ee kabka ka hooseeya wuxuu maqaarkaaga u keeni karaa inuu kala googo'.
  • Kor ugu qaad lugtaada ama gacantaada dhaawacan meel ka sarraysa dhererka wadnahaaga sida ugu badan ee suuragalka ah. Tani waxay gacan ka geysan doontaa iney yarayso bararka iyo xanuunka dhowrka maalmood ee ugu horreeya.
  • Jimci suulashaada ama farahaaga. Taasi waxay gacan ka geysanaysaa wareegga, bogsashada waxayna caawinaysaa xaddididda bararka.


               Daryeelka Maqaarka

  • Meelaha kabka ka hooseeya ha ku xoqin waxyaabo fiiqan. Taasi maqaarka ayey dhaawici kartaa.
  • Waxaad kabka hoostiisa ku rusheyn kartaa waxyar oo boolbaraha carruurta ah, budada galleyda, ama boodhar. Ha isticmaalin waxyaabahaan haddii aad leedahay xaad ama maqaarkaaga meel kabka ka hooseysa laga tolay.
  • Isticmaal sharaabad weyn ama suul gelis si uu suulka ama gacanta kuugu diiriyo.
  • Isticmaal ciddiyo xoqe si aad u xoqdo wixii meelo aan sinneyn ah ee kabka.
  • Isticmaal marwaxad ama timo engejiye maalin walba, ku aaddi qabow, si aad kabkaaga u yeesho mid engegan aadna cun-cunka u yarayso.

        Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad isku aragto:

  • Kabuubyo, xat-xato, suul ama faro qabow ama buluug ah
  • Xanuun xad dhaaf ah
  • Barar kabka ka dhigaya mid soo buuxsamay oo giigsan
  • Kab dabacsan ama haddii uu dhinac u durko, waxyeello gaarto, kala jabo, ama wixii kale oo dhibaatooyin ah ee ku yimaada kabka

         Iska Saaridda Kabka

Kabka waxaa lagaaga saari doonaa miinshaar gaar ah. Waxaad dareemi doontaa oo keliya waxoogaa dubaaxin ah iyo cadaadis kaaga imaanaya dhaqaaqa miinshaarta. Ha isku dayin in aad naftaadu kabka iska saarto.
Lugtaada ama gacanta dhaawacantay waxay u ekaan doonaan kuwo yar marka kabka lagaa saaro. Maqaakaagu wuxuu sidoo kale noqon doonaa mid engegan oo qolof leh. Isticmaal kareem ama saliidda qubeyska si aad u jilciso maqaarka meeshana uga saarto maqaarka dhintay. Shaqaaluhu waxay kuu sheegi doonaan hawlaha aad sameyn kartid si aad u adkayso murqahaaga.

Jabtida iyo Daweynteeda (Gonorrhoea)  

Jabtidu waa infekshan bakteeriya dhaliso. Waa lagu kala qaadaa galmada (isutaga), waxayna ku dhacdaa xubnaha hoose iyo luqunta.


Calaamadaha iyo astaamaha.

Astaamaha xanuunku waxay soo baxaan inta u dhaxaysa 1 ilaa 14 cisho, kadib markii uu infekshanka qaaday. Waxa suurogal ah in jabti kugu dhacday oo aaney lahayn wax astaan ah. Raga ayaa inta badan ay astaamo ka muuqdaan

Dumarka: Astaamaha jabtidu waxa kamida:

Caadada dumarka iyo wixii lamida oo isbedela, waxa laga yaabaa in midab huruudi ama doogo ah yeesho, oo ur culisi la socoto.

Xanuun marka la kaajayo.

Cuncun ama wax ka yimaada dabada.

Raga: Astaamaha waxa kamida:

Dheecaan huruudi ama cadaana oo raga kayimaada.
Cuncun ama wax ka yimaada dabada
Barar ku dhaca midhicirka, iyo kaadi mareenka.
Sidee Jabtida loo kala qaadaa

Galmo (isutag)

Taabasho xubnaha qaba jabtida (sida cawrada).
Tijaabada (baarista) jabtida
Baarisbaa dhakhtar ama kalkaaliye ku samaynaysaa xubnaha cawrada.
Iyadoo isticmaalaya cudbi ayey muunad ka qaadayaan meelaha uu xanuunku ku dhacay.
Dumarka waxa laga qaadaa baaris.
Muunad kaadi ah baa la qaadi karaa.
Baarista ama muunada la qaadayo ma leh wax xanuuna, laakiin waxa laga yaabaa inaad diiqad yar dareento.
Waa inaad la xidhiirtaa dhakhtarkaaga sida ugu dhakhsaha badan hadii aad u malaynayso inaad jabti kugu dhacday.

Daweenta

Baarista iyo muunada la qaaday waxa lagu eegaa diirada ‘microscope' hadii uu jiro infekshanka jabtida. Xarumaha qaarkood jawaabta markiiba waa lagu siinayaa. Muunad kale waxa loo diraa laabka waxa ay inta badan qaadataa ilaa laba wiig. Daweentu waa muhiim, waana sahlantahay. Waxa lagu siinayaa antibiotics ah kiniin, sharoobo ama irbada.
Hadii aad xasaasiyad leedahay diid kiniinka antibiotics-ka, ama aad uur leedahay waa inaad dhakhtarkaaga u sheegt. Waxa muhiim ah inaad muddada dawada laguu qoray dhamayso (qaadashadeeda).
Hadii laguu sheegay inaad jabti qabtid, waxa laguu gudbin karaa lataliye caafimaad si uu kuusiiyo wixii talo ah. Lataliyehu waxa uu ku waydiinayaa inaad leedahay lamaane (nin ama xaas) si iyagana loo baaro inay xanuunka qabaan.
Waa inaad galmo samayn inta si fiican laguu daweenayo, laguuna sheegayo in xanuunkii kaa dhamaadey. Dhakhtarkaaga ayaa kuu sheegaya marka arintanu suurogal tahay.


Dabagal

Marka aad dhamaysato dawadaada waa inaad xarunta caafimaadka ku noqotaa wixii baaris ah ama dhakhtarkaaga.
Xanuunada jabtida qaar waxay adkaysi u leyihiin antibiotics-ka, khusuusan hadii aad debeda kasoo qaaday. Baaris dheeraad ah baa loo baahanayaa si loo hubiyo in xanuun baaba'ay. Hadii aaney baabi'in antibiotics kale ayaa loo baahanayaa.

Dumarka

Hadii aan la daweyn jabtidu waxay isu bedeli kartaa xanuunka ‘pelvic inflammatory disease (PID). Waxa xanuunka gaaraa dhabarka caloosha inta ka hooseesa xundhurta. PID waxay ka dhigi kartaa dumarka madhalays, ama ilmaha oo ka qoolma.
Hadii aad jabti leedahay oo aad ilme dhasho waxa aad waad qaadsiin kartaa. Waxaanu ilmuhu dhalan karaa isagoo indhaha ka xanuusanaya. Tan waa in la daweeyaa, hadii kale waxay sababi kartaa indha la'aan. Laakiin waxa fiican inta aanu dhalan in lagu daweeyo

Raga

Jabtidu waxay sababi kartaa mindhicarka iyo qaybta hoose oo bararta, taas oo keeni karta xanuun. Hadii aan la daween xanuuno kale oo tuubabka oo barara ayaa ka dhalan kara.
Marka jabtida lagaa daweeyo, masoo noqoto hadii aaney infekshankii dib kuugu dhacin.

Infakshanka Salmonella (Salmonellosis)  

Salmonellosis waa nooc ka mid ah Gastroenteritis waxaana keena jeermiska Salmonella.
Salmonella wuxuu wax yeelli karaa qofkasta, wuxuuse ku badan yahay carruurta ka yar 5ta sano iyo dadka dhallinyarada. Astaamuhu badanaa aad bay u daran yihiin xagga dadka waaweyn iyo kuwa dhibaatada caafimaad qaba.


Waa maxay Astaamaha Salmonellosis?

Astaamaha ugu badan ee salmonellosis waa shuban ( kaas oo ka koobnaan kara dhiig iyo axal) qandho, calool majiir, yaqyaqsi, hunqaaco iyo madax xanuun.
Marka bakteeriyada afka laga qaato badanaa waxay qaadataa 12 saac ilaa 36 saac intaan qofka jiradu qaban.
Xanuuunku wuxuu dhamaadaa maalmo yar laakiin bakteeriyada salmonella waxay saxarada ku sii jiri kartaa asbuucyo ama ka badan.

Xaggee Salmonella laga hellaa?

Bakteeriyada Salmonella waxaa laga hellaa beni'aadamka, beeraha iyo xayawaanka la korsado iyo shimbiraha khaasatan digaaga.

Sidee Salmonella ku fidaa?

Bakteeriyada Salmonella badanaa afka ayaa laga qaataa waxayna u dhacdaa sida soo socota:
Karin aan Fiicanayn
Bakteeriyada salmonella badanaa waxaa laga hellaa hilibka aan la karin, khaasatan kan digaaga. Marka hilibka ceeriin loo diyaariyo cunid si fiicana aan loo karin, bakteeriyadu waa badbaadi kartaa waxayna wax yeelli kartaa dadka cunay.
Ukuntu mararka qaarkood waa waskhoobi kartaa waxaana ku dhici kara Bakteeriyada salmonella.

Gudbida wasakhada ama jirada

Gudbida wasakhada waxa weeye marka bakteeriyadu ka gudubto meel ay ku jirtey oo u gudubto meel kale ama wax kale.
Salmonella waxay fidi kartaa marka cuno aan la karin ay wasakhayso cuno diyaar u ah in la cuno.
Cunada ceeriin waxaa fiican in had iyo jeeraale loo arko inay wasakh wadato laguna hayo meel ka baxsan cunada diyaarka u ah ila cuno.

Fidida Qof ilaa Qof

Haddii qof Salmonella bakteeriya qabaa aanu u dhiqin gacmihiisa si fiican markuu musqusha aado ka dib, waxaa suurta gal ah in meeshuu wasakhay-yo ay cid kale ka qaadi karto. Isla markaas waxaa dhici kartaa inuu cunto taabto taas oo qofkii cunaa qaadi doono.
Waxaa qaadi kara wasakhdii bakteeriyada gacan marka qof bedelo naabiga ilmo qaba jiradii.
Saxarada dadka iyo xayawaankaba waxaa ku jiri kara salmonella iyagoo aan yeelan wax astaan ah isla markaasna ku fidinaya jiradii kuwa kale.
Bisada, eyga , xayawaanka beeraha iyo biyaha cabida oo wasakhaysan ayaa fidin kara Bakteeriyada salmonella.
Haddii aan Salmonellosis qabo maxaan samaynayaa?
haddii aad qabto astaamaha Salmonellosis dhaqso dhakhtar ugu tag.

Weli ma Shaqayn Karaa?

Dadka cunada ka shaqeya, dadka ka shaqay-ya xarumaha dhallaanka ee qaba infakshanka salmonellosis waa inay-yan shaqada imaan inta astaamuhu jiraan.
Carruurtu waa inay-yan xarumaha dhallaanka ama dugsiga tegin inta astaamuhu jiraan.

Sidee u Joojin Karaa inay-yan Qoyska ku fidin?

Waa muhiim in dadka qaba infakshanka salmonellosis ama Gastroenteritis inay-yan diyaarin cuno ama qaban cuno ay cunayaan dad kale waa in aanu qof kale la qaybsan shukumaanka ama waji tiraha.

Sidee la isaga ilaalin karaa Infakshanka Salmonella?

Gacma dhiqid Taxadarn

Qof weliba waa inuu ku dhaqaa saabuun iyo biyo kulul gacmahiisa ugu yaraan 10 ilmiriqsi:

  • intaadan cuna diyaarin ka hor;
  • inta u dhexaysa qabashada cuno karsan iyo diyaar u ahi n la cuno;
  • intaadan wax cunin;
  • markaad musqusha ka soo baxdo kadib, ama bedesho naabiga;
  • markaad sigaarka cabto ka dib;
  • markaad isticmaasho fasaleeti ka dib;
  • markaad jardiinada ka shaqayso ka dib;
  • markaad la cayaarto ey ama bisad.

Dadka cunada ka shaqay-yaa waa inay isticmaalaan faratirtirayaal laga maarmo ama mishiinka faraha qalajiya.

Qabashada Cunada iyo Meelaynteeda

  • Ha ku qaban cunada karsan malgacado, mindiyo, fargeetooyin iyo mindida weyn ee wax lagu jaro kuwaas oo loo isticmaalay cuno ceeriina, haddii aan si fiican loo dhaqin inta u dhexaysa.
  • Nadiifi qalabka iyo meelaha wax la dhigo ee jikada.
  • Cunada barafka kaga rid faranjeerka qaybtiisa hoose ama mikro wayfka.
  • Si fiican u kari cunada ceeriin oo dhan.
  • Geli firanjeerka cuntada la kariyey saacad ka dib.
  • Cunada ceeriin iyo cunada karsan kala ilaali inay is gaaraan si aan jiradu ugu kala gudbin.
  • Ku hay 5 degree ama 60 degree ka kor si aanay bakteeriyadu u korin.
  • Si fiican u dhaq khudaarta intaadan cunin.
  • Dib u kululee cunada gaarsiina cunada dhexdeeda ilaa 60 degree.
  • Ka ilaali cuna xasharaadka, xasharaadka afka qalaad lagu yiraahdo rodents iyo xayawaanada kale.

       Xusuusinta kuwa Isticmaala Mikrowayfka

Markaad isticmaalayso mikrowayfka, si taxadarn u akhri awaamiirta shirkada samaysay lana soco waqtiga cunadu si fiican u karsimi karto intaadan cunin.

Nadiifinta Guriga

musqusha qubeyska iyo tan saxarada waa in had iyo jeeraale la nadiifiyaa si looga hortago fidida bakteeriyada. Aad uga taxadar meesha la fariisto, la qabsado tuubooyinka iyo miiska lagu bedelo naabiga.

Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer)  

Cudurka Alzheimer waa nooca ugu badan ee caqli suulidda. Caqli suuliddu waxay dhacdaa iyada oo ka dhalata isbeddellada ku yimaada maskaxda ee saameeya awoodda qofku in uu ku fekero oo wax xusuusto. Waxay noqon kartaa mid aad u daran oo saameysa hawlo maalmeedka.
Cudurka Alzheimer maahan qayb caadi ah ee gabow. Qofna ma yaqaanno waxa sababa Cudurka Alzheimer, laakiin cilmi baaris fara badan ayaa la sameeyey. Waxaa laga yaabaa in aad halis badan ugu jirto in uu kugu dhaco cudurkan haddii uu jiray xubin qoyskaaga ka mid ah oo cudurka qabay.

Calaamadaha

Calaamaduhu waxay u billowdaan si tartiib-tartiib ah wayna kala duwanaan doonaan ama way ka sii dari doonaan. Qofna ma xakamayn karo calaamadaha. Daaweyntu way caawin kartaa, laakiin ma bogsiiso cudurka.

        Calaamadaha waxaa ku jiri kara:

  • Xusuus waayid, gaar ahaanna ku saabsan dhacdooyinkii dhawaa
  • Jahwareer ku saabsan waqtiga iyo goobta
  • Kala garasho liidata
  • Dhibaato dhinaca barashada macluumaad cusub
  • Isbeddello ku yimaada awoodda in la sameeyo waxyaabaha sida baabuur wadidda, lacag isticmaalidda, daawo qaadashada, cunto karinta, lebbisashada, iyo qubeyska

        Daryeelkaaga

       Ma jiro baaritaan la isaga sameynayo Cudurka Alzheimer. Takhtarku wuxu:

  • Isticmaali doonaa baarid si uu u kala sooco sababaha kale ee xusuus waayidda iyo jahawareerka
  • Eegi doonaa qaabka xusuus waayidda iyo wacyi gelinta qofka ee isbeddelka
  • La imaan doonaa taxane daawooyin iyo macluumaad uu kala yimid qoyska
  • Sameyn doonaa imtixaan jir ahaaneed
  • Hubin doonaa xaaladda maskaxeed ee qofka asagoo weydiinaya su'aalo xusuus iyo kuwo fekerba

Ma jirto daawo loogu talogalay Cudurka Dhimir Beelidda (Alzheimer), mana tago. Daawooyinku waxaa laga yaabaa iney caawino ka geystaan calaamado xoogaa ama dib u dhigaan horukaca cudurka. Daawooyinka kale waxay daaweyn karaa dhibaatooyinka hurdada, diiqada, ama niyadkaca.
Jir dhis, nafaqo wanaagsan, iyo hawlaha bulshada ayaa sidoo kale muhiim ah.
                                             Diyaariye maxamed hasan huseen Digaalseyshan

Dhabar Xanuun (Back Pain)  

Cagaarshowga B (Hepatitis B)  

Waa Maxay Cagaarshowga B maxaase Keena?

Cagaarshwgu waa erey xaga caafimaadka loo yaqaano beerka bararsan ee jiran. Hal nooc oo ka mida cagarshowga B waxaa keena jeermiska cudurka dhaliya ee loo yaqaan (virus).
Jeermiska cudurkani dhaliyaa wuxuu dhex galaa jirkaaga kuna keenaa xanuun beerkaaga.
Mararka qaarkood dhibaato ayuu cudurkani u keenaa beerkaaga iyo isaga oo ku yeelan kara caafimaadkaaga saameyn xanuun oo qoto dheer.
Dadka qaarkood ma ogaan karaan inuu hayo cudurku, ama waxay ku qaldaan inuu hayo lafo-garaac. Si kastaba ha ahaatee, dad ayaa dareemi kara jiro aad u daran lagana yaabaa iney u baahdaan in lagu daaweeyo cisbitaalka.

Sidee Ayuu Caam u Yahay Cagaarshowga B?

Waxaa lagu cabirey ilaa 350 milyan oo ka mida dadka dunida ku nool uu hayo cudur qoto dheer oo ay ka qaadeen jeermiska dhaliya
cudurka cagaarshowga B. Qeybo dunida ka mida ayuu aad caam ugu yahay, sida wadamo badan oo Afrikaan ah, Koonfurta Bari ee Aasiya, Bariga Dhexe iyo Bariga Fog iyo Koonfurta iyo Bariga Yurub.

Ma Halis baa?

Haa wuu noqon kara, Hal ka mid ah tobankii qof ee qaangaara ee qaada cagaarshowga B awoodi kari maayo inuu ka bogsado jeermiska
dhaliya cudurka. Xaga dhalaanka yar yar wuxuu noqon kartaa in ka badan tobankiiba sideed. Dadkani qaangaarka ah iyo dhalaankaba
waxaa loo yaqaanaa "sidayaasha" Sidayaasha waxa la moodi karaa iney caafimaad qabaan, Laakiin qaar ka mida ayuu mustaqbalka uu ku
soo bixi doonaa beer xanuun halis ah. Waxaa kale oo aad u fudud iney qabadsiiyaan cagaarshowga B dadka kale madaama uu cudurku hayo iyaga.

Sidee Ayaad u Qaadi Kareysaa Cagaarshowga B?

Ayadoo si toos ah loo taabto dhiig ama dareere ka yimid jirka qof qaba. Waxyaabaha ugu muhiimsani waa kuwan:
1- In lala galmoodo qof uu jirkiisa ku jiro cudur dhaliyaha cagaarshowga B.
2- In lagu dhasho oo ay hooyadu qabtey oo uu ku jirey jirkeeda jeermiska cudurka dhaliyaa.
3- Iyadoo la wadaago qalabka la isku mudo
4- Iyadoo lagugu shubo dhiig qaba cudurka, ama lagugu daaweeyo qalab aan si fiican loo nadiifin
5- In la taabto dhiig yar oo ka soo yaacaya meel dhaawacan, jeexan qof qaba cudurka
6- Alaabta guriga oo la wadaago sida cadeyga ama gar-xiirta
Inkasta oo uu u faafo sida jeermiska aydhiska oo kale, ka cagaarshoga B ayaa 100 jeer ka is qabadsiin fudud. Tani macheheedu waa dadka ku wada nool guri hadii mid ka mid ahi uu qabo cagaarshowga B Laga yaabaa in inta kalena ay qaadaan.

Maxay yihiin Calaamadihiisu?

Dadka qaar ma muujiyaan wax calaamad ah habayaraatee.
Calaamadaha kale ee lagu garan karo waxaa raaca:
1- xanuun yar oo sida lafo-garaaca ah oo mudo gaaban ku eg
2- iyadoo la dareemo xanuun iyo daal
3- matag iyo shuban
4- miisaankaaga oo is dhimo
5- is xoqid badan
6- jooniska (indhaho caseeye)
7- midabka saxarada oo khafiif noqota iyo kaadida oo madoobaata.

Baaritaanka Cagaarshowga B

Hadii lagaa baaraayo cagaarshowga B, dhiig tijaabo ah ayaa lagaa qaadaa oo la soo baaraa. Baaristu waxay sheegi doontaa hadii aad:
1- inuu ku hayo hada cagaarshowga B
2- Inuu hore kuu hayey cagaarshowga B ama aad si buuxda uga bogsatey (iyo in aanad dib u qaadi doonin mar labaad)

Maxaa la isku baaraa?

1- Hadii aad tahay side waad qaadi kartaa talaabo aad kaga hor tageysid si aanad u qabadsiin dadka kale.
2- Hadii aad tahay xaamilo tahayna side cagaarshowga B, ilmahaaga waa laga badbaadin karaa iyadoo la talaalayo isla marka uu dhasho
3- Ka warqabida inaad qabto cagarshowga B micneheedu waa inaad heli karto daawo kasta ood u baahan tahay.

Ma suurto gal baa in daawo la helo?

Dad badan ayaa ka bogsada iyadoo aan laga daaweynin cagaarshowga B. Si kastaba ha ahaate, dadka qaar waxay noqdaan ‘sidayaal'
jeermiska cudurka dhaliya. Dadkani oo kale waxay u baahan yihiin daaweyn dheeraad ah ka dib marka laga helo. Waxaa loo diri doonaa
dhakhtar ku takhasusey si uu u helo in wali loo baahan yahay in la daaweeyo. Inkasta oo aan cagaarshowga B aan la daweyn Karin qaar
ka mida ah daawooyinku waxay caawin karaan iney yareeyaan dhibta mustaqbalka gaari karta beerka.


Talaal ma jiraa?
Haa, talaalku waa sida ugu haboon ee lagaga badbaadi karo inuu kugu dhaco cagaarshowgu B. Qof walba oo u maleeya inuu halis u saran yahay qaaditaanka cagaarshowga B waa uu is talaali karaa.
Waxaa ka mid noqon kara seyga, haweeneyda, laba isku galmootey iyo dhalaan hada dhashey oo ay dhaleen dad qabey ama ah sidayaasha cagaarshowga B.
Talaalka cagaarshowga B wuxuu ka kooban yahay sadex cirbadood waxaana waajib ah inaad wada qaadato si aad uga badbaado cudur
dhaliyaha mudo dheer.

Halka aad gargaar ka heli karto?

Hadii aad u maleysid inuu ku hayo cagaarshowga B la xiriir dhakhtarkaaga ama isbitaalka aad.
 Dhibaatooyinka Wax Liqidda  
Ku dhibaatowga wax liqidda waxaa loo yaqaannaa disfagiya (dysphagia).
Wuxuu saameyn karaa cunidda, cabbidda, iyo dawo qaadashada.
Dhibaatooyinka wax liqiddu waxay keeni kartaa nafaqo xumo.
Calaamadaha Dhibaatooyinka Wax Liqidda

  • Qufucid, mergasho ama sixasho oo yimaada marka wax la cunayo ama la cabbayo
  • Dareemidda in cunto ay ku dheggan tahay hunguriga ama afka
  • Dhareerid
  • Qufac liita ama cod liita lahaansho
  • Dhibaato ku qabidda liqidda ama xanuun dhinaca wax liqidda ah
  • Ka cararka qaar ka mid ah ama dhammaan cunnooyinka ama cabitaannada

      Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa sababi kara:

  • Miyir beelid
  • Kansarka madaxa iyo qoorta
  • Dhaawacyada hunguriga soo gaara
  • Dhaawac madaxa soo gaara
  • Cillad maskaxda ah
  • Shucaac
  • Dawooyinka qaarkood
  • Dalool hunguriga gala (tracheostomy)


        Daryeelkaaga

Haddii takhtarkaagu uu ka shakiyo dhibaatooyin wax liqid, Takhtarka Luqadda Hadalka, ee loo yaqaanno SLP, ayaa laga yaabaa in uu u baahdo inuu hubiyo wax liqiddaada.
SLP waxaa loo tababaray inuu bukaannada ka caawiyo dhibaatooyinka wax liqidda.
Dhibaatooyinka wax liqidda waxaa loo hubiyaa labo siyaabood:

  • Hubinta liqidda: SLP ayaa ku daawanaya adiga oo cunto cunaya oo cabitaanna cabbaya kuwaasoo culeys ama khafiif ahaan kara. Haddii dhibaatooyin wax liqid la arko, baaritaanno badan ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
  • Liqidda barium wax laga beddelay: Baaritaankaan waxaa loo sameeyaa in lagu hubiyo sida aad wax liqeysid. Sawirro raajo ayaa laga qaadayaa cunnooyinka iyo cabitaannada oo ku soconaya afkaaga ilaa iyo hunguriga.

Iyada oo ku saleysan natiijooyinka baaritaannada, ayaa daryeelkaaga laga yaabaa iney ku jiraan:

  • In aad cunnooyin ama cabitaanno gaar ah aad qaadato
  • In aad madaxaaga u hayso si gaar ah marka aad wax cuneyso iyo markaad cabbayso
  • Sameynta jimicsi si aad wax liqidda uga yeesho mid kuu fudud oo kuu nabdoon.


       Dhego Beelid (Hearing Loss)  

Dhego beeliddu waa hoos u dhac lama filaan ah ama tartiib-tartiib ugu yimaada wax maqlidda.
Waxaa jira noocyo kala duwan oo dhego beelid ah:

  • Dhego Beelid uu Dhego Xiran keenay

     Dhawaqa ayaa xannibma. Tan waxaa badanaa keena dhukay meesha ku urura.

  • Dhego Beelid Dareen Xididdo

     Dhibaatada dareemayaasha oo celisa maqal habboon. Tan waxaa badanaa keena gabowga.

  • Isku Dhaf

Dhego beelidda hababka dhego xiranka iyo dareenka xididdada la wada saameeyey.

        Sababaha

  • Gabow
  • Dhawaq dheer la kulanka
  • Xannibaad
  • Jeermis dhegta ku dhaca
  • Daawooyinka qaarkood
  • Dhaawac madaxa iyo dhegaha ku dhaca
  • Jirrooyinka qaarkood
  • In dhibaato dhego lagu dhasho
  • Xubno qoyska ka tirsan oo dhego la'aa


         Calaamadaha

  • Dhawaaqyada ayaa cidhiidhi gala.
  • Dhawaaqyo aad u sarreeya ayey adkaataa in la maqlo.
  • Way adag tahay in ereyada la fahmo marka uu dhawaaq xagga danbe ah jiro.
  • Waxaad dadka kale weydiinaysaa in ay ku soo celiyaan, ama si gaabisa u hadlaan, oo kala cad ama qaylo ah.
  • Waxaad u hadlaysaa si qaylo dheer dadka kale.
  • Waxaad ka fogaanaysaa wada sheekeysiga ama munaasabadaha bulshada.
  • Waxaad kor u qaadaysaa codka TV-ga ama raadiyaha.
  • Waad caajisaysaa, waxaadna dhegaha ka dhex maqlaysaa garaac jaras ama telefoon oo kale.


       Daryeelkaaga

Baaritaanno ayaa lagugu sameyn doonaa si loo ogaado sababta dhego beelidda waxaana la cabbiri doonaa sida aad wax u maqli karaysid. Takhtarkaagu wuxuu hubin doonaa gudaha, dibedda iyo dhexda dhegtaada.
Iyadoo ku xiran sababta dhego beelidda, ayaa laga yaabaa in daaweyntaada ay ka mid noqoto:

  • In lagaa saaro dhukayga
  • Daawooyin
  • Caawiye maqal
  • Qalabka wax lagu dhegeysto sida headphones ama ileys biligleynaya ama gariiriyeyaal loogu talogalay jarasyada albaabka ama telefoonnada
  • Qalliin
  • Daaweyn si lagaaga caawiyo hadalka iyo maqalka


        Ka hortagidda Dhego Beelidda

  • Dhegahaaga ka ilaali buuqa sarreeya. Xiro dhego gashi marka aad ka shaqaynayso makiinado ama dhawaaqyo dheer.
  • Ka fogow dhawaaqyada dheer sida muusikada, mootooyinka ama baabuurta.
  • Iska baar maqalkaaga.

         Xubno Xanuun (Arthritis)  

Xubno xanuunku wuxuu dhacaa marka laabatooyinka jidhkaagu ay bararaan ama carjawda laabatooyinku ay baaba'an.
Carjawdu waa wax sida barkin oo kale ah ee ku jira laabatooyinka ee ka ilaaliya cadaadiska dhaq-dhaqaaqana ka dhiga mid fudud. Marka ay xajiyadu ruugagga qaarkood ka baaba'aan, lafahaaga ayaa is xoqaya oo kuu keenaya xanuun, barar, iyo tig-tignaan.
Xubno xanuunka badankiisu waa mid bararka ruugagga (osteoarthritis). Tan waxay ka timaaddaa laabatooyinka oo dhammaada marka waqti dheer la isticmaalo. Tani waxay badanaa ka dhacdaa jilbaha, sinaha iyo gacmaha.
Laabatooyinku waxay billaabaan iney xanuunaan ayna dhumuc weynaadaan. Mararka qaarkood nudaha ku hareereysan laabatooyinka ayaa kala jiidma oo xanuun badan keena.
Waxaa jira noocyo kale oo xubno xanuun ah oo ku dhaca da'da yar. Kuwaan waxay badanaa u baahan yihiin baaritaanno iyo daaweyno gaar ah.
Arrimaha Halista u leh

  • Gaboobid
  • Dhaawac laabatooyinka gaara
  • Isticmaal xad dhaaf ah ee laabatooyinka Calaamadaha
  • Laabatooyin xanuun
  • Laabatooyinka oo aan xasillooneyn ama waxaad dareemeysaa inayna ku taageeri doonin
  • Laabatooyinka oo ballaarta ama barara
  • Tig-tignaan, badanaa subixii dhacda
  • Isticmaalka laabatooyinkaoo xaddidan
  • Diirranaan laabatooyinka dhinacyadooda ah
  • Guduudnaanta maqaarka ruugagga ku hareereysan

   Baaritaannada

Takhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa caafimaadkaaga wuxuuna eegi doonaa laabatooyinkaaga. Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu kugu amro baaritaan dhiig, raajo ama dheecaan yar ka qaado meelaha ku hareereysan laabatada ku xanuuneysa.

Daaweynta

Daaweynada riixu waxay ku xiran yihiin:

  • Sababta
  • Laabatadee ku xanuunaysa
  • Inta uu xanuunku le egyahay
  • Sida xubno xanuunku uu u saameynayo hawlo maalmeedkaaga
  • Da'daada
  • Shaqadaada ama hawshaada Iyadoo qayb ka ah daaweyntaada, ayaa laga yaabaa in aad u baahato in:
  • Aad jir dhis sameyso si aad u hagaajiso dhaq-dhaqaaqa iyo awooda laabatooyinka.
  • Aad isticmaasho daaweyno kulul ama qabow si aad u koontaroosho xanuunka iyo bararka.
  • Aad ka fogaato meelaha ama dhaq-dhaqaaqa cadaadis dheeraad ah saaraya laabatada ku xanuunaysa.
  • Aad ka fogaato hal u fadhinta waqti aad u dheer.
  • Ku samee biraha la qabsado meesha lagu maydho, tubbada qubeyska iyo musqusha agteeda.

Haddii isbeddelladaan aysan ku caawin, takhtarkaagu wuxuu kuu soo jeedin karaa daawo aad ku koontaroosho xanuunka iyo bararka. Mararka qaarkood qalliin ayaa loo baahdaa.

Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:

  • Aad isku aragto laabatooyin xanuun oo aan la sharrixin oo daran.
  • Uu ruuggu aad kuu bararo.
  • Ay si lama filaan ah kuugu adkaato dhaqaajinta laabatooyinku.
  • Maqaarkaaga ku hareereysan laabatooyinku uu guduudan yahay ama kulul yahay marka la taabto.


        Gaastiriko (Gastritis)  

Gaastiriko waa lurka dhinacyada caloosha. Tani waxay u billaaban kartaa si deg deg ah ama waxay noqon kartaa dhibaato waqti dheer.

     Calaamadaha

  • Calool xanuun
  • Dibbiro iyo daaco
  • Lalabbo ama matagid

      Sababaha

  • Daawooyinka qaarkood
  • Aashitada caloosha oo badata
  • Aalkolo cabbid
  • Aad wax u cunid ama cunidda cuntooyin aad u kulul oo basbaas leh
  • Sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada


       Daryeelkaaga

Cunto beddelid iyo daawooyin ayaa laga yaabaa in looga baahdo gaastirikada.

  • Daawooyinkaaga sida lagu faray u qaado.
  • Cun oo keliya cabitaanno cad ama cuntooyin aan dhadhan lahayn sida kuwa la dubay ilaa aad ka bogsato.
  • Si tartiib-tartiib ah cuntaadii caadiga ahayd ugu soo noqo. Cun xaddiyo yar markiiba.
  • Takhtarkaaga la soco.

Si looga hortago dhibaato mustaqbalka timaadda:

  • Ka fogow cuntooyinka basbaaska leh, cunto aashito ku badan tahay sida bambeelmo, ama wixii cunto ah ee calooshaada dhibaya.
  • Ka fogow cabitaannada aalkoladu ku jirto ama kafeyiinta, sida shaaha, qaxwada iyo koollooyinka.
  • Cun qaybo yar oo cunto ah markiiba. Cuntada ha iska badin ama cuntada ha ka boodin.
  • Jooji ama yaree sigaar cabidda iyo isticmaalka tubaakada.

       Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:

  • Isku aragto matag dhiig leh ama baroon mugdi ah.
  • Ay saxaradaadu dhiig leedahay ama madowdahay.
  • Aad noqoto mid aad u liita ama war-wareeya markaad istaagto.
  • Calool xanuun xun qabto.
  • Isku aragto heerkulka ka sarreeya 101 darajo oo F ah ama 38 darajo oo C ah.
  • Isku aragto xanuun ama matagid soconaysa wax ka badan dhowr saacadood.


        Saxaro Adayg (Constipation)  

Saxaro adayg waxaa loola jeedaa saxaro aad u adag ama saxarada ayaa u adag in ay qofka timaaddo. 
Waxaa sidoo kale laga yaabaa:

  • In aad u baahato in aad iska soo riixdo
  • Aad dareento in ay saxaradu kaa soo dhammaannin
  • Aad qabtid casiraad, xanuun, dibbiro ama lalabbo

Qof kasta wuu ka duwan qofka kale, laakiin dadka badankoodu waxay saxaroodaan inta u dhexeysa 3 goor maalintii ilaa 3 goor toddobaadkii. Ilaa iyo inta saxaradu ay jilicsan tahay ayna fududdahay in ay soo gudubto, markaas saxaradu kuma adka. 

     Sababaha Saxaro Adayga

  • Cunto uu ku sarreeyo dufanka iyo sonkorto ama uu ku yar yahay buunshuhu
  • Aadan cabbin cabitaanno kugu filan
  • Aad noqoto mid aan fir-fircooneyn
  • Aadan aadin musqusha marka ay saxaro ku qabato ama aad musqusha u baahan tahay
  • Daawooyinka qaarkood
  • Si siyaado ah u isticmaalidda daawooyinka caloosha jilciya

      Si aad uga hortagto saxaro adayga:

  • Cab ugu yaraan 8-10 koob oo cabitaanno maalin kasta. Cabitaanno diirran ama kulul ayaa laga yaabaa in ay kaa caawiyaan in saxaradu ay si fudud kaaga timaaddo.
  • Cun cuntooyin ay buunshuhu ku sarreeyaan sida siiriyaalka buunshaha leh, rootiyada miraha isu dhan ka sameysan, khudradda aan la karin, furutooyin cusub ama kuwo la engejiyey, naatiska iyo daangada. Buunshuhu wuxuu caawiyaa in saxaradu si fudud jidhkaaga u soo marto.
  • Waxaa laga yaabaa in aad dooneysid in aad xaddiddo farmaajooyinka, shukulaatooyinka iyo ukunta maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in ay sii xumeeyaan saxaro adayga.
  • Cab buruun ama tufaax si ay kaaga caawiyaan saxaro jilcan.
  • Jir dhis samee si uu kaaga caawiyo in saxaradu si fudud kaaga timaaddo. Socod si fiican ayuu wax uga shaqeeyaa.
  • Musqusha aad marka ay saxaro ku qabato si ay kuu dhaafto.
  • Takhtarkaaga kala hadal ka hor inta aadan isticmaalin wax daawooyin caloosha jilciya oo miiska laga soo iibsado ama enemas. Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu kuu soo jeediyo saxaro jilciye ama calool jilciye badan. Haddii aadan ka helin natiijooyinkii aad dooneysay, takhtarkaaga la hadal.


           Neef ama Xiiq (Asthma)  

Neef ama asma waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab. Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato. Waxyaabaha kicin kara neeftu in ay ku qabato waxaa ka mid ah xajiinta, fayraska hergebka, daawooyin, habaaska ama boodhka, kiimikooyin, jir dhis ama niyad kac.

      Calaamadaha

  • Si ka xawaare dheereeeya caadiga u neefsasho ama dhibaato neefsashada ka timaadda
  • Xiiq ama neefsasho cod leh
  • Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta hore
  • Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo
  • Wadnaha oo xawaareynaya u garaacma
  • Cune cun-cun, xoqid u baahan ama ku xanuuna
  • Daal in aad dareento
  • Haddii takhtarkaagu oo kugu amray in aad raacdo mitirka lagu cabiro neefta, in aad isku aragto akhrinta mitirka meesha ugu sarreysa oo hoos u dhacda

Waxaa laga yaabaa in aad calaamado badan oo neef ama asma aad qabto haddii aad:

  • Xajiin ama xasaasiyad qabto
  • Aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo neef qaba
  • Aad u nugushahay wasaqowga hawada
  • Aad la kulanto qiiq
  • Aad diiqo qabto

     Daryeelkaaga

Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara:

  • Qaadashada daawooyin kala duwan si:

„Ÿ Marinnada hawadu kuugu furmaan
„Ÿ Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta
„Ÿ Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada
„Ÿ Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka

  • Ogaanshada waxa sababa calaamadahaaga.
  • Baarid xajiin.
  • Isticmaalidda mitirka lagu hubiyo neefta, loogana hortago in neeftu ku qabato.
  • Cabidda koob weyn oo cabitaan ah 1-2 saacadood ee kastaba.

Tani waxay kaa caawinaysaa in xabku uu khafiifo. Xab khafiif ah way kuu fududaanaysaa in aad qufacdo oo uu kaa soo go' o wuxuuna hoos u dhigayaa bararka sanbabadaada. Cabitaannada cad ayaa ugu fiican, sida biyaha, casiirka furutada, shaaha, maraqa ama maraq cad.

  • Ka fogaanshada waxyaabaha laga sameeyo caananaha marka aad xiiq leedahay maxaa yeelay waxay ballaarin karaan xabka.



        Shuban (Diarrhea)  

Shubanka markaad qabto, marar badan ayaa saxaro ku qabanaysaa ama waxaa kaa imaanaya saxaro dareere ah oo jilicsan. Shubanku wuxuu badanaa ku dhammaadaa 2-3 maalmood.
Haddii uu sii jiro in ka badan, waxaa laga yaabaa iney calaamad u tahay dhibaato kale.
Takhtarkaaga u tag haddii shubankaagu uusan kaga soo raynin 3 maalmood ama haddii uu ka sii daro. Dhallaanka iyo carruurta, takhtarkaaga u tag haddii shubanku sii jiro in ka badan 1 maalmood.

Sababaha

  • Cudurka jeermiska leh, sida fayraska
  • Niyad kacsanaan iyo diiqo
  • Daawooyinka qaarkood sida antibiyootikada iyo isku daaweynta kiimikada
  • Saameyn liddi ah ee daaweynada qaarkood
  • Cudurrada saxarada
  • Qalliin futada la isaga sameeyo ama shucaac uur ku jirta ku dhaca

Cuntooyinka qaarkood ee sababi kara ama shubanka uga sii dara:

  • Cuntooyinka buunshuhu ku sarreeyo
  • Cuntooyinka bas-baaska, dufanka leh ama la shiilay
  • Cunto aad u kulul ama aad u qabow
  • Caano ama waxyaabaha caanaha laga sameeyo
  • Aalkolada
  • Cabitaannada ama cuntooyinka kafeyiinka leh sida qaxwada, shaaha, coollooyinka ama shukulaatada
  • Nafaqooyinka dheeraadka sida Ensure ama Boost. Haddii aad isticmaasho nafaqo kordhiye aadna isku aragto shuban, la hadal kalkaalisada, cunto qoraha ama takhtarka.


    Qandho ama Xumad (Fever)  

Hadii cunugaaga korkiisa uu kululyahay, waxaa dhici karta iney heyso waxa takhaatiirtu ay dhahaan "Qandho".
Takhaatiirtu waxey ku cabbiran heer-kul-beeg (thermometer).
Haddii heer-kul-beega uu sheego 100.4F (38c), taas macnaheeda waa cunuga waxaa haya "Qandho", jirkoodana waa ka kululyahay siduu caadiyan ahaan jirey.
Sida badan taas micnaheeda waa in cunuga uu jiran yahay.
Mararka qaar ilmaha waa qandhadaan marka la talaalo kadib.
Mararkalena ilmaha jirkooda waa kululaadaa markey si xog u ciyaaraan ama ay wataan dhar badan mana jiran.
"Qandho" iyada kali ahaanteed dhib ma aha. "Qandho" waxaa dhici karta in ay jirka ka caawineyso inuu la dagaalamo infegshan.
Siduu cunugaaga yahay dhaqdhaqaaqiisa ayaa ka muhimsan heerka ay jogto qandhadiisa. Hadii cunuga ay heyso "Qandho" ah 103F, lakiin uu faraxsan yahay, ciyaarayo una wax cunayo, ilmahaas waxaa dhici karto inuu fiican yahay.
Hadii cunugaaga ay heyso qandho gareyso 101F oo kaliya, lakiin ay dhib ku tahay neefsashada ama aad u hudeysan yahay, isaga ama iyada waxaa dhici karta iney jiran yihiin.
Marka waa inaad caawisaa cunugaag qandhada sidey uga jabi laheed:
Dhar fudud u xir. kubertada si fudud ugu duub.
Ku day in uu cabbo cunuga cabitaan badan.
way fiicantahay inaad saartid shukumaan qabow cunugaaga wajigiisa, Ha isticmaalin biyo qabow, baraf ama alkolo.
Fadlan si deg-deg ah u gaar takhtarkaaga hadii arimaha soo socda aad aragto:
Sr adeeg, madax xanuun, ama iskudhex yaac.
Qarqaryo ama qabow.
Hurdo Saa'id ah.
Ohin Saa'id ah.
Neefsashada oo dhib ah ama shanqareyso.
Firiiric buluug iyo gud-guduud ah.
Haddii cunugaaga uu ka yaryahay 3 bilood ayna heyso qandho ka badan 100.4F(38C).
Haddii cunugaaga uu qadhan yahay 3 maalmood ka badan.
Haddii cunugaaga uu hayo xanuun (xitaa markii uu qaato kaniini qandho jabis ah).
Haddii cunugaaga uu kula muuqdo inuu jiran yahay, ama aad ka walwasho.
Ugu dambeyntii, WALIGAA ha siin cunugaaga

Anemia = Dhiig yari  

Dhiig yari waa tirada unugyada dhiigga cas-cas oo ka yar sidii caadiga ahayd.
Unugyada dhiigga cas-cas waxay ogisjiinta u xanbaaraan qaybaha jidhka oo dhan.
Marka ay tirada unugyada dhiigga cas-cas yar yihiin, ogsijiin yar ayaa soo gasha qaybaha jidhka.
Tani waxay qofka ka yeeli kartaa mid dareema in uu daallan yahay oo daciif yahay.


        Sababaha

  • Dhibaatooyin ka yimaada sida feerada ama birta iyo cuntooyinka kale uu jidhku u isticmaalo
  • In aan la cunin cunto ay feeradu ku badan tahay
  • Dhiig ka yimaada afka, hunguriga, caloosha ama xiidmaha
  • Dhiig ka yimaada hoosta haweeneyda ama dhiig bax badan oo caadada ka yimaada
  • Dhallaanka ka yar hal sano ee cabba caanaha lo'da ama caanaha adhiga
  • Dhallaanka lagu quudiyo caano boore aan lahayn feero ama bir dheeraad ah.

      Calaamadaha

Haddii aad qabto wax calaamadahaan ka mid ah, takhtarkaaga la hadal.

  • Daciif ama daal dareensan tahay
  • Maqaarkaaga, faruuryaha, cirridka, indhaha dhinacyadooda, ciddiyaha ama calaacalaha gacmuhu midab beelaan
  • Dhibaato ku qabto si kala cad u fekeridda ama jahawareer dareensan tahay
  • War-wareer ama miyir beelid
  • Neefsashada oo kugu gaabata ama feedho xanuun
  • Wadnaha oo si deg deg ah u garaacma
  • Dhallaanka iyo carruurta oo si gaabisa u kora


      Daryeelkaaga

  • Takhtarkaagu wuxuu baari doonaa si uu u ogaado sababaha dhiig yarida kuu keenay iyo in uu qorsheeyo daaweyntaada.

      Daaweyntaada waxaa ku jiri kara:

  • Cunidda cuntooyin caafimaad leh oo ay ka mid yihiin furuto, khudrad, rooti, waxyaabaha caanaha laga sameeyo, hilib iyo kalluun.

In aad cunto cuntooyin feeradu ku badan tahay sida khudradda caleenta ah, hilibka guduudan, naatiska iyo digirta.
Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa in uu doonayo in uu la kulmo cunto qore si laguugu qorsheeyo cuntooyin caafimaad leh.

  • In aad qaadato feero kordhiye.
  • Cabidda 6-8 koob oo cabitaanno ah maalin walba.
  • In lagu siiyo dhiig ku shubid si loo beddelo feerada iyo dhiigga kaa lumay.

      Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii aad:

  • War-wareereysid markaad istaagto
  • Ay neefsashadu kugu gaaban tahay


       CHOLERA "SHUBAN BIYOOD"
Waxaa soo badanayay baryihii dambe akhbaarta ka imanaysa gobolada Hiiraan iyo shabeellada dhexe ee sheegaya in daacuun caloole uu ka dillaacay halkaasi oo dad badan ay la bukaan dad kalena ay u geeriyoodeen. Marka sidaa awgeed baa waxaan garannay inaan soo qorno mawduuc ku saabsan kolerada si ay uga faa'idaystaan bulshada soomaaliyeed ee uu ku wajahanyahay mawduucu iyo sidoo kale ardada soomaaliyeed ee caafimaadka baranaysa, kuwaasoo aan jecelnahay inay ka qayb qaataan wacyi galinta bulshada iyo ka hortagga cudurka intii ay awoodaan.
Qoraalkan waxaa laga soo tarjumay kitaabka la yiraahdo Park's textbook of preventive and social medicine. Waa kitaab uu qoray K. Park, oo ka hadlaya cilmiga ka hortagga "preventive", iyo caafimaadka bulshada. Waa kitaabka number 1 ee qaybtan reference ahaan loo isticmaalo, marka waxaan rajaynaynaa inaad ka heshaan.

   1.Maxay tahay Cholera ama shuban biyood?

Waa cudur ay sababto bakteeriyada ama jeermiska loo yaqaan vibrio cholera, oo sababa shuban biyood bulshada ku dhex faafa. Badanaa waxaa la dareemaa mushkilada koolerada markuu safmar dhoco, oo dad badan ay u dhintaan.
Qofka markuu qaado jeermiska, wuxuu huurinayaa dhowr saacadood illaa maalin wakhti la eg, oo markaa ka dib ay soo baxayso calaamadihii cudurka haddii la helo shuruudo dhowr ah.
Shuban biyood ba'an oo qofku illaa 40 jeer uu galayo suuliga, oo uu xigo matag, fuuq-bax, muruq xanuun iyo kaadi yaraan baa ugu muhimsan calaamadaha laga arkayo bukaanka. Haddii bukaanka markaa si dagdag ah aanan loogu celin biyihii ka lumay waxaa dhacda inuu u dhinto fuuqbax 40%.
   2.Safmarka koolerada:
Cudurkani siyaabo badan buu ku dhacaa markii laga hadlayo deegaanka uu asiibayo. Saf-mar "epidemic or outbreak" waxaa looga dan leeyahay in mar quran iyadoon digniin aanay jirin uu cudurku dillaaco isagoo abuuraya mushkilo baaxad wayn oo keenta jirro iyo geeri badan oo ku dhacda dadka deegaankaas uu ka dhacay daggan. Laba arrimood baa xaddidaya dhibaatada waynankeeda; midi waxay ku xirantahay jeermiska masuulka ka ah awooddiisa adkaysi "virulence and resistence" iyo tirada jeermiska loo baahanyahay si cudur xun u dhoco. Tan kale waa deegaanka iyo siday diyaar ugu yihiin dadka daggan deegaankaasi, sida nadaafadda iyo aqoonta ay leeyihiin. Si kastaba ha ahaatee, inkastoo aan la joojin Karin koolera hadday deegaan gasho laakin, laakin ma sababi karto dhibaato badan haddii la helo nadaafad guud iyo mid gaar ahaaneed oo fiican.
Safmarku wuxuu ku fiicanyahay in si dhakhso ah uu ku gaaro meeshiisa ugu sarraysa "peak" uuna durbo hoos u soo dhoco, sababtoo ah qayb badan oo bulshada ka mid ah baa noqonaysa waxa loo yaqaan "subclinical cases" oo jirkoodu iska difaacayaa cudurka. Sidaa awgeed cudurka koolerada waa cudur isaga iskiis iskaga dhamaada. Badanaana waxaa ka hor tagga la billaabaa mar uu gaaray meeshii ugu sarraysay.
Waxaa sidoo kale dhacda in kooleradu ay degaan iska dagto "endemic" oo ay markaa xilliyo gaar ah soo baxdo "seasonal fluctuation".
   3.Cawaamisha ka qayb qaata faafitaanka cudurka:
A) Jeermiska "agent": waxay soo saartaa sun loo yaqaan "endotoxin" oo ay ku sii dayso xiidmaha iyadoo sababaysa shuban. Cimilooyinka way u adkaysan ogtahay kooleradu laakin dhowr daqiiqo haddii la karkariyo ayaa ku filan inay dhimato. Kaydka ay ku jirto bakteeriyadu, oo ah dadka uu shubanku ku dhacay "cases" iyo dadka xambaarsan "carriers" oo aanay ka soo muuqan calaamadaha cudurka, ayaa iyagu u fududeeya inay si sahal ah ugu sii gudubto dadka kale.
B) Qofka ama bukaanka "host": dadkoo dhan oo da' kasta leh iyo jinsi kasta way ku dhici kartaa koleradu. Meelaha dad badani isugu yimaadaan sida xajka iyo ciidaha ayay aad ugu fiddaa bakteriyadani. Waxay badanaa ku dhacdaa dadka saboolka ah, kuwa nadaafadda aanan ku dadaalin iyo kuwa aqoonta yar leh. Difaaca jirka iyo caafimaadka guudna qayb libaax bay ka cayaaraan ka dhicidda kooleradu.
C) Degaanka "environment": Ceelasha, waraha, iyo biyo galeennada kala duwan waxay gudbiyaan bakteeriyada, siiba haddii saxaro ay ku dhex walaaqanto isla markaana la cabbo ama loo isticmaalo howlaha guriga. Fatahaadaha sidoo kale qayb bay ka qaataan dillaaca cudurka.
   4.Sidee loo kala qaadaa?
A) Saxarada dadka qaba cudurka haddii ay gaarto ceelasha, webiyada, harooyinka iyo laasaska waxay u gudbaysaa dadkii cabba ama isticmaala.
B) Cunnada iyo cabitaanka iyadoo raacda: gacmo aan la iska dhaqin markii la saxaroodo iyo cunnada ka hor, iyo dad qaba cudurka oo ka shaqeeya cunnada sida makhaayadaha oo kale ayaa ka mid ah siyaabaha ay ku gudubto kooleradu.
C) Xiriir toos ah: dadka la tacaamula qashinsaarka, matagga, dharka, iyo guriga dadka bukaanka ah ama dariskoodaba, haddii aysan iska ilaalin waxaa dhacda inay ka qaadaan cudurka.
   5.Calaamadaha Koolerada:
Dhibaatada ay sababayso kooleradu waxay ku xirantahay dhakhsada ama dagdagga uu qofku ku waayo biyaha jirkiisa ku jira. 90% xaaladaha kooleradu waa fududyihiin oo ma sababaan dhibaato badan, lagamana garan karo shubannada kale. Waxay ku billaabanaysaa faaruqin "evacuation" lagu samaynayo dareerihii jirka ku jiray, shuban ba'an oo uu xigo matag ayaa dhacaya. Fuuq-baxa ka dhasha arrintani "collapse" waxaa lagu gartaa qofka bukaanka indhihiisa oo god gala, sidoo kale daamankiisa iyo calooshiisa, qallayl daran, kaadi yari, neeftoo sariic noqota, iyo jirkoo is baddal uu ku dhoco. Bukaanku markaa nervous buu noqonayaa, harraad daran baa qabanaya, xanuun murqaha lugaha iyo caloosha ah ayaa qabanaya. Halkaa waxaa suura gal ah oo dhacda inuu u dhinto bukaanku fuuqbaxaasi, haddii aanan si dagdag ah loogu celin biyihii ka lumay. Haddii aanu dhimanna, wuxuu ku soo noqonayaa sidiisii hore oo wuu soo kabsanayaa "recovery".
   6.Sidee looga hor tagi karaa koolerada?
A.In la hubsado inay tahay kolera "verification of diagnosis"
B.In la ogaysiiyo dadka ay khusayso sida masuuliyiinta, WHO, iwm. "notification"
C.In la dabagalo bukaanka meelaha ay joogaan oo wakhti hore la daweeyo, isla markaana laga hor tago inay dad kale u sii gudbiyaan.


Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka, waxaa ku xanuunsada 4 ilaa shan qofood intii ah waqtiga ee noloshooda. Inta badan waxuu xanuunka ku dhammaadaa dhowr maalmo ah ilaa iyo dhoor toddobaadyo ah, laakin mar marka qaarkood waxuu qaadan karaa waqti dheer waana soo noqonoqdaa.
Waxuu xanuunka dhabarka u imaan karaa si degdeg ah waxuuna ahaan karaa mid aad u xun (darran) ama waxuu u imaan karaa xoogaa-xooga intii waqti ah waxuuna keeni karaa dhibaatooyin waqti dheer ( joogto ah ).
Dhinaca hoose ee dhabarka, waxuu ka samaysan yahay 5 xaroor ee loo yaqaan sida L1 to L5. Waxuu gobolkaan sidaa culayska oo dhan ee
dhinaca kore ee jirka (ee lagu daray culayska dheeriga ah ee uu sido) waxuuna yahay mid ku jiro hawl aan kala go' lahayn gaar ahaan markii la rogmanaayo, la jeedjeedinaayo iyo markii wax la qaadaayo.
Waxuu dhismaha isku jiro ee dhinaca hoose dhabarka la micno yahay haddii wax yar oo dhaawac ah gaaro wax kasto ka mid ah dhismaha dhabarka inuu keeni karo xanuun aad u badan iyo raaxo la'aan. Xanuunka dhinaca hoose ee dhabarka waa astaanta inuu jiro murugo u keentay dhaawac xirgaha, murqaha, xirgaha fiibarka ama saxuunta (discs).
Inta badan dhabarka isagaa is-raysiiyo laakin haddii aad u darran yahay uuna yahay joogto waxaa laga maarmaan ah in la doonto talada caafimaadka si loo ogaado si sax ah loona helo daawayn ku habboon.

Sababaha

Inta badan dhabar xanuunka hooseeyo waxaa loogu yeeraay sida ‘ mid aan lahayn meel gaar u ah' sababta oo ah inuu keenay dhaawac ama cudur aan aad u darnayn, laakin ay keeneen laabniin, murqaha oo aadkaadaan, dhaawacyo yar-yar ama jirka oo meel qabsaday ama dhimirka ay wax yar gaaray. Waxaa kale uu ku dhici karaa markii uu jiro uur, ama sabab murugo leh, bukasho, bukashada kilyaha ama hurdo xumi.
Waxaa dhabar xanuunka keeni karo waxqabadyo maalimeedka: si xun u fooraarsi, wax qaadis, wax dhaqdhaqaajin, qunfacid, hindhisid, murqaha oo isgalaan, jirka oo isgalo ama wadidda gaariga oo waqti dheer qaadato iyada oo marna la joojin. Shilalka guriga, shaqada, ama markii la wado gaariga ( oo ku jiro dhaawaca qoorta ) waxayna yahiin sababaha guud.
Qaabka ugu caansan ee dhabar xanuunka darran waxaa keeno bararka ama murqacashada mid ama ka badan ee saxuunta ku dhex jirto xaroorka oo keenayo in maaddada qoyan (nucleus pulposus) u riixaan dhinaca xirigga xaroorka ama xididdaha dhimirka ee u cararo saxab xigeenka.
Waxaa sidaan loo yaqaanaa caadi ahaan sida saxanka ‘ saxanka taranturooday' laakin waxaa si aad ah oo sax ah loo tilmaamaa inuu
yahay sida ‘ horay u fakaday' (bararid ) ama ‘ herniated' ( murqacday); dhusha saxanka ayaa wax ka soo da'aayo intii oo waxa soo soconaayo ayaa keenaayo dhabar xanuunka
laakin xitaa xanuunka maskaha, cajiraha iyo lugta oo sababtuna tahay carada dhimirka xagga dambe ee jirka.
Sida caadiga ah saxanka wuu gurmaa waxuuna la qayirmaa da'da. Ama waxuu daba socdaa dhaawaca. Waxuuna sidaa ku keenayaa inay saxuunta ay yareeyaan tanaasulka, ay waxtar yar u yeeshaan inay jiifiyaan xaroorka, sidaasi darteedna inay guud ahaan keenaan adeeg
iyo xanuun, gaar ahaan aroorta hore una keenaan wayeelka lafo xanuun (markuu ku dhaco osteoporosis).
Waxaa keeno dhabar xanuunka hoose xitaa tiro kale oo xaalado ah sida xaroorka oo dhasho isaga oo xun, cudurada lafaha, burooyinka, cudurada holacsan ee qaska (PIDs), waxyaabo xun ee lagu dhasho, iyo kaadi-galeenka.

Waxa lagu ogaaday baarista

Waxa lagu ogaado baarista lagu sameeyaa astaamaha iyo baarista jirka. Markii laga shakisanyahay dhibaatooyinka saxuunta waxaa la sameeyaa x-ray, skaanka tomogarafiyada ee la mariyay computer-ka (Skaanka CT ama Cat), ama skaanka ee dhawaaqa birqabadka (MRI) ayaa lagu talin karaa si loo helo warar sax ah.

Daawaynta

Waxa haatan lagu taliyo in lagu daaweeyo dhabar xanuunka waxuu yahay:

  • Isticmaalka xunuun-dilayaasha;
  • Isticmaalka daawooyinka ka hortagga holaca iyo xanuun-dilayaasha (marka koowaad kala tasho farmashiistaha ama Takhtarka Guud);
  • Sii wadidda waxqabadyada caadiga ah halka ay ka suurto gasho;
  • Daawaynta osteopath-ka, chiropractor-ka, jir-jimciyaha, amacirbad-durid adeegsadaha ee ah xirfadlayaal ayaa kaa caawini karaan, waxay kale ay daraasaadka muujiyeen in talada ah in la raaco waxqabadka inay u tahay waxtar jirdhismeedka xanuunka fudud;
  • Sii wad shaqada, ama si degdeg ah uga soo laabo haddii ay suurto gal tahay;
  • Waxaa fiican inaad ku nasatid sariirta in aan ka badnayn labo maalin, in ka bdan waxay keeni kartaa waxtar xumo;
  • Sameey layliga jimicsiga si loo xoojiyo murqaha iyo si loo simo dhinacyada;
  • Isticmaal kuleel (warqad kulul ama qubays kulul) ka dib maalmo markii uu dabco xanuunka murqaha;
  • Waxaa ku caawini karo qalabka ah ultrasound (kumbuyuutarka) si loo yareeyo holaca.

Mar mar aad u darran waxaa loo baahanaa qalliin ah sida microdiscectomy, oo keenaayo in la dayacatiro meesha quran tahay ama saxanka murqacday, ayaa lagu talin karaa.

     Ka hortagga

Si uusan kuu qaban dhabar xanuunka waa inaad yaraysaa murugada saa'idka ah iyo dhibaatada dhabarkaada, aadna sugtaa inuu dhabarkaada noqdo mid xoog iyo fudeed leh. Waxaa kale lagu dabaqayaa talada dhabar xanuunka joogtada ah, lehna dhacdooyinka

        soo noqnoqdo:

  • yareey culayska saa'idka ah,
  • Sameey layliga jirdhiska si aad u sii hagaajisid dhabarkaada iyo murqaha calooshaada,
  • U sin si fiican dhinacyada jirkaada,
  • Ku seexo sariir iyo joodari fiican,
  • Sax qaadista iyo gacan ku qabadka alaabaha,
  • Weecashada adkaynta iyo isgalka muruqa ee kediska ah
  • Isku day oo yareey murugada, lab-lakaca iyo kacsanaanta
  • Sameey jimicsi joogto ah (socod ama dabaalasho waxay u fiican yahiin kuwa qabo dhabar xanuunka).

     Cunto Ku-Sumowga  

Cunto ku-sumowga waxaa keena cunista cunto ama cabbitaanka ku wasakheysan bakteeriya, daris-ku-nool (fungi) ama fayrasyo. Waxaa laga yaabaa in cuntada iyo cabbitaanku aysan u eekeyn mid wasakheysan sababtoo ah waxaa laga yaabaa in muuqaalkooda, dhadhankooda iyo urtooda aysan waxba gaarin.
Cunto ku-sumowga intiisa badan waxaa keena bakteeriya si dhakhso ah u taranta. Qaar ka mid ah bakteeriyada waxay ka tarmi karaan hal bakteeriyo waxaana ay gaari karaan tiro malaayiin ah haddii ay helaan xaalado ku haboon sida: qoyaan, cunto, diirimaad iyo wakhti.
Waxaa cudurku loo sii dhow yahay marka ay sii bataan tirada bakteeriyada jirta.
Cunto ku-sumowgu waxa uu badanaa jiraa 1-3 maalmood, laakiin waxa uu sii jiri karaa ilaa todobaad taasoo ku xiran nooca iyo darnaanta cudurka. Badanaa ka-bogsasho buuxda ayaa lagu helaa gudaha hal todobaad.

Calaamadaha

Calaamadaha ugu caansan waa matag, calool xanuun iyo shuban ka yimaada barar ku dhaca marinka caloosha (caloosha iyo mindhicirka). Hase yeeshee qaar ka mid ah noocyada cunto ku-sumowga waxay keeni karaan qandho ama xummad, dhiig la socda saxarada, tamar-dari ku dhacda muruqyada ama, marrar dhif ah, qallal.
Muddada uu cudurku qarsoon yahay waa mid isbeddel leh; qaar ka mid ah cunto kusumowga waxay keenaan calaamado iyo cudur lagu arko dhawr saacadood gudahooda, laakiin intooda badan waxay qaataan 12-48 saacaadood inta ay abuurmayaan si dhakhso ahna u dhib u keenayaan.


Sababaha

Sababaha ugu caadisan ee keena cunto ku-sumowga waa Campylobacter oo laga helay digaagga, caanaha aan la karin, hilibka cas iyo biyaha aan la sifeyn. Nooca labaad ee ugu caansan waa salmonella kaasoo laga helay caanaha aan la karin, ukunta iyo waxyaabaha
laga sameeyay ukunta aan la karin, hilibka iyo digaagga.
Waxaa kale oo jira noocyo kale oo ah bakteeriya oo cuntada ku abuura sun waxyeello leh sida Staphylococcus Aureus, Clostridium Perfringens iyo Bacillus Cereus. Waxay kuwaasi keenaan shuban khafiif ah ilaa mid dhexdhexaad ah.
Qaar ka mid ah noocyada bakteeriyada ee caadiga u ah mindhicirka ayaa keena cunto kusumow.
Tusaale ahaan, E. Coli caadi ahaan dhib ma laha laakiin qaar ka mid ah noocyadiisa sida E157 ayaa keeni karaa cudur daran, kalyaha oo hawlgab noqda ama dhaawac gaara dhiigga.
Listeria monocytogenes waa nooc kale oo ah bakteeriya oo caadi ahaan laga helo deegaanka iyo cuntooyinka intooda badan. Laakiin marka ay aad u badan tahay ee ay ku jirto cuntooyinka ay ka mid yihiin chees-ka ama faramaajada jilicsan ee caarada leh iyo cajiinka
hilibka waxay keeni kartaa cudur daran.
Bakteeriyadu waxay ka fidi kartaa gacmaha iyo qalabka jikada ama kushiinka oo ay gaari kartaa cuntada. Qaarka ka mid ah cudurada cunto-sumowga waxay ku fidi karaan dadka kale. Sidaa daraadeed marka qofku qabo cunto ku-sumow waxaa muhiim ah in qofku si
taxaddar leh gacmaha iskaga dhaqo isla markaana si dheeraad ah taxaddar ugu yeesho caafimaadkiisa shakhsi ahaaneed.

Cillad-sheegid

Cillad-sheegidda waxaa la sameeyaa iyadoo la garto calaamadaha lagu yaqaanno cudurka.
Waxaa taa sii fududeyn kara marka tiro dad ah ay cuneen isku cunto ama ay cabbeen isku cabbitaan.
Sababaha keena cunto ku-sumowga waxaa kale oo lagu garan karaa baaritaan shaybaar oo lagu sameeyo saxarada.

Daaweyn

Inta badan calaamadaha iyo dhibka cunto ku-sumowgu waxay ku tagaan dhawr maalmood gudahooda iyada oo aan la arag dhakhtar. Marka ay jiraan xaalado daran waxaa laga yaabaa in qofka loo qoro antibiyootiko haddii ay hayaan cudurrada bakteeriyada qaarkood.
Muddada bogsashadu waxaa kale oo ay ku xiran tahay nooca cudurka, da'da iyo caafimaadka qofka iyo haddii ay jiraan xaalado caafimaad oo kale.
Fuuq baxa qofka ku dhaca iyadoo sababtu tahay shuban iyo matag waa in lagu daweeyo waraabinta hooreyaasha laga helo farmasiiyada, ama iyadoo si joogto ah loo cabbo cabbitaan khudaar oo la barxay, biyo cusbo iyo sonkor lagu daray, ama shaah khafiif ah oo macaan.

     Waa in talo dhakhtar loo doonto:

  • haddii cudurku sii jiro in ka badan dhawr maalmood ama haddii xaaladda guud ee qofku sii xumaato,
  • haddii dhiig la socdo saxarada,
  • marka qofku yahay waayeel, dhallaan, ama haweeney uur leh, ama
  • haddii shubanku leeyahay axal jaalle ama hurdi aha ama cagaar ah.

      Ka-hortagga

Halista cunto ku-sumowga waxaa la yareyn karaa iyadoo:

  • taxadir la yeesho marka la diyaarinayo lana kaydinayo cuntada,
  • si buuxda hilibka barafka looga dhalaaliyo loona kariyo si loo dilo wixii ah bakteeriyada waxyeellada leh,
  • la hubiyo in dhamaan cuntadu daboolan tahay lana barafeeyay,
  • la iska dhaqo gacmaha ka hor intaan cunto gacmaha lagu taaban,
  • si buuxda loo dhaqo khudaarta ama ansalaatada,
  • la iska ilaaliyo caanaha aan la karin, ukunta aan la karin iyo hilibka aan si wacan u karsaneyn, iyo
  • aan la oggalaan in dheecaannada hilibka cayriin ama aan la karin ay taabtaan cuntooyinka kale.

        Cuna Xanuun (Sore Throat)  

Cuna xanuun waa cune barara ama xanuun hayo. Calaamadaha waxaa ka mid ah xanuun marka wax la laqayo, qandho iyo barar gala qanjirrada qoorta.

Sababaha
Cuna xanuun waxaa laga yaabaa iney keento:

  • Jirro fayras sida hergeb ama ifilo badanaa socota 5-7 maalmood. Ma jiraan antibiyootiko lagu daaweyn karo fayraska.
  • Cudur bakteeriyo sida strep-ta cunaha oo lagu daaweyn karo antibiyootiko.
  • Sigaar cabid.
  • Qaylin ama codka oo xidhma.
  • Xajiin ama cuncun.
  • Ku neefsashada neef kiimiko.


        Daryeelkaaga

Abuurka cunaha ayaa laga yaabaa in la sameeyo. Haddii aad qabto cudur bakteeriyo keentay, antibiyootik ayaa lagu siin doonaa. qaado dhammaan kaniiniyada ilaa uu kaa tago cuna xanuunku. Ha joojin qaadashada markaad is tiraahdo waad fiicnaatay.
Waxyaabaha kale ee laga yaabo iney kugu caawiyaan inaad ka soo rayso waxaa ka mida ah:

  • Ku luqluqo biyo diirran oo cusbo leh. Isku qas ¼ qaaddo oo cusbo ah iyo 1 koob oo biyo ah.
  • Isticmaal lozenges-ta cunaha ama daawada buufinta cuna xanuunka.
  • Isticmaal daawada qufaca.
  • Ka fogow sigaar cabid, aalkolo, qaxwo, iyo cunto kulul ama basbaas leh.
  • Takhtarkaaga ula soco sidii uu ku faray.

      Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:

  • Dhibaato ku qabto neefsashada
  • Ay ku hayso qandho ka sarreysa 101 darajo F ama 38 darajo C
  • Finiinicyo kaa soo baxaan
  • Aadan ku bogsan 5 maalmood
  • Uu afku gudaha kaa bararo
  • Aadan awoodin inaad afka kala furto


      Cadaadiska Dhiiga (Blood Pressure)  

Cadaadiska Dhiiggu waa xoog la dul dhigo derbiyada marinnada dhiigga ee wadne garaac kasta. Cadaadiska Dhiiggu wuxuu gacan ka geystaa inuu dhiiggu ku dhex socdo jidhka.
Iska Cabbiridda Cadaadiska Dhiiggaaga
Cadaadiska dhiigga waxaa badanaa lagu hubiyaa iyadoo maro ballaaran oo loo yaqaan kaf (cuff) lagu xiro dhinaca sare ee gacantaada. Hawo ayaa lagu afuufaa kafka. Cadaadiska dhiiggaaga ayaa la cabbiraa marka hawadu iney kafka ka baxdo loo oggolaanayo.
Cadaadiska dhiiggu waa hal lambar oo lambar labaad ka korreeya.

  • Lambarka kore waa midka sare waxaana loo yaqaannaa akhrinta systolic. Waa cadaadiska ku jira marinnada dhiigga marka uu wadnaha dhiiggu ku shubmo.
  • Lambarka hoose waa midka hoose waxaana loo yaqaannaa akhrinta diastolic. Waa cadaadiska ku jira marinnada dhiigga marka uu wadnuhu nasanayo inta u dhexeysa garaacyada.

      Cadaadiska Dhiigga ee Caadiga ah

Cadaadiska dhiigga ee caadiga ah waa 120 oo la hoos dhigay 80 ama ka yar.
Cadaadiska dhiigga qofba qofka kale wuu ka duwan. Cadaadiska dhiigga qof kasta wuxuu isku beddelaa saacad ilaa saacad iyo maalin ilaa maalin.

      Cadaadis Dhiig oo Sarreeya

Cadaadis dhiig oo sarreeya waxaa loo yaqaannaa dhiig kar (hypertension).
Cadaadis dhiig oo sarreeya waa 140 oo la hoos dhigay 90 ama ka sarreeya.
Baaritaan cadaadis dhiig oo sarreeya lama sameeyo ilaa cadaadiska dhiiggaaga laga hubiyo dhowr mar uuna noqdo mid sarreeya.
Marka kastoo ay dhiigga ku adkaato inuu ku qul-qulo marinnada dhiiggaaga, lambarrada cadaadiska dhiiggu kor ayey u sii kacayaan. Marka uu jiro cadaadis dhiig oo sarreeya, wadnahaagu si xoogan ayuu u shaqaynayaa.
Cadaadis dhiig oo sarreeya wuxuu keeni karaa wadne qabad, hawlgab maskaxeed, hawlgab kelli, iyo adkaanshada marinnada dhiigga.

Calaamadaha Cadaadis Dhiig oo Sarreeya

Habka keliya ee lagu ogaan karo cadaadis dhiig oo sarreeya waa in la hubiyaa.
Dadka badankoodu calaamado ma lahan. Dadka qaarkood waxaa laga yaabaa iney madax xanuun isku arkaan ama aragti ceryaamo ku jirto.

Daryeelkaaga

Koontaroolidda cadaadis dhiig oo sarreeya aad ayey muhiim u tahay. Haddii aad cadaadis dhiig oo sarreeya leedahay waa inaad:

  • Badanaa cadaadiska dhiigga iska hubisaa. Takhtarkaaga la xariir haddii cadaadiska dhiiggaagu uu sii sarreeyo.
  • Takhtarkaaga ugu tag sida la qorsheeyey.
  • Daawada cadaadiska dhiigga u qaado sida uu takhtarku ku amray.
  • Daawada qaado xataa haddii aad caafimaad dareento ama cadaadiska dhiiggu uu caadi yahay.
  • Miisaan iska dhin haddii aad buuran tahay.
  • Xaddid cusbada cuntooyinkaaga iyo cabitaannada ku jirta.
  • Ka fogow aalkolo cabid.
  • Jooji sigaar cabidda ama isticmaalka tubaakada iyo khatka (jadka).
  • Jir-dhis samee ku dhowaad maalin walba.
  • Isku buuqidda/diiqadda iska yaree.
  • Maalin walba iskala bixin samee.

       Si dagdag isbitaal u gaar hadii aad isku aragto:

  • Madax xanuun daran
  • Isbeddelka aragtida ah
  • Xanuun feedhaha ah, cadaadis ama ciriiri aysan nitroglycerin bogsiineyn
  • Ay neefsashadu kugu adag tahay ama ay kugu gaaban tahay
  • Kabaabyo lama filaan ah, kil-kilo ama daciiftinnimo wejiga, gacanta ama luga ah
  • Jahawareer lama filaan ah, dhibaato kaaga timaadda fahmidda ama dhibaato dhinaca hadalka ah
  • Dhibaato wax liqidda ah


         Boronkiito (Bronchitis)  

Boronkiito waa soo bararidda dhinacyada marinnada hawada ee loo yaqaanno bronchioles ee ku jira sanbabada. Bararku wuxuu keenaa
dheecaan ka badan kan caadiga ah inuu sameysmo. Kaasi wuxuu xannibi karayaa maritaanka hawadu ay mari lahayd sanbabada waxaana laga yaabaa iney waxyeello u geysato sanbabada.
Boronkiito daran waxay ku dhammaataa 2-4 toddobaad waana la daaweyn karaa.
Boronkiitada daran waa cudur waqti dheer ee sanbabada. Waa mid ka mid ah cudurrada koox cudurro sanbabbo ah oo loo yaqaanno COPD ama cudurka sanbabka xanniba ee dara (chronic obstructive pulmonary disease).
Waxyeelladu badanaa waxay ka sii dartaa waqti ka dib lamana daaweyn karayo.


        Calaamadaha Boronkiitada

  • Qufaq is-daba-joog ah
  • Daal dareemid
  • Feedho xanuun leh qufac ama neefsasho qoto dheer
  • Neefsasho dhawaq leh
  • Neefsashada oo kugu gaabata
  • Jidh xanuun
  • Qandho ama qar-qaryo
  • Cune xanuun
  • San biyo ka dareerayaan ama cabbursan

     Sababaha keena Boronkiitada

  • Dhaawac bakteeriyo ama fayras
  • Sigaar cabid
  • Hawo wasaqowda
  • Xajiin wax hawada ku jira laga qaado
  • Cudur sanbab sida asmada ama neefta ama sababada oo dhaawacma

   Daryeelkaaga

Daryeelkaaga waxaa ku jiri kara daawooyin iyo jimicsiyo neefsasho si lagaaga caawiyo in aad si fudud u neefsato. Waxaa laga yaabaa in aad u baahato ogsijiin haddii aad qabto boronkiito daran. Daryeelkaaga waxaa sidoo kale laga yaabaa iney ku jirto:

  • Ka fogaanshada hergebka iyo ifilada.
  • Cabidda cabitaanno fara badan si xabka loo khafiifiyo.
  • Isticmaalidda huur bixiye ama uumi bixiye.
  • Isticmaalidda biyo saare qaabka jidhka iyo feedho riixe si loo dabciyo xabka sanbabadaada ka imaanaya. Waa lagu bari doonaa sida taas loo sameeyo Si aad si Fudud ugu Neefsato
  • Jooji sigaar cabidda. Habka keliya ee hoos loogu dhigi karo waxyeellada boronkiitada daran waa in la joojiyo sigaar cabidda. Marna lagama daaho in la joojiyo.
  • Ha cabbin aalkolo. Waxay uga sii dartaa baahida loo qabo in qufaca iyo hindhisadu ay banneeyaan marinnada hawada. Waxay sidoo kale keentaa in jidhkaagu lumiyo dheecaanno, iyadoo xabka sanbabkaaga ku jira ka yeeleysaa mid dhumuc weyn ayna adag tahay in la soo qufaco oo la tufo.
  • Ka fogaanshada waxyaabaha lura sanbabada sida wasaqowga hawada, habaaska iyo gaasaska.
  • U seexo iyadoo jidhkaaga qaybta kore ay kor u qaadan tahay. Isticmaal barkin ama madaxa sariirtaada kor u qaad.

      Isla markiiba wac takhtarkaaga haddii:

  • Ay qar-qaryo ama qandho ka sarreysa 101 darajood oo F ah ama 38 darajood oo C ah ay ku qabato
  • Aad u baahato in aad in badan isticmaasho daawada neefta la isaga buufiyo ama daaweynta neefsashada
  • Aad leedahay xab badan, midabku isbeddelo, ama ay aad u adkaato in uu qufac kaaga soo fuqo
  • Aad isku aragto midab danbas ama buluug ah oo cusub ama ka sii daraya ee ciddiyahaaga ama maqaarka farahaaga ama afka
  • Ay dhibaato kaa qabsato hadlidda ama qabsashada hawlahaaga caadiga ah
  • Ay tahay in aad isticmaasho barkimo badan markaad hurdeyso ama aad billaabayso in aad ku seexato kursi si aad u neefsato habeenkii.

       Wac 911 isla markiiba haddii:

  • Aadan neeftaada heli karin
  • Aad noqoto mid jahawareersan, ama aad dareento miyir beelid
  • Aad feedho xanuun ama feedho giigsan qabtid
  • D.In la furo xarumo caafimaad oo lagu dawaynayo dadka jirran, haddii isbitaal aan la helin in iskool ama garoon laga dhigo xarun. Xaaladaha daranna in isbitaal loo wareejiyo.
    E.Soo celinta biyaha ka lumay bukaanka "Rehydration therapy":

    1) ORS "oral rehydration solution": Waa biyo lagu daray sonkor iyo cusbo oo la cabbayo. Waxaa ORS'ta lagu qasayaa hal liter oo biyo ah oo aanan la karkarin. Haddii la waayo ORS waxaa la isku darayaa hal liter oo biyo ah iyo sonkor "20gm" iyo cusbo "5gm" oo sidaa lagu cabbayaa. Harraadku inta uu jiro in la cabbo weeye biyahaasi iyo illaa ay ka qarsoomayso calaamadaha fuuqbuxu. Carruurta: caruurta ka yar 2 sano waxaa la siinayaa 1 qaaddo daqiiqaddiiba, kuwa intaa ka waynna waa inay cabbaan intay doonayaan. Haddii cunuggu uu matago 10 daqiiqo ka dib baa lagu billaabayaa si tartiib ah. Haddii calaamadihii fuuqbuxu qarsoomaan intii loogu tala galay buu dhamaysanayaa cunuggu.
    2) Faleembada: WHO waxay u qorshaysay in haddii qofku uu ka sii daro ama ay anfici waydo ORS-tu, in laga siiyo biyaha xididka, waxaa la siinayaa Ringer's Lactate ama DTS "diarrhoeal treatment solution". Haddii labadaasba la waayo Normal Saline baa la siinayaa bukaanka, walaw aysan wax tar badan lahayn. Carruurta sanadka ka yar waxaa la siinayaa saacadda u horraysa 30ml/Kg, shanta saacadood ee xigtana 70ml/Kg. Dadka kale waa in la siiyo 30ml/Kg nuska saac ee ugu horreeya, laba saac iyo bar ku xigtana waa in la siiyo 70ml/Kg. Waa in halkii ama labadii saacba la qiimeeyaa in bukaanku uu soo roonaanayo iyo in kale, haddii uusan soo roonaanayn waa in la boobsiiyo I.V. drips-ka, haddii indhuhu bararaanna "puffiness" waa in la joojiyo faleembada.
    3) Joogtaynta "maintenance therapy": markii la soxo khatarta jidha, waxaa la siinayaa bukaanka biyo badan inta uu oonku ka hayo, waxaana biya-siintaasi loo barbardhigayaa inta saxarada lagu waayo.
    F. dawooyinka la siin karo bukaanka:
    Antibiotics, markii mataggu dhamaado ayaa afka laga qaadanayaa. Doxycycline hal mar oo 500mg baa dadka waawayn la siinayaa. Dumarka uurka leh waxaa u fiican Furazolidone. Caruurtana waxaa u fiican Trimethoprium-Sulfomethoxazole. Tetracycline iyo Furazolidone waa la siin karaa dadkoo dhan 4 jeer maalintii ilaa 3 maalmood. Erythromycine iyo Chloramphenicole waxaa la qaadanayaa haddii la waayo dawooyinka hore oo dhan.
    Dawooyinka mataga joojiya iyo kuwa shubanka joojiya iyo kuwa calool xanuunka loo isticmaalo kulligood lama siiyo bukaanka koolerada.
    G. Sanitation measures; nadaafadda degaanka:
    1) Biyaha: maadaama biyuhu yihiin meesha ugu muhimsan ee lagu gudbiyo cudurka, waxaa khasab ah in la helo biyo nadiif ah si fiicanna looga shaqeeyay dadkoo dhanna la gaarsiiyo. Chlorine ayaa lagama maarmaan ah in loo sahlo dadka inay helaan. Dadkaan haysanna waa inay iska karkariyaan biyaha kuwa la cabbayo iyo kuwa la isticmaalayaba.
    2) Cunnada: cuntada la gadayo waa in la kontoroolo nadaafaddeeda. Dadka ka shaqeeya makhaayadahana waa in ay oofiyaan shuruudaha shaqadaasi. Nadaafadda guud ahaan sida tan guriga, suuliyada, dikhsiga; iyo tan gaar ahaaneed sida ciddiyaha iyo faradhaqa saxarada ka dib iyo cunnada ka hor: waa in aad loogu dadaalaa.
    3) Saxarada: waa in qashin saarka dadka meel loogu tala gala oo laga fogeeyaa inay gaaraan biyaha iyo cuntada. Maadaama arrintani aysan ka suuroobaynin waddankeenna waxaa lagama maarmaan ah in dadka lagu wacyi galiyo sidii ay ugala fogaan lahaayeen saxarada meelaha biyaha laga cabbo.
    4) Daahirin "disinfection": Bukaanka saxaradiisa, mataggiisa, dharkiisa, alaabtiisa kale, gurigiisa iyo xataa dariskiisa waa in la daahiriyaa oo maadooyin kiimiko ah lagu shubaa. Dadka ka shaqaynaya howshanna waa inay laf ahaantooda is ilaaliyaan.
    H. Chemoprophylaxis: antibiotic ka hor tag ah.
    Dadka ku dhow-dhow qofka cudurku ku dhacay ee wali caafimaadka qaba waa in la siiyo antibiotic ka hor tag ah. Tetracycline laba jeer maalintii illaa saddex maalmood baa la isticmaalaa. Doxycycline 500mg oo hal mar ahna aad buu u faa'ido badanyahay.
    I.Tallaalka Koolerada:

    Laba nooc baa jira:

    a) Mid la isku durayo: laba jeer baa la isku durayaa oo 4 ilaa 6 usbuuc u dhaxayso, waa bakterio la dilay. Haddii laba mar la waayo hal mar baa la qaadanayaa iyadoo laba jibbaaran;
    b) Mid afka laga qaadanayo: laba nooc buu leeyahay, mid la dilay iyo mid nool oo la daciifiyay "live attenuated". Caruurta iyo dadka caafimaadkoodu liito lama siiyo talaalkan. Laba nooc weeye kanina waxaana u dhexeeya 10 ilaa 14 bari, wuxuuna leeyahay jaanis 60% oo ka hor tag ah muddo saddex sanadood ah.
    J.Wacyi galin: Health education
    Arrinta ugu muhimsan - sida la ogsoonyahay - marka laga hadlayo ka hortagga cudurka shuban biyoodka waxa weeye in dadka lagu baraarujiyo dhibta uu leeyahay cudurku iyo sida sahlan ee looga hortagi karo. Waa in la dareensiiyo ahmiyadda ay leedahay ORS-ta, faa'idada ay leedahay dhakhso soo sheegidda bukaanka si loo daweeyo oo loo badbaadiyo, faa'idada ay leedahay cunno iyo biyo nadiif ah isticmaaliddooda, iyo karkarintu sahlanaanteeda iyo fa'aidadeeda, iyo gacmaha dhaqashadooda suuliga markii laga soo boxo ahmiyadda ay ku leedahay yaraynta cudurka iyo dhimashadaba. Waa in dadka siminaarro loo sameeyo oo la baraa dhibaatada ay leedahay kooleeradu iyo siday dadka kale u sii wacyi galin lahaayeen
Malaariyada (Duumada)  

Anopheles waxaa la yiraahdaa nooca dhadigga kaneecada ee keenta malaariyada ama duumada sida dadka qaarkiis ay u yaqaanaan!

Waa maxay duumadu ama malaariyada?

Duumadu waa cudur ay keento kaneeco sumeysan oo qaniinta dadka. Waxay keentaa qando, ama xumad, dhaxan, madax xanuun, jir xanuun, Matag iyo calaamado kale oo badan. Noolaha keena xanuunka kaneecada ayaa raaca dhiigga, wuxuna tagaa beerka si uu ugu tarmo.
Marku ay ka soo baxaan beerka ayay dib ugu soo taabtaan dhiigga si ay cudurka u bilaabaan laba todobaad ka dib. Noocyo ka mid ah kaneecada ayaa ku jiri kara beerka muddo aad u dheer.


Maxay malaariyadu u tahay cudur halis ah?

Ma jiro talaal lagaga hortago malaariyada.
Waxay sababtaa duumadu xanuun xun oo keeni kara dhimasho.
Waxay kugu dili kartaa 12 saac gudohood.
Waxa lagama maarmaan ah in aad ka hortag sameysid, iska ilaalisid qaniinka kaneecada isla markaasna aad liqdid dawada ka hortagga malaariyada.
Haadii ay malaariyo kugu dhacday, mar hore ma leedahay difaac?
Dadka ay duumadu ku dacdo marar badan waxay yeeshaan difaac jir oo aan dhamayn, laakin difaacu waqti yar ka dib ayuu ku tagaa.
Inta badan I ilaa 2 sano guduhood ayaad la mid noqon kartaa qofka aanay hore ugu dhicin duumo.
Markaa uma lihid difaac, xataa hadii ay waayo hore kugu dhacday duumo.

Sidee looga hortagaa?

Ka hortagga duumada ama kaneecada qaniinkeedu wuxu kaa badbaadiyaa duumada iyo cudurada kale ee ay keento kaneeco sida- yellow fever, cudurka maskaxda loo yaqaan "Japanese encephalitis" iyo xumadda dengue. Kaneecada waxay dadka qaniintaa subaxa hore iyo maqribkii inta badan.
Samee arrimahan ka hortagga ah.
Gasho dhar kuu qariya gacmaha iyo lugaha, qaboojiyaha guryaha wuxu eryaa kaneecada.
Seexo guri ku leh shebeg dariishadaha ama daaqadaha.
Seexo sariir leh mara kaneeco.
Waxa jira mara kaneeco leh maadad disha kaneecada.
Waxad adigu ku buufin kartaa marada kaneecadda dawooyin sida PERMETHRIN.
waxad iibsan kartaa maro kaneeco ama teendo kaneeco (sansayeeri).
Waxa muhiim ah inaad iibsato maadooyinka la buufiyo ee erya kaneecada sida "DEET", gaar ahaan kuwa leh "25%-50% DEET." (PIFPAFta)
Maxaan Dawo ah oo kaneeco ka hortaggeeda u Qaataa?
Waxa jira dawooyin kala nooc ah oo la isticmaalo, weydii takhtarkaaga nooca iyo sida aad u liqayso. Waa lagama maarmaan in adiga iyo caruurtuba aad qaadataan dawada ka hortagga kaneecada.
Fadlan dawada u qaado sida

 Cudurrada Galmada la isugu Gudbiyo  

STD-yada waxaa sidoo kale loo yaqaannaa cudurrada xubnaha galmada. Waxaa sababa jeermis ku nool maqaarka ama dheecaannada jidhka sida shahwada, dheecaanka siilka ama dhiigga. Jeermiska waxaa gudbiya qof bukka badanaa siday uga gudbaan, waa isu ag/galmo, maqaar, dhiig, ama dheecaan jidh.
Jeermisyadaan waxay jidhka ka geli karaan siilka, afka, futada, iyo boogaha ama meelaha dillaacsan ee furan.
STD-yada laguma faafiyo is taabasho caadi ah, barkadaha dabbaasha ama ku fadhiisashada fadhiga musqulaha.

Calaamadaha STD-yada

Calaamaduhu waxaa laga yaabaa in ay ku dhacaan maalmo, toddobaadyo ama bilo marka cudurku qofka ku dhaco. Ragga iyo haweenka qaarkood ma laha calaamado laakiin waxay qabi karaan STD waxayna u gudbin karayaan dadka kale.

Calaamadaha ugu badan waxaa ka mid ah:

  • Gubasho marka la kaadinayo
  • Nabro ku sameysma cowrada sida dillaacyo ama toxobeysi
  • Xonqorro
  • Finan yaryar oo ka soo yaaca jirka
  • Dheecaanka ka yimaada guska ama siilka
  • Xanuun uur ku jirta ah, badanaa haweenka ku dhaca


Noocyada STD-yada

  • Jabto/jabti
  • Waraabow
  • Herbis (Herpes)
  • Kalaamiidiya (Chlamydia)
  • Beer xanuun
  • Cudurka loo yaqaano aydhiska
  • Human Papilloma Virus (HPV ama xonqorrada cowrada)
  • Jankaroyd (Chancroid)


 

Ka hortagidda STD-yada

Ka fogaanshada, ama xiriir galmo la'aan, ayaa ah habka ugu wanaagsan ee hortago faafidda STD-yada.
Baaritaanka
Waa in lagaa baaraa STD-yo haddii:

  • Aad sameysay galmo aan sharci aheen.
  • Aad dad la wadaagtay irbado si aad isugu durto mukhaadaraad ama galmo sameysay qof dadka irbadaha la qaybsada.
  • Aad dareemeyso in aad la kulantay ama leedahay calaamadaha STD.

Waxaa STD kaa baari kara takhtarkaaga ama waaxda caafimaadka deegaanka.
Baaritaannada STD-yada waxaa badankooda loo sameeyaa si qofka lagu garanin.

Daryeelkaaga

STD-yada badankooda waa la daaweyn karaa. Qaarkood waa la daaweyn karaa laakiin qaar ayaan la daaweyn karin. Daawooyinka waxaa loo isticmaali karaa si ay gacan uga geystaan calaamadaha cudurkana uga celiyaan inuu ka sii daro.
Iyadoo qayb ka ah daryeelkaaga:

  • Ka fogow xiriiro galmo ilaa aad adiga iyo lammaanahaaga la idin daweeyo.
  • Antibiyootikada u qaado sida lagu faray ilaa lagaa daaweeyo. Hubso in aad qaadatay dhammaan daawooyinka takhtarkaagu kuu qoray.
  • Marka aad dhammaysatid antibiyootiga, sadex todobaad ka dib takhtarkaaga ballan ka qabso si laguugu celiyo baaritaankii.
  • Ku soo noqo Waaxda Gargaarka Deg-degga ah ama wac takhtarkaaga haddii calaamadahaagu ka sii daraan ama qandho ka sarreysa 101 darajo F ama 38 darajo C ay ku qabato.

Waxaa jira halista dhibaatooyin kale iyo cudurro kale oo daran haddii aadan helin daaweyn ama aad qaadato daaweyn aan dhammeystirneyn.
Takhtarkaaga ama ka

 Gaarda Laambiya (Giardiasis)  

Waa maxay Giardiasis?

Giardiasis waa noc ka mid ah Gastroenteritis waxaa keena bahal yar oo ku dhexnool mindhicirka loona yaqaan Gardia Lamblia.
Giardiasis qof walba waa ku dhici karaa, wuxuuse u badan yahay kuwa dhashay, carruurta, iyo dadka de'doodu u dhexayso 20 ilaa 40 sanadood.

Waa Maxay Astaamaha Giardiasis?

Astaamaha ugu badan ee Giardiasis waa shuban, yaqyaqsi, calool majiir, mararka qaarkoodna astaamaba ma yeelanayo.
Ifakshanka ka dib waxay qaadataa 7 ilaa 10 berri in qofku jirado. Si loo raadraaco jirada waa muhiim in la ogaado halkaad joogtey iyo waxaad cuntay 2dii asbuuc ee la soo dhaafay intaan jiradu ku qaban.
Xanuunku wuxuu ku dhamaan karaa maalmo yar ilaa asbuucyo.

Xagee Giardia laga hellaa?

Gardia Lamblia waxay ku dulnooshahay bini'aadamka, beeraha bisadaha iyo eyga.

Sidee ayey Giardiasis ku Fidaa?

Sida qaalibka ah Giardia waxay timaada marka laga qaato afka badanaana waxay u gudubtaa qof ilaa qof.
Dadka ay Giardia lamblia ay ku dul nooshahay waxay laga hellaa saxaradooda. Haddii dadkaasi si fiican aanay u dhiqin gacmahooda, markay musqusha ka baxaan, gacmahii wasakhaysnaa ayaa u gudbin kara alaabta dushooda halkaas oo ay taaban karaan dadka kale. gacmaha wasakhaysani waxay iyaguna u gudbin karaan cunadii taas oo qof kale cuni karo. Gacantu waxay kaloo wasakhda qaadi kartaa marka qofku bedelayo naabi ilmo qaba Giardiasis.

Dadka iyo xayawaankuba waxay ku qaadaan Giardia xaarkooda iyagoo aanay ka muuqan astaamihi. Dadkaas ama xayawaankaasi weli
waa u gudbin karaan jirada dadka kaleeto.
Bisadaha, iyo xayawaanka iyo biyaha wasakhaysan waa fidinkaraan Giardia dadka ku dulnool.

Haddii aan qabo Giardiasis maxan samaynayaa?

Haddii aad qabto Giardiasis u sheeg dhakhtarkaaga isla markiiba. Taasi waxay xaqiijinaysaa inaad hesho daawada ku haboon iyo talo si aad u yarayso fidida cudurka.

Ma Shaqayn Karaa?

Dadka cunada ka shaqay-ya, kuwa xarumaha dhallaanka ee qaba Giardiasis waa inay shaqada joojiyaan ilaa astaamuhu istaagaan.
Carruurta waa inaan la geyn xarumaha dhallaanka iyo dugsiga ilaa astaamuhu istaagayaan.

Sidee uga Ilaalin Karaa inay-yan Qoyskayga ku fidin?

Waa la yarayn karaa khatarta ah in cudurku qoyska ku fido. Aad bay muhiim u tahay ina dadka qaba Giardiasis ama gastraoentritis aanay
diyaargarayn cunada ama qaban taas oo dadka kale cuni karaan waana inaan lala wadaagin qofka cudurka qaba shukumaanka ama waji
tirtiraha.

Sidee isaga Ilaaliya Qaadista Giardiasis?

Qof weliba waa iska ilaalin karaa in aanu qaadin Gairdiasis haddii uu qaado talaabooyinkaan:

Gacantoo si Fiican Loo Dhaqo
Qof weliba waa inuu gacantiisa ku dhaqaa biyo kulul ugu yaraan 10 ilmiriqsi:

  • intaadan cuna diyaarin ka hor;
  • inta u dhexaysa qabashada cuno karsan iyo mid diyaar u ahi in la cuno;
  • intaadan wax cunin;
  • markaad musqusha ka soo baxdo kadib, ama bedesho naabiga;
  • markaad sigaarka cabto ka dib;
  • markaad isticmaasho fasaleeti ka dib;
  • markaad jardiinada ka shaqayso ka dib;
  • markaad la cayaarto ey ama bisad.

Dadka cunada ka shaqay-yaa waa inay isticmaalaan shukumaanka halka mar la isticmaalo ama mishiinka gacmaha qalajiya, shukumaanada dharka ahi si sahlan ayey jeermiska u gudbin karaan.
Haynta iyo Dhigida cunada meel bedqabta

  • Si fiican u kari cunada ceeriin.
  • Si fiican u dhaq khudaarta intaadan cunin.
  • Cunada kululee ilaa ay cunada dhexdeedu gaarto 60degree.


Nadiifinta Guriga

Musqusha qubeyska iyo tan saxarada waa in had iyo jeeraale la nadiifiyaa si looga hortago fidida bakteeriyada. Aad uga taxadar meesha la
fadhiisto, la qabsado tuubooyinka iyo miiska lagu bedelo naabiga.
Ciidu waxaa wasakhayn kara saxaro ama kaadi.
Si joogta ah u rogrog ciida kana soo saar saxarada xayawaanka. Dabool dhulka markaan la isticmaalayn.
Biyaha Ka Yimaada Meel aan la daaweyn
Biyaha aan la daaweyni waxay ka iman karaan haraha ama webiyada lag ayaabo inay wasakhayeen saxarada dadka iyo xayawaanka,
waana in biyaha la iska karkariyaa intaan la cabin.

 

Favorite Sites

Expert guidance from real people searching for the best the Internet has to offer in games, music, travel, maps, jobs, free stuff, books, news, chat, strategy, auctions, airlines, gifts, weather, links, cds, movies, and more.
A leading local portal and transactions company that provides in-depth local content and services to help people "get things done" online.

Xarumaha Daryeelka Dhallaanka

Carruurtu si gaara ayey khatar ugu yihiin inay qaadaan Giardiasis. Bedelaada naabiga iyo saxada oo aan laga taxadarin waxay keenaan in
cudurku gudbo meelaha xarumaha ah. Waa muhiim in lagu dadaalo dhiqida gacmaha iyo nadaamka nadiifinta ee xarunta daryeelka
dhallaanka si loo xakaymay-yo ku dulnoolayaasha (parasites).

Kansarka Qanjirka manida Ragga  

Qanjirka manidu waa qanjir ragga ku jira oo sameeya dareeraha isu keena qayb ka mid ah manida.
Cabbirkiisu waa ilaa 2 sentimitir X 2 sentimitir wuxuuna ku yaallaa sinaha meelahooda.
Qanjirku wuxuu isticmaalaa hormoonka ragga ee loo yaqaanno testosterone si uu si caadi ah ugu shaqeeyo.

Calaamadaha Kansarka Qanjidhka Manida

Waxaa laga yaabaa in aadan wax calaamado ah isku arkin.
Ragga qaarkood waxay leeyihiin:
  • Baahi kaadiyeed oo badan, gaar ahaan habeenkii.
  • Iney ku adkaato iney kaadida bilawgeedo inay soo dhafto iyo markay qabato inay ceshadaan
  • Kaadida oo si daciif ah u socota
  • Kaadida oo xanuunjisa ama gubta
  • Manidu markay ka imaanayso xubinta ragga waqtiga galmada oo aad u xanuunjisa
  • Dhiig soo raaca kaadida ama manida
  • Xanuun ama giigsanaanta dhabarka hoose, miskaha ama bowdyaha sare
U tag takhtarkaaga haddii aad isku aragtid wax ka mid ah calaamadahaan.
Arrimaha Halista leh ee Kansarka Qanjidhka Manida Ragga
Waxaad aad halis ugu tahay kansarka qanjirka haddii ay:
  • Da'daadu ka weyn tahay 50 sano
  • Aad leedahay aabbo ama walaal horey u qabay kansarka qanjirka
• Asalkaagu Afrika ka soo jeedo?
  • Aad cunto cunno dufanka xooluhu aad ugu badan yahay
Iska Baaridda Kansarka Qanjidhka Manida
Takhtarkaaga kala hadal iska baaridda kansarka qanjidhka.
Baaridda sanadkiiba marka ah ee uu takhtarkaagu kugu sameeyo waa muhiim si waqti hore loo ogaado kansarka.
Baaritaanka lagu samaynayo sannadkiiba raga ka weyn 50, waa inay ku jiraan ama kamid yihiin ragga ka soo jeeda Afrika ee ka weyn da'da 40:
  • Baaridda dhiigga ee PSA (Prostate-specific antigen) Heerka PSA ee dhiigga ku jira wuu ku badanyahay ragga qaba kansarka qanjirka.
  • Baaritaanka Malawadka (PR)
Haddii baaritaankaagu muujiyo in aad qabto kansarka qanjirka, baaritaanno kale ayaa laga yaabaa in loo baahdo.
Wax yar aya laga jarayaa qanjirka si loo ga baaro loona hubiyo inuu unuga kansarka ku jiro.
Waxaana loo yaqaanna unuqyo kasoo qaadidda jirka.

Daryeelkaaga

Haddii aad qabto kansar qanjir, takhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa kala doorashooyinka daaweynta.
Kuwaan waxaa laga yaabaa inay ku jiraan:
  • Qalliin
  • Shucaac ama kaah isku daaweyn (Laser)
  • Kiimiko isku daaweyn
  • Sugitaan baxnaano, ilaalin badani ku jirto, ama feejigaan xoog leh.

Waa axay Qawadka?

Qawadku waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa "Tinea Versicolor", wuxuu ka mid yahay cudurrada ugu caansan maqaarka. Waxaa keeno fangas loo yaqaanno "Pityrosporum orbiculare" waa nooc ka mid ah fangaska keeno cudurka soomaalida u taqaanno cabeebka. Dadka waaweyn badankood waxa ay qabaan laakiin maahan cudur daran oo caafimaad ahaan dhib u keena biniaadamka.Waxa kaliya uu keeni karo waa maqaarka oo isbadala.
Fangaska keeno qawadka qof waliba wuu gaaraa jirkiisa laakiin ma keeno qawad illaa uu ku tarmo jirka korkiisa wuxuuna ku badanyahay dhulalka kuleelaha.Taasoo dhididka wuxuu qawadka ku saacidaa inuu tarmo kadibna jirka ka soo muuqdo.Hadii qofku qabo cudur hoos u dhiga difaaca jirka sida AIDS-ka oo kale qawadku wuxuu fursad u helaa in jirka safiican ugu faafo. Calaamadaha lagu garto qawadka waxaa ka mid ah:-
wuxuu qawadka badanaa ka soo muuqdaa qoorta iyo dhabarka qeybtiisa kore, xabadka, gumaarka jirka qeybhiisa oo kalane wuu ka soo bixi kara Wuxuu qawadku ku badanyahay dadka aad u dhidida, dadka jirkooda dufanka ku badanyahay sida dhalinyarada.

QAWADKA LA IS MA QAADSIIYO.

Waxaa jirro cudurro kale oo qawadka u ekaan karo sidaa awgeed qawadka waa la baaraa oo qolof ayaa laga qaadaa jirkaaga kadib ayaa la baaraa. Qawadka waxaa lagu daaweeyaa shaampooyin loogu talagalay oo fangaska dilo sida shaambadaSelsun, Nizoral & Ketoconazol. Qawadku markuu daranyahay waxaa loo qaataa kaniiniyaal.
Qawadku wuu soo laalaabtaa sidaa darteed iska ilaali waxyaabaha keeno oo aan kur ku soo sheegay. Qawadku wuxuu keeni karaa cuncun kadibne hadii la xoqo wuxuu isku badalaa dhaawac, kadibne fangaska ayaa gaaro jirka gudihiisa wuxuuna keenaa cudur kale oo loo yaqaanno "Pityrosporum folliculitis" Hadii qawadka aad daawo u qaadato waxaa jirka ku soo haro baro cadcad oo bilooyin ka dib iska baabi'i doona. 
                                                               
Heerarka Foosha (Stages of Labor)  

Marka uu hadba soo dhawaado dhalashada ilmahaagu, waxa fiican oo gargaar leh in aad wax ka baratid 3-da heer ee foosha. Heerka Koobaad ee FooshaHeerka koobaad waa bilawga foosha waxana uu socdaa ilaa afka ilmogaleenku si buuxda u furmayo taasoo ah 10 sentimitir. Kani waa heerka foosha ee ugu dheer waxana uu socon karaa 12 ilaa 17 saacadood.Heerkan waxa loo kala qaybin karaa foosha hore, foosha firfircoon iyo kalaguurka.
1. Inta lagu jiro foosha hore, afka ilmo-galeenku waa uu furmaa taasoo ka bilaabmaysa 0 ilaa 3 sentimitir. Maroojintu ama fool-qabashadu waxay socon kartaa 30 ilaa 60 daqiiqo waxana ay dhici kartaa 5-tii ilaa 20-kii daqiiqadood kasta. Waxa laga yaabaa in dheecaan casaan ah, dhiig leh ama xab ah uu ka yimaado hoos. Waxa kale oo laga yaabaa in dhabarxanuun, lallabo iyo shuban uu yimaado. 2. Inta lagu jiro foosha firfircoon, afka ilmo-galeenku waa uu weynaadaa ilaa 7 sentimitir. Fool-qabashooyinku way sii xoogeystaan oo sii dheeraadaan, iyaga oo jiraya qiyaastii 1 daqiiqad soona noqonaya 2-dii ilaa 4-tii daqiiqadood kasta.
Waxa laga yaabaa in dawada xanuunka wakhtigan lagu siiyo. 3. Inta lagu jiro kala-guurka, afka ilmo-galeenku waa uu sii weynaadaa ilaa 10 sentimitir. Fool-qabashooyinku way ka sii xoog badan yihiin waxana ay dhacaan marrar ka sii badan intii hore. Waxa laga yaabaa in cadaadis weyn laga dareemo dhabarka dambe iyo malawadka. Waxa aad sameyn kartid:Is dabci inta u dhexeysa fool-qabashooyinka. Isticmaal tabaha neefsashada ama isdabcinta ee aad ku baratay fasalada dhalmada ama gargaar weydiiso kalkaalisadaada. Ha riixin ilaa laguu sheego inaad sidaa sameysid.
Waxa wehelkaagu Sameyn karo:
Dhiirigali oo deji. Inta lagu jiro foosha hore, ka gargaar beddelidda habka jiifka 1-kii ilaa 2-dii saacadood kasta. Sii qaybo ah baraf iyo labeenta dibnaha. Isticmaal ereyo dhiirigalin leh.

Heerka Labaad ee Foosha

Heerka labaad waxa uu bilaabmaa marka afka ilmo-galeenku si buuxda u furan yahay waxana uu socdaa ilaa ilmuhu dhalanayo, taasoo qaadata qiyaastii 1 ilaa 2 saacadood. Inta lagu jiro wakhtigan, shaqaalaha ayaa kuu sheegi doona goorta aad riixi kartid isla markaana gargaar ka geysan kara taageeridda jirkaaga marka aad dhalaysid ilmahaaga. Waxa aad sameyn kartid:-
Waxa lagugu dhiirigalin doonaa in aad riixid la sameysid foolqabasho kasta.Waxa laga yaabaa in laguu sheego in aad si tartiib ah u riixdid ama aad joojisid riixidda marmarka qaarkood. Waxa wehelkaagu sameyn karo:Taageer jirkeeda inta lagu jiro dhalista. Dhiirigali oo ka gargaar tirinta inta ay riixayso. Heerka Saddexaad ee FooshaHeerka saddexaad waa soo-bixista mandheerta ka dib dhalmada. Kani waa heerka ugu gaaban foosha, waxana uu socdaa 15 ilaa 20 daqiiqadood. Waxa adiga iyo wehelkaagu sameyn kartaan:Is dejiya oo wakhtigan ku istareexa ilmaha.  

Sonkorowga Uurka (Gestational Diabetes)  

 Waa Maxay Saraynta Sonkorta Dhiigga?
Saraynta sonkorta dhiigga macnaheedu waa macaanka (sonkorta) oo ku badan dhiigga. Waxaa kale ood maqli karta erayga hyperglycemia. Haweenka qaba sonkorowga haddana Uurka yeesha, iyo haweenka ay sonkorta ku dhacdo intay uurka leeyihiin, oo la yiraahdo Sonkorowga uurka waxay u baahan yihiin inay heerka sonkortooda xukumaan.
Haweenka uurka leh, heerka sonkorta dhiiggu waxay u baahan tahay in lagu hayo xadka qiyaasta oo yar una dhexeeysa 60 ilaa 120. Subaxii markaad toosto ugu horaysa, sonkorta dhiiggaaga waa inay ahaato 60-100. Marka aad cabirto sonkortaadu cuntada ka hor waa inay qorta 60-105, iyo 2 saac ka dib cuntada, 60-120. Markasta oo sonkortaadu ka badan tahay 120, aad ayey ugu badan tahay Uurka.Haddii ay wakhtiga Uurka sonkorta kor u kacdo, waxaa surtogal ah in ay dhib u keento hooyada iyo cunuggaba.

Dhibaatooyinka Cunugga:

Dhibaatooyin wadnaha, lafdhabarka iyo xubnaha kale oon si fiican u sameysmin bilaha hore ee Uurka hadday hooyadu qabtay saraynta sonkorta dhiigga markay Uurka yeelatay. Sonkorta aad ugu badan hooyada waxay cunugga u keenta isago aad u weynaada oo keena:
Sambabada cunugga oo si ayar ah u kora
Khatar horay u dhalid Khatar dhaawac inta dhalidu socoto Hoosayn sonkorta dhiigga oo cunuggu marku dhasho Khatar ilmaha uurka ku dhintaDhibaatooyinka hooyada: Hadday hooyadu si xun u kontroshay sonkorowga Uurka ka hor oo dhibaato ka soo ggartay indhaha, kaliyaha ama wadnaha, way ka sii xumaan karaan inta uurku socod. Gariir iyo miyir doorsooma ayaa aad caan ugu ah. Cadaadin badan ayaa kaliyaha ku dhacay tanina waxay keeni kartaa dhiig kar, barar iyo dhalid soo hormarta. Haddii cunugu wayn yahay oo keentay saraynta sonkorta dhiigu,qallin (uur-doox) baa laga yaaba in looga dhaliyo.
Tani waxay hooyada sii gelinaysa khatarta hurgunka iyo natiijooyinka soo kabashda oodhibaato noqda.Maxay Saraynta Sonkorta Dhiiggu u Dhcaan? Inta uurku socdo, jirkaagu wuxuu u baahan insulin badan, khaasatan saddexda bilood oo ugu dambaysa.Waxaa jira dhowr sababood oo keenta saraynta sonkorta dhiigga. Sababaha ugu caansan inta uurka socdo waxaa ku jira: 
Isbedelka hormoonaha inta uurku socodo
Adiga cuna cunto ka badan qorshahaaga cuntada Cunida cunto sonkorta ku badan yahay ama karbohaydraytku ku badan yahay Qaadasho la'aan daawo kugu filan (insulin) Dhaafid, ka boodid ama ka daahida daawada (insulin) Walaac Hurgun/cudur Helitaan la'aan jir-dhis ku filanWaxaa xataa dhici karta marar aadan u helayn sabata keenta saraynta sonkorta dhiigga. Sidee Baan Dareemaya Marka Sonkorta Dhiiggu Aad U Sarayso?Ma dareemaysid wax gooni ah marka sonkorta dhiigaagu aad u sarayso.
Waa sababtaas waxay ay muhiim u tahay inaad fiiriso sonkorta dhiigaaga sida ay dhakhtarkaaga iyo kalkaalisadaadaba kugu waaniyaan. Inta badan haweenka uurka lehi ee sonkorowga qaba waxay fiiriyaan sonkorta dhiigooda 4-8 goor maalin kasta, cuntada ka hor iyo 2 saac cuntada ka dib.Haddii heerka sonkorta dhiigaagu ay ka kormarto 120 3 beri ka badan oo isku xigta adiguna aad raacayso cuntadaadii,waa inaad la xiriirta dhakhtarkaagii ama kalkaalisadadii.
Waxaa laga yaaba inaad u baahan tahay insulin inaaad bilowdo ama haddii aad insuliin qaadato, qiyaastaada waa in la bedelaa. Maxaan Sameeya Maraan Qabo Saraynta Sonkorta Dhiigga?Sida ugu wanaagsan ee lagu daaweeyo saraynta sonkorta dhiiggu waa adigoo isu dheeli tira cuntada, jimicsi iyo/ama insuliinka. Dib u raac dhowrkii beri oo ugusameysay qorshihii cuntada dhaqdhaqaaqa, daawada (insulin) iyo waraaqadaha aad ku kaydisya sonkortaadu. U fiirso isbedel kasta oo kuu macnayn kara saraynta sonkorta.

Sidee Baan Uga Hortagi Karaa Saraynta Sonkorta Dhiigga?

Waxaad uga hortagi karta saraynta sonkorta dhiigga ado raaca qorshaha sonkorowga. Raacida qorshahaaga cuntada Qaadashada insuliinka sidii lagu faray Baaritaanka sonkortaadu iyo xafidaad jawaabaha Raacida xarakaadkaaga iyo jimicsigaaga si joogto aha La xiriirida dhakhtarkaaga haddaad aragto calaamada saraynta sonkorta dhiigga. Raacida qorshaha xanuunkaaga haddaad xanuunsantahay.  
Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka   
Haddii aad qabto ama la kulanto mid ka mid ah calaamadahan hoos ku xusan isbitaalka gaar:Calaamadaha Khatarta" ah waxaa ka mid ah:• Xanuun joogto ah oo dhabarka hoose ah• Wax dhiig ah ama xinjiro ah oo farjiga ka imaada• Is beddel ama kordhid waxa ka soo baxa farjiga• Ibida "madheerta" oo buqda ama dillaacda• Majuujin ama "kor u dhifasho ilmaggaleenka"• Cunugga oo dhaqaaqiisu caadi ka yaraado• Qandho• Matag iyo/ama shuban isku xig-xiga• Xanuun markaad kaadshayso• Suuxdin iyo siririd• Madax-xanuun• Indho-madoobaad• Wax kastoo kaloo khalad u muuqda 

Kaankarada/Kansarka Naasaha (Breast Cancer)

nugyada kansarku waa unugyo aan caadi ahayn. Unugyada kansarka qaarkood waxay sameyn karaan ka soo-bax loo yaqaano burooyin.Dhamaan burooyinka waxa kordha cabirkooda, laakiin qaar baa dhakhso u kora, qaarna koriinkoodu uu gaabiyaa. Unugyada kansarku waxay ku fidi karaan qaybaha kale ee jirka iyaga oo maraya hababka dhiigga iyo dheecaanka (lymph). Waxana taa loo yaqaanaa "metastasis".Kansarka naasuhu waa marka kansar ka bilawdo naaska.
 Kansarka naasaha waxa lagu ogaan karaa raajo naas (mammogram), iyada oo haweenaydudareento buro ama baadhitaan dhakhtar sameyo. Si loo helo kansarka naasaha, waxa muhiim ah:• In aad sameysid baadhitaan naasaha bil kasta.• In dhakhtarkaagu kuu sameeyo baadhitaan sannadkii mar haddii aad ka weyn tahay 40 jir. Badanaa waxa baadhitanadan loo sameeya tiro intaa ka yar haweenka da'da yar.• Isa saar raajada naasaha sannad kasta hadii da'daadu ka weyn tahay 40. 

Cadka Naaska

Waxa laga yaabaa in naasaha haweenaydu ay yeeshaan dareen ah adayg iyo buruq dhalmo-dayska ka hor . Haweenka waxa ka yaraada maadada "estrogen" ka dib dhalmo-dayska, sidaa daraadeed naasuhu waxay noqonayaan kuwo intii hore ka jilicsan oo ka buruq yar.Cadka adag iyo buruqda naasuhu waxa ay qarin karaan oo dhib ka dhigi karaan in la dareemo buro yar. Marka aad hubisid naaskaaga bil kasta, waxa aad baran kartaa cadka naaskaaga waxana aad ogaan kartaa wixii ku cusub. Sidoo kale buruqda yaryar waxa lagu ogaan karaa raajo naas ama waxa ogaan kara dhakhtarka wakhtiga baaritaanka. Buruqda qaarkood aad bay u yar yihiin, sidaa daraadeed waxa kaliya ee lagu ogaan karaa raajo naas. 

Baaritaanada

Haddii buruq la arko, waxa la qaadi doonaa raajo naas ama "ultrasound". Badanaa dheecaan iyo cad yar (biopsy) ayaa la qaadaa si loo eego in ay buruqdu tahay kansar, haddii ay tahayna nooceeda.Qaadista dheecaan iyo cad yar (biopsy) waa hab lagu soo saarayo qaybo aad u yaryar oo ah cad. Ka dibna, qaybaha waxa eegaya dhakhtar. Haddii baaritaanka dheecaanka iyo cadka lagu ogaado kansar, waxa la qaadi doonaa baaritaano dheeraad ah si loo ogaado in kansartu ku fiday qaybaha kale ee jirkaaga iyo in kale.

Noocyada Daweynta

Iyada oo ku saleysan natiijooyinka baaritaanka dheecaanka iyo cadka (biopsy) iyo nooca kansarka, adiga iyo dhakhtarkaaga ayaa go'aan ka gaari doona daweynta ugu haboon ee kansarka naaskaaga.Halkan waxa ku xusan daweynta la sameyn karo: 

Qalitaan

Waxaa la sameeyaa qalitaan si loo saaro kansarta intii suurtogal ah.Waxa la saaraa naaska oo dhan, taasoo loo yaqaano "mastectomy", ama waxa la saaraa qayb ka tirsan naaska, taasoo loo yaqaano "lumpectomy". Labada qalitaan noocii la sameeyaba, waxa kansar laga eegi doonaa guntimaha/qanjirada dheecaanka (lymph nodes) ee ku yaala kilkilada. Waxa kale oo adiga iyo dhakhtarkaagu ka hadli kartaan qalitaanka dib-u-dhisidda.
 Qalitaankan waxa loo sameeyaa si loo abuuro muuqaal u eg ka naaska caadiga ah.Waxa laga yaabaa in aad wali u baahatid daweyn dheeraad ah.Qalitaan ah, in naaska oo dhan la saaro (mastectomy) ama qayb ka mid ah (lumpectomy), ma aha ballanqaad in kansarku naasaha ka dhamaaday, ama jirka oo dhan. Waxa laga yaabaa in unugyo kansar oo aad u yar lana dareemi karin ay ku haraan jirka. 

Daweynta Shucaaca

Marka la saaro qayb naaska ah (lumpectomy), waxa badanaa ku xiga daweynta shucaaca (radiation therapy). Daweyn shucaac ayaa la sameeya si loo daweeyo naaska oo dhan. Daweynta shucaacu badanaa waxay bilaabantaa 4 ilaa 6 todobaad qalitaanka ka dib.
Daweynta Hormoonka (Hormone Therapy) iyo Daweynta Kiimiko (Chemotherapy)
Waxa laga yaabaa in daweyn loo baahdo si loo abaaro unugyada kansarka ee ku harsan jirka. Waxa la sameyn karaa qalitaanka ka hor si loo yareeyo buro ama qalitaanka ka dib, si loo dilo unugyada kansarka ee laga yaabo inay ku fideen ama ku harsan yihiin jirka.• Daweynta hormoonka waa dawo ah kiniin oo la qaato si ay lid ugu noqoto maadada "estrogen" ee ku jirta jirka. Waxyeelada ugu badan waa caalamadaha dhalmo-dayska.• Daweynta kiimiko waa dawo lagugu siinayo tuubo galaysa xidid dhiig (IV) ama kiniin ahaan. Dawadu waxay dilaysaa unugyada kansarka. Waxyeelooyinka ugu badan waxa ka mid ah daal, timaha oo daata iyo lallabo. Badanaa waxyeelooyinkani waa kuwo mudo jira oo aan joogto ahayn. 

Dhiig karka Uurku Keeno / Sumoy (Pre-eclampsia)  
  
Maxay tahay dhiig karka uurku keeno?

Waa xaalad kugu dhacday marka aad uurka leedahay keliya. Calaamadaha waxaa ku jira (ka mid ah) barar khatar ah, dhiig kar, iyo brotiin kaadidada. Ma jiraa magacyo kale ee dhiig karka uurku?Waxa loogu yeeri karaa dhowr magac oo kala duwan. Waxaa lagyaaba inaad maqashay iyadoo loogu yeerayo (sumoy), dhiig karka uurka, ama ku boorinta dhiig karka uurka, ama dhiig karka foosha la khasbey (pregnancy, induced hypertension). 

Maxaa keena dhiig karka uurka?

Waxaa keena dhiig karka uurku lama yaqaan. Dhiig karka uurka waxuu bilawdaa haweenaydu uurka qaado laakiin calaamaduhu caadi ahaan ma soo baxaan ilaa 20-asbuuc ka dib uurka.Haweenka halista u ah in dhiig karka uurka ku soo baxdo waxa ka mid ah kuwa leh:
• Sonkorow• Cayilka
• Dhiig kar raagay
• Cudurada kalyaha
• Uurka ugu horeeya
• Uurka ugu horeeya ee nin cusub
• Labo ama ka badan uurku jir (infant)
• Hooyo iyo/ama walaalo qabay cudurka
• Ka yar 17 ama ka badan 35 sano cimriga 

Calaamadaha ayaa yeelan doona?

Adiga ama dhakhtarkaaga waxaad fiiro u yeelan doontaan calaamadaha soo socoda:• kicitaan dhiig kareed• barar badan oo lugahaaga, wajigaaga, indhahaag, ama gacmahaaga• brootiin kaadidaad la socoda• soo gaaritaanka kaadida oo yaraada•  madax xanuun daran• laab jeex daranCalaamado kale oo daran waxaa ka mid ah:• Aragti caad leh ama aragti dhibco• Qalal (Gariir)• Dhibaato neefsiHaddii aad aragtan midkasta oo calaamadaha ka mid ah, u wac daryeelaha caafimaadka isla mariiba. Ha sugin ilaa ballantaada dambe.
 Waa maxay natiijada suuragalka ah ee dhiig karka uurka yeelan karo aniga iyo cunnugga?Haddii dhiig karka uurka aan la daawayn, waxaad halis u tahay cuduro khatar ah iyo qalal.Tani waxay xata cunnugga ku gelin kartaa cuduro. Ka soo qaad, cunuggu uma korayo si wanaagsan waayo ma helayo ogsijiin iyo cunno ku filan. Xaaladaha aad u darani waxay cunugga u keeni kartaa dhimasho. 

Sidee baan oga hortegi karaa dhiig karka uurka?

Dhiig karka uurka lagama hor tegi karo. Walxo yar oo laga yaabo inay caawimaan yarynta calaamaduhu waa:
• Qaado wakhtiyo nasasho ood u jiifto dhinacaaga. Naso ama seexo 1-2 saac barqadii iyo 1-2 saac galabtii.
• Cun cunto isu dheeli tiran oo ay ku jirto cunto brotiinkeedu sareeyo sida hilibka malaayga, ukunta, lowska shiidan, caano iyo digir. Cuntada brotiinku ku badanyahay waxay kaa caawimi doontaa iney badiso nafaqada cunugaaga. Weeydii qofka cunno yaqaanka ah haddii aad su'aal qabto.
• Cab cabitaan badan sida biyaha, casiirka iyo caanaha
• Haddaad sigaar cabto jooji.
• Xaji ballamahaaga oo dhan aad la leedahay daryeelaha caafimaadka.

Waa maxay daaweynta?

 Haddaan xilliyada nasiinada ee badan ay hoos u dhigi waayaan dhiig karka, bararkana dejin waayo, waxaad u baahnaan doonta in aad sariirta guriga sarnato.• Haddii nashadaada sariirta ayna soo rooneyn calamadahaas, waxaa lagu seexin doonaa cusbitaalka si aad u nasato, daawooyinkana u qaadato laguuna ilaaliyo.
  • Haddii dhiig karku uurku sii socdo kana daro, dhakhtarku wuxuu kuu soo jeedi doonaa in loo baahanyahay in la dhaliyo cunuga. Daawada dhiig karka uurku waa dhalida.
  • Waxaa laga yaaba in lagu siiyo daawooyinka ay ka mid yihiin magnisyam salfayt si ay u yareeyaan khatarta qalalka.
  • Markuu cunugu dhasho, waxaa laga yaabaa in aad fayoobato dhowr beri gudahood dhiig karku wuxuu ku soo noqon doonaa caadi, bararkuna waa degi doonaa. Ma jiraan cudurro waqti dheer oo keenayo dhiig karka uurku?Walaa adiga ama cunuggaga ayaan lahaan doonin waxyeelo waqti dheer oo uu keeney dhiig karka uurku. Ma lahaan doontid khatar dhiig kar kugu soo baxa noloshaada dambe. Laakiin, waxaad khatar u tahay inuu kugu soo baxo dhiig karka uurku uurarkaaga dambe.

          Dhicinta (Abortion)   

Macnaha ereygu waa uurka oo si aan la filaynin u dhamaada iyadoo ilmuhu lumayo ka hor todobadka 24-aad ee uurka.Qiyaastii afartii uur mid baa dhicin ku dambeeya, kuwaasoo intooda badani dhacaan inta lagu jiro 12-ka todobad ee uurka ugu horeeya. Xaaladaha qaarkood waxa dhacda inaan haweenaydu aanay marnaba ka warqabin inay uur leedahay, waxana laga yaabaa inay yeellato caado raagtay, iyo marmarka qaarkood caado aad u daran ama aanay caado gafin ba. 

Calaamadaha

Dumar badan waxa calaamadaha u horeeya ee dhicinta u ah dhiig ama dheecaan hoos ka yimaada, kaasoo marmarka qaarkood uu weheliyo xanuun caloosha ama dhabarka ah - oo u eg xanuunka caadada. Dhiigga hoos ka yimaada marka uurku bilawga yahay waxa la yidhaahdaa halis dhicin, qasabna ma aha inuu isu beddelo dhicin dhab ah.
 Dumar badan oo isku arka dhiig xaggooda hoose ka yimaada ayaa uurkoodu noqon doonaa mid caadi ah.Waxa laga yaabaa in dumar badani ay arkaan calaamadaha sida lallabo ama naaso xanuun leh oo iska taga, haddii uu dhiig jiro iyo haddii kaleba. Kuwo kale waxa laga yaabaa inaanay isku arag dhiig ama calaamad kale midna in wax khaldan yihiin, laakiin waxay ogaadaan in uurkoodi dhamaaday kaliya marka la sameeyo sawir caadi ah oo loogu talogalay xilliga umusha ka horeeya. Waxa taa la yidhahdaa dhicin la gafay ama daahday.
Haddii xanuunka calooshu yahay mid aad u daran, kulul ama hal dhinac ah, waxa laga yaabaa in taasi calaamad u tahay uur ku sameysamay meel ilmo-galeenka ka baxsan (ectopic pregnancy). Taasi waa xaalad halis galin karta nolosha waana in isla markiiba loo sheego Dhakhtarka. 

 Sababaha

Haweenka intooda badani ma helaan sababta keentay dhicintooda, sababta oo ah waxa dhif ah in la baadho iyada oo haweenayda u ku dhaco dhicin ah saddex ama in ka badan.Inkastoo wax aad u yar laga yaqaano sababta dhicinta badan u dhacdo, waxa loo maleynayaa sababaha muhiimka ahi yihiin:•
Hidde : qiyaastii kala badh dhamaan dhicinta hore sababta ay u dhacdaa waxa weeye suurogalka caadi la'aan koroomosoom (chromosomal abnormalities).
  • Hormoon daraadiii: haweenka leh isbedbedal hormoon (hormonal irregularities) waxa laga yaabaa inay ku sii adkaato rimiddu, marka ay rimaanna waxa u badan tahay inay dhiciyaan.
  • Hab difaac daraadii (immunological): cudurada khafiifka ah sida hargabka ma laha dhib, laakiin qandho ama xumad aad u sareysa iyo cuduro gaar ah qaarkood, sida jadeecada jarmalka (Rubella), waxay keeni karaan dhicin.
  • Sabab jidh (anatomical): haddii afka ilmo-galeenku dafiic yahay, waxa laga yaabaa inuu bilaabo furitaan marka ilmo-galeenku sii cuslaado xilliga dambe ee uurka waxana laga yaabaa in taasi goor dambe keento dhicin. Ilmo-galeen aan qaabkiisu caadi ahayn waxa uu keeni karaa inaanuu jirin meel ku filan koritaanka ilmaha. Burooyinka waaweyni waxay keeni karaan dhicin xilliga dambe ee uurka.
  • Borootiin: waxa loo maleynayaa in la'aanta borootiinta ‘Macrophage inhibitory cytokine 1' ay door ka ciyaarto dhicinta.
Cilad-sheegid

Sawirka sanqadha adeegsada (ultrasound) ayaa ah habka ugu kalsoonida badan ee lagu garan karo dhicin, laakiin baadhitaan uur (dhiig ama kaadi) iyo baadhitaan jidheed ayaa ah habab kale oo lagu garto waxa dhacay. Waxa laga yaabaa in baadhitaanka guriga lagu sameeyo uu muujiyo uur dhawr cisho ka dib marka dhicintu dhacday.

Daaweynta

Waxa muhiim ah in la ogaado inaanay jirin daaweyn joojin karta dhicinta uurka horaantiisa oo ah mid socota. Marka dhicintu tahay mid aan laga baxsan karin, waxa laga yaabaa inay jiraan kala-doorasho ku saabsan sidii loo maamuli lahaa.Iyada oo haweenaydu ay si buuxda u dhicisay mooyaane, waxa laga yaabaa in loo soo bandhigo hawl qalitaan oo yar oo la yidhaahdo kala-fidin iyo xaaqid (D&C, dilatation and curettage) iyadoo la isticmaalayo daawo suuxin oo guud. Waxa caadi ahaan suurogal u ah inay guriga ku noqoto gudaha dhawr saacadood. Waxa laga yaabaa in la weydiiyo haddii ay jeceshahay inay sugto in uurku iskii u dhamaado iyo in kale. Cisbitaalada qaarkood waxa laga yaabaa inay isku bixiyaan maamulis caafimaad iyo daaweyn dedajisa hawsha. 

Dhib-korodhka

Saameynta ka timaada dhicinta dumarka iyo raggu way ku kala duwan yihiin laakiin saameynteeda badanaa waa mid aan si buuxda loo qiimeynin.Waa in haweenayda iyo ninkeeda la siiyo qol ay ku murugoodaan sida marka lumis kale dhaco waxana ay u baahan yihiin inay awoodi karaan inay shucuurtooda si furan uga hadlaan haddii ay doonayaan. Waxa kale oo muhiim ah inay awoodi karaan inay kala hadlaan Dhakhtarkooda, si ay u muujiyaan wixii ay walwal ka qabaan uur yimaada wakhtiga soo socda. Ka-hortaggaHaddii sabab gaar ah la soo saaro, waxa laga yaabaa inay jirto daaweyn yareyn karta halista dhicin kale. Dhakhtarkaaga ayaa kuu gudbin doona takhasusle dhicin haddii arrintu sidaa tahay. 

Calaamadaha Khatarta ah ee Uurka  

 Haddii aad qabto ama la kulanto mid ka mid ah calaamadahan hoos ku xusan isbitaalka gaar:Calaamadaha Khatarta" ah waxaa ka mid ah:
  • Xanuun joogto ah oo dhabarka hoose ah
  • Wax dhiig ah ama xinjiro ah oo farjiga ka imaada
  • Is beddel ama kordhid waxa ka soo baxa farjiga
  • Ibida "madheerta" oo buqda ama dillaacda
  • Majuujin ama "kor u dhifasho ilmaggaleenka"
  • Cunugga oo dhaqaaqiisu caadi ka yaraado
  • Qandho
  • Matag iyo/ama shuban isku xig-xiga
  • Xanuun markaad kaadshayso
  • Suuxdin iyo siririd Madax-xanuun
  • Indho-madoobaad
  • Wax kastoo kaloo k
       Kombuyuutarka Uurka (Ultrasound)   

Ultrasound waa baaritaan isticmaala mowjado dhawaaq si loo eego ilmahaaga, ilmo galeenka iyo mandheerta. Waxaad awoodi doontaa in aad maqasho garaaca wadnaha ilmahaaga isla markaana sawirro ayaa lagu arki doonaa shaashadda.Ultrasound ma ahan raajo xanuunna ma keento. Baaritaankan wuxuu qaadanayaa ilaa iyo 20 daqiiqadood waxaana lagu sameyn doonaa xafiiska takhtarkaaga ama rugta caafimaadka.Ultrasound waxaa loo isticmaalaa si:
  • Loogu hubiyo taariikhda dhalidda.
  • Loogu hubiyo koritaanka iyo miisaanka ilmaha.
  • Loogu arko haddii ay jiraan wax ka badan hal canug
.• Loogu eego calaamadaha cilladaha lagu dhasho. Haddii ay muujiso in ay jiri karayaan cillado lagu dhasho, baaritaanno kale ayaa la sameyn doonaa.
  • Loogu eego sababaha dhiig baxa ama dhibaatooyinka kale keena.
  • Loogu hubiyo booska ilmaha goor danbe oo uurka ka mid ah.Inkastoo ilmahaaga laga yaabo in la arko in wiil iyo gabar yahay, ultrasounds looma sameeyo in lagu ogaado jinsiga ilmuhu uu yahay. Waxaa lagu weydiin doonaahaddii aad dooneysid in aad ogaatid jinsiga uu ilmuhu yahay haddii ultrasound la sameeyo. Ultrasound mar kasta ma muujiso jinsiga uu ilmuhu yahay. Si aad isu diyaarisid
  • Waxa laga yaabaa in lagaa codsado in aad cabtid 1-2 koob oo ah biyo ka hor baaritaanka si kaadi-haystaadu u noqoto mid buuxda. Haddii ay buuxdo, ha kaadin ilaa ka dib baaritaanka. Waqtiga Baaritaanka
  • Waxaad ku seexan doontaa miis iyadoo calooshaadu aysan daboolneyn.
  • Gel diirran ayaa maqaarka lagaa marinayaa. Bir ayaa lagu kala fidinayaa gel-ka si sawirro loo qaado.
  • Waxaad awoodi doontaa in aad sawirrada ka aragto shaashadda. Shaqaaluhu waxay kaala hadli doonaan wax ku saabsan sawirrada.

     Maxaa Sababa Hurdo La'aanta?  
Dhibaatooyinka hurdada waxa ka mid ah inay seexashadu dhib kugu ahaato, soo-jeedka oo kugu adag ama hurdo la'aanta. Hurdo la'aantaHurdo la'aanta (insomnia) waxa ku jira dhibaato kasta oo ah seexasha la'aan, hurdada oo aan lagu raagi karin ama goor aad u horeysa oo la tooso subixii. Qodobada sababi kara hurdo la'aanta waxa ka mid ah:
  • Cudur
  • Dareen murugo ah
  • Walaac/Isqu buuq
  • Kafeyn
  • Khamri ama maandooriyeyaal
  • Dawooyinka qaarkood
  • Sigaar-cabis badan
  • Caadooyin hurdo oo xun sida: - Maalintii oo si gaaban loo seexdo - Seexashada meel uu ku badan yahay iftiin ama qaylo - Goor hore oo la seexdo - Wakhti badan oo lagu soo jeedo sariirtaHaddii ay suurogal tahay isbeddel ku samee qodobada laga yaabo inay kuu keenayaan hurdo la'aanta. Kala hadal dhakhtarkaaga haddii seexashadu dhib kugu tahay wax ka badan 3 habeen todobaadkii gudaha hal bil. Sameyso wakhti hurdo oo joogto ah. 

 Daahidda hadalka iyo hadal la'aanta Caruurta

   Dib u dhac ku yimaado cod soo saarista iyo hadalka caruurta waxay calaamad u noqon karaan cudurro dhowr ah.cudurradaasi waxaa ka mid ah hawlgab maskaxda, soo daahidda hadalka ee guud, dhagoolnimada, dhib xagga luqadda ah, dhibaato nafsaani ah, gooniyowga caruurta iyo jug maskaxda gaartay. Dib u dhaca hadalka waxaa kaloo keeni kara, laba luqad lahaanshaha, sida hooyo iyo aabbo ku hadlo luqado kala duwan. Dib u dhaca hadalka caruurta waa mushkilad saameysa ilaa 10% caruurta dunida ku nool.Dib u dhaca hadalka caruurta waxaa 3 ilaa 4 jeer uu ku badanyahay wiilasha markii loo fiiriyo gabdhaha. Maxaa keeno dib u dhaca hadalka iyo hadal la'aanta
Dhacsanaan miyireed (ilmo ku dhashay maskax yari, tanina waxaa ka fahmi kartaa dhaqanka caruurta aan hadlin sida ay u dhaqmayaan)
 Dhago la'aanta (Hadalka waxay ilamaha ku bartaan dhagaysiga, haddi ilmuhu dhagool yahay, hadalka wuu ka soo daahaa)
Cuuryaannimo maskaxeed (cudur ku dhaco caruurta markii madaxa dhaawac ka gaaro oo leh hadal la'aan wato cuuryaannimo)
Dhakaakaha iyo gooniyowga (Waa xaalad ay sababto xanuun jir ahaaneed ee maskaxda taas oo soo baxda saddex sano ee qofka noloshiisa ugu horeysa, calaamadaha waxaa ka mid ah carqalad jir ahaaneed, bulshada iyo xirfada luqadda, dareemayaasha oo aan si caadi aheyn u jawaaba, iyo xiriirin qeyri caadi ah ee dadka, sheeyada iyo dhacdooyinka. Hooyo la'aanta iyo bulsho ka go'ista (Ilmaha oo waayo naxariista iyo jaceelka waalidiinta)

Cudur ku dhaco maskaxda sida qoorgooyaha iyo Maskax bararka.

Hormarka caadiga ah ee hadalka 1 ilaa 6 bilood: wuu hadaaqaa 6 ilaa 9 bilood: Faruuryaha ayuu cod ka soo saaraa 10 ilaa 11 bilood: codadka ayuu dhaajiyaa 12 bilood: hooyo iyo aabo ayuu dhahaa isagoo macnaheeda fahansan 13 ilaa 15 bilood: afar ilaa 7 kalmadod ayuu dhihi karaa 16 ilaa 18 bilood: 10 kalmadood ayuu dhihi karaa 19 ilaa 21 bilood: 20 kalmadood ayuu dhihi karaa 22 ilaa 24 bilood: 50 kalmadood, wuxuu weero ka suubin karaa laba kalmadood, hadalka caruurta xilligaan way fahmi karaan dadka oo dhan. 2 ilaa 2 1/2 sano: 400 kalmadood oo ay ka mid tahay magacyo iyo weero ka kooban 3 kalmad. 2 1/2 ilaa 3 sano: wuxuu dhihi karaa weero ka hadlaysa wax tagay, wuu kuu sheegi karaa da'diisa, weero ka kooban 5 kalmadood wxuuna tirin karaa. 3 ilaa 4 sano: su'aalo ayuu ku weydiin karaa, wuu sheekeyn karaa. 4 ilaa 5 sano: wuxuu magacaabi karaa ilaa 4 midab, weero ka kooban 9 kalmadoodne wuu dhihi karaa.

Baaritaanka hadal la'aanta

Waxaa muhiim ah in la kala saaro hadal la'aanta iyo luqad barashada caruurta, waalidiinta qaar ilmaha hadii aan la fahmin luqaddooda ama dhib ay ku tahay in sida caruurta kale u hadlaan waxay u maleeyaan in mushkilad ka heysato hadalka.Hadii cunugu cod sameyn karo, haba fahmin luqadiisa waxaa mushkilad ku hayo luqadda, laakiin haddii uusanba kalmad oran karin waa in aad ka walwashaa markaas.
Cunugga qabo mushkillada hadalka ama luqadda waxaa ku haboon in loo geeyo aqoonyahan codeed (speech therapsit) ama dhakhtar caruur si loo ogaado waxa dhibka u keenay.Waa in la fiiriyaa calaamadaha kale ee la socdo hadal la'aanta uguna muhiimsan tahay in uu wax maqlayo.Waa in la fiiriyaa in korriinka caruuta ay caadi tahay uusanne qabin cudur dhaxal ah. Sidee loo daaweyn karaa hadal la'aanta caruurta?
Daaweynta waxa ay ku xirantahay wixii ka soo baxo baaritaanka.Dib u dhaca hadalka caruurta in lagu guuleysto waxa ay ku xirantahay in waqti hore la billaabo daaweynteeda iyo la tacaaliddeeda.Waa in aad la xiriirtaa sida ugu dhakhsiyaha badan dhakhtar ku taqasusay hadalka iyo tababarka caruurta maxaa yeelay hadal la'aanta caruurta waxay saameyn  ku leedahay korrinka maskaxdooda iyo waxbarashadoodaba.Si loo xalliyo mushkiladaan waa in ay iska kaashadaan dhawr qof, dhakhtarka caruurta, tababare hadal, macallimiinta  iyo waalidiinta (iyagaana ugu muhiimsan)Hadii ay mushkiladan keentay dhib la xalin karo iyadane way sahlaysaa in cunugga bilaabo inuu hadlo.
Hadii ay tahayne mushkilo luqadeed iyadane way sahlantahay xalkeeda, haddii la garto waxa keenay oo ay ka mid tahay in waalidiinta ay isku luqad aheyn ama cunugga lagu baro luqad kale iskuulka, bulshadane ay ku hadasho luqad kale. Su'aashaad ku saabsan in biraha ay wax u dhimeen waa suurtagal, laakiin waa in ay jiraan waxyaabo kale ee la socdo hadal la'aantaas.Hadal la'aan kaliya inaysan keenin biraha lagu soo jiiday ilmaha ayay u badantahay.Ruxrixidda caruurta si loo aamusiyo in ay ilmaha ka daahiso hadalka ma maqal weli. 

Su'aal: Qarastu ma Cudur jiraa?

Soomaalidu badanaaba, waxay aaminsan yihiin in markii muddo la joogaba, uu qofku u baahan yahay is qaras-bixin, oo loola jeedo sifeynta Caloosha.  Xoolalaydu waxay taas u adeegsadaan Caanaha Geela. Beeralaydu waxay isticmaalaan dhir ay ka mid yihiin:-Carmada, Raqayga, Salamakiga iyo kuwa kale. Reer-magaalku waxay cabbaan Saliid ama Kaniiniyaal lagu iibiyo Farmasiyayaasha oo lagu baxo.
Qarasta ama dacarta waxaa caafimaad ahaan loo yaqaannaa (Bile ama Gall), waa dheecaan qaraar oo jaallo iyo cagaar ah waxaa dheecaankaan soo saaro unugyada beerka waxaana lagu aruuriyaa xamiitada oo markii qofka cunno cuno ayaa la soo daayaa si ay uga qeyb qaataan shiiditaanka cunnada dufanka ah. Dadka aanan laheyn qarastaas calooshoodu ma shiiddo dufanka sidaa awgeed waxay dhigaan saxaro dufan leh (Steatorrhea), marka waxaan ka fahmeynaa halkaan in qarastu aysan aheyn wasakh ku aruurtay caloosha una baahan in laga faarujiyo si loo sifeeyo.
Isqaras-bixinta waa caado aan sal iyo raadba ku laheen caafimaadka waxayna ka mid tahay caadooyin badan oo ay aaminsantahay soomaalida.  Hadda ka hor nin dhallinyaro ah oo Soomaaliyeed ayaa waxaa ku soo booday Xanuun wata Shuban iyo Matag, waxaana la soo dersay xaaladda ay Soomaalidu yiraahdaan 'Horay iyo Gadaal'. Taas oo socotay laba maalmood oo xiriir ah. Markii wixii dheecaan jirkiisa ku jiray ka baxeen ayuu noqday qof fuuq-baxay, wuxuuse dhanka kale dareemay Carrabkiisa oo noqday qaraar (dacar oo kale) iyo inuusan Cunnada si fiican u qaadan karayn.
 Ninkii ayaa u yimid dhallinyaro kale oo saaxiibbadii ahaa. Wuxuu uga sheekeeyay xaaladda uu ku sugan yahay. Waxay Saaxiibbadii u sheegeen ninkii: in ay Qaras(Dacar) ku kacday, si fiicanna uusan u Qaras bixin, loona baahan yahay inuu helo Dawo culus oo si fiican u Qaras bixisa...!!!!!!!!!!!!!! Ninkii dhallinyarada ahaa, ayaa u yimid Takhtar, wuxuuna ku cawday inay ku kacsan tahay Qaras, uuna u baahan yahay helitaanka Dawo uu si fiican ugu qaras baxo...!!.
Takhtarkii ayaa Su'aalo, baaritaan, miizaamid iyo qaabab kaleba ku eegay ninkii cabanayay, ka-dibna wuxuu isagoo dhoolla-caddaynaya ku yiri Ninkii:-"Wadaayow dhammaan wixii biyo iyo dheecaan ahaa ee ku jiray jirkaaga waa ay kaa baxeen". Wuxuu kaloo tibaaxay Takhtarku:-"Qaras bixid la'aan ayaad ka sheeganaysaa, adiga ayaaba waxaad u baahan tahay in wixii Qaras (Dacar) ah ee yaalla magaalada inta laguu soo ururiyo, lagu shubo jirkaaga oo laga buuxiyo Calooshaada, si aad u soo kabato, oo naftuna kuugu soo noqoto..."!!. 
Taasi waxay aheed sheeko gaaban oo ka tarjumaysa dhibaatada ay yeelan karto qaar ka mid ah caado dhaqameedka.  Haddii aan u imaado su'aashaada labaad lugaha aad ka cabanayso sida ka muuqdo cabashadaada xiriir lama lahan baabasiirka maxaa yeelay maalintii aadan shaqada aadin kuma xanuunaan.Lugaha oo ku hura ama kululaadaan waxa ay ka imaanaysaa inta aad fadhido luguhu way gororaan waxaana ka buuxsama qulqulka dhiigga sida la yaqaanna caafimaad ahaan meeshii dhiiggu ku aruuro way kululaataa taa ayaa keeneyso in aad ka dareento kuleel ama hur.Waxaa taas uga hortagi kartaa adigoo lugaha dhaqdhaqaajiya qaabka ay u yaallaane ka badala si murqaha u shaqeeyaan kabuubyane aaadan dareemin.Cabitaanka aad badsatane xiriir lama laha kuleelka aad dareemeyso. 

 Suáal: Siigeysashada iyo Caafimaadka?!    

Siigeysasho ama waxa loo yaqaanno "masturbation" waa in qofku uu biyo iska keeno isagoo ku falaadayo xubnihiisa taranka.
Caadeysiga siigeysashada waxay keentaa dhawr dhibaato oo caafimaad darro ah oo ay ka mid yihiin:1- Daal iyo tabardarri joogto ah2- Xanuun dhabarka qeybtiisa hoose ah3- Timaha oo yaraadaan ama daataan4- Kacsi la'aan iyo biyo-bax degdeg ah (Hawlgabka kacsiga ee dhalinta)5- Aragga oo caad yeesho6- Bisqinleyda iyo xiniinyaha oo xanuuna7- Xanuun iyo casiraad laga dareemo moqor miskeedka iyo dabaqanaanta.8- Qofku wuu ku walfi karaa oo dhib ayay hadhowdii ku noqoneysaa in uu iska gooyo caadadaan.9- Wuxuu kaloo keenaa waxa loo yaqaano "Semen leakage" oo ah in biyuhu soo dareeraan iyadoo wax dareen kacsi ah uusan jirin.10- Dhibaato nafsaani ah sida hilmaamidda iyo xifdin la'aanta. 

F.G
 
  1. ILAALI NADAAFADA DEEGAANKA AAD KU NOO SHAHAY
  2. NADAAFADU WAA QAYB KAMID AH IIMAANKA
  3. NADAAFADU WAXAY BISHAA BILICDA CAASIMADDA
  4. NADAAFADU WAXAY DARYEEL U TAHAY NOOLAHA OO DHAN
  5. CAAFIMAADKA BULSHADA WAXAA HOGAAN U AH NADAAFADA
  6. QASHINKA KA FOGAY GOOBAHA BULSHADA
  7. KU SHUB QASHINKA HAAMAHA LOOGU TALA GALAY SI LOOGA BAD BAADO WAX YEELADIISA
  8. IS XILQAAN RUN AH AYAA LAGU GAARI KARAA QASHINKA OO LA FOGEEYO
  9. XAQA DALKAAGU KUGU LEEYAHAY AYEY KAMID TAHAY NADAAFADA OO AAD ILAA LISO
  10. INTA QASHINKA KUUJIRO AYUU CUDURKU KUU JIRAA
  11. XAG DHOWR GOOBAHA WAX BARASHADA UBADKA, HANA KU SHUBIN QASHINKA
  12. KA QAYB QAADO OLOLAHA NADAAFADA SI MUTADA WACNIMA AH
  13. QASHINKA AAD U DIIDAY GURIGAAGA HADHIGAN WADADA
  14. NADAAFADA KU WAANI QOYSKAAGA SI LOO HELO BULSHO NADAAFAD JECEL
  15. LA SHAQAY DADKA KU HOWLAN NADAAFADA
  16. NOQO QOF U DHEGA NUGUL BAAQYADA URURADA BULSHADA EE KA HADLAAYA NADAAFADA I.W.M
 
 
 
Diyaariye:- Engineer Maxamed Hasan Husein Digaalseyshan.
 
Kala Xidhiidh Email 
andaasyare@hotmail.com ama tell:-4041187 ama Somtel 9182304.
 
sidaa iyo nabad galyo...
E! Online. Entertainment's home page.
Nasdaq Stock Market Information
Largest collection of free MP3s to play or download, free MP3 software
BabyCenter Store--content and quality products--You name it, we have it.

Search Engines

With over half a million sites, divided into more than 25,000 categories, Yahoo! is both browseable and searchable.
GO Network is a new brand that brings together the very best of the Internet in one, easy-to-use place.
Have Fun!